Home Blog Page 528

Madaxweyne Qoor Qoor oo booqday deegaanka Cadakibir

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay kooxda Argagixisada ah ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood ay ka waraabayeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Cada Kibir.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan kooxda Argagixisada oo caadeesatay boobka hantida dadka iyo daadinta dhiiga shacabka, iyadoona iminka ay ku sii dareen in ay ceel biyoodyada miinooyin ku qarxiyaan xilli abaar baahsan ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay argagixisada Al Shabaab iska dulqaaadaan.

Saddax carruur ah oo kasoo baxay dugsi Qur’aan ayey miino ay dhulka ku aaseen kooxaha argagaxisada kula qaraxday deegaanka Miir-caddo oo qiyaastii 45 Km dhanka koofur bari ka jirta magaalada Baledweyne

0

Saddax carruur ah oo kasoo baxay dugsi Qur’aan ayey miino ay dhulka ku aaseen kooxaha argagaxisada kula qaraxday deegaanka Miir-caddo oo qiyaastii 45 Km dhanka koofur bari ka jirta magaalada Baledweyne.

Mid ka mid ah caruurta ayaa geeriyooday halka laba kale na dhaawacooda la keenay magaalada Baledweyne si loogu daaweeyo.

Kooxaha argagaxisada ah ee Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka waday in wadooyinka Miinooyin u galiyaan dadka shacabka ah ama ay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay u dhibaateeyaan maadaama ay u bareeri waayeen in ay ka hortagaan weerarada dadka deegaanka oo garabsanaya ciidanka xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaare Hamse oo kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa galabta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii la magacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in 23 Agoosto loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu dayactiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaala.

4 Sebtember waxaa loo diray deeq dhan 20 tan oo cunto ah
magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtay kulamo xiriir ah oo la xiriira gurmadka abaaraha iyo barnaamijyo wacyi-gelin ah.

Xubnaha ganacsatada oo ka hadlay kulanka ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka dhibaateeysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu iyada oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta marti galiyay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaarada Caafimaadka iyo Wasaaradaha Dowlad goboleedyada

0

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta marti galiyay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaarada Caafimaadka iyo Wasaaradaha Dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowlada Federalka Soomaaliya kaas oo socon doono mudo 3-cisha.

Shirkan oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta adeegyada Caafimaadka ayaa sanadihii lasoo dhaafay lagu qabtay xarumaha dowlad goboleedyada Dalka, waxaana madasha uu shirkan ka dhacay kasoo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka XFS, Wasiirada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS iyo Agaasimaha Caafimaadka maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo kuwa dowladd goboledyada oo kulan yeeshay.

0
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa furay shirka maaliyadda dadka oo ay ku wada hadlayaan wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada iyo wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkaan waxaa ka qeyb galayaa wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta hayaa!y’adaga Maaliyadda dalka
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa yirri ” Waxaa maanta innoo furmay shirka guud ee Maaliyadda dalka oo u dhexeeya wasiirada maaliyadda dowlad-goboleed yada iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federal ka ah ee Soomaaliya.”
Wasiir Cilmi ayaa sheegay in shirkani ay ugu hadlayaan iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo horumarinta maaliyadda dalka”Shirkaan ayaan uga wada hadlaynaa dar-dargalinta horumarinta maaliyadda dalka iyo iskaashiga joogtada ah ee Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah”
Shirkaan oo maalmo soconaya ayaa ujeedkiisu waxaa uu yahay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada heer ee Dowladda si loo joogteeyo guulaha dib u habeynta iyo horumarinta Maaliyadda dalka.

Midowga Afrika oo Ergay cusub u magacaabay Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika danjire, Mousa Faki Mahamat, ayaa Mohamed El-Amine Souef u magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo bedelay Francisco Madeira oo bishii April ee sanadka dalka ka ceyriyay Ra’isul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Mohamed El-Amine Souef oo dhashay dalka Kamaros ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin; wasiirka arrimaha dibadda, danjiraha Kamaroon ee Masar, Qaramada Midoobay iyo wakiilka jaamacadda Carabta.

Sidoo kale, wuxuu soo noqday xubin baarlamaan iyo la taliye madaxweyne.

Mohamed El-Amine Souef ayaa hadda ahaa madaxa xafiiska magaalada Gao ee howlgalka Qaramada Midoobay ee MINUSMA ee dalka Mali.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maanta dalka kadib ugu soo laabtay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay afar cisho oo magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika uu uga qeyb galay shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika ee Pan-African Parliament.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Osman (Aadan Cade) ee Magaaladda Muqdisho ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS, waxaana uu Guddoomiyuhu uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen.

 

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BFS oo loo doortay Xubin kamid ah guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika

0

Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay  29 – 31 Ogoosto ee  xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta  ee ururka Xoghayeyaasha Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maanta xafiiska ku qaabilay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF).

Guddiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF) Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayey isaga iyo xubnihiisu la wadaageen wasiirka warbixin la xiriirta howlaha shaqo ee gudiga ay ka qabteen hirgelinta iyo horumarinta federaaleyna, soohdimeynta maamul goboleedyada iyo degmooyinka iyo maareynta xog-dhuleedka dalka, iyada oo sidoo kale wasiirka hordhigay waxyaabaha iminka hortabinta u leh iyo sida ay doonayaan in ay u caawiso wasaaradda sidii ay gudan lahaayeen hawlaha dastuuriga ah.

Wasiirka Wasaarada Axmed Macalim Fiqi  ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo dhawaan la doortay iyo xubanaha kale ee guddiga, waxaa uuna su’aalo ka weydiiyay arrimo badan oo hawlahooda ah isaga oo sheegay in sida wasaaraddiisa ay ahmiyad u siineyso arrimaha xuduudaha ee khuseeya gudaha dalka iyo dalalka dariska ah, waxaa uuna dhiirigeliyey in la dedejiyo dhameystirka siyaasadaha la xiriirka xuduudaha.

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ah guddi Madaxa Bannaan oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxa ayna shaqadiisu tahay inuu dowlada Federaalka ka caawiyo calaamadaynta Soohdimaha maamul goboleedyada iyo degmooyinka, Xalinta khilaafaadyada la xiriira arimaha soohdimaha iyo Qaangaarsiinta maamul goboleedyada dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay Guddoonka Jaaliyada iyo Ganacsatada Magaalada Johannesburg ee dalka south Africa

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada  Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalkaasi  uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.

“Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo ganacsatada  ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysan” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada Dalka.