Home Blog Page 528

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUQDISHO KU SOO DHAWEEYEY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA ITOOBIYA MUDANE ABIY AXMED

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliya iyo dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Khawaarijta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUQDISHO KU SOO DHAWEEYEY DHIGGIISA DALKA JABUUTI MUDANE ISMAACIIL CUMAR GEELLE

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee walaalaha Jabuuti ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Ilyaas Sheikh Axmed Ibraahim ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga #Hop147

0

Ilyaas Sheikh Axmed Ibraahim ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga #Hop147 ee deegaan Doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug isagoo kaga Guuleystay Musharrax Aamino Tahliil Warsame oo la tartantay.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa doorashada Kursigaan maanta ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb iyadoo ay ka qeyb galeen Munaasabadda Masuuliyiin Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ah.

Kursiga #Hop147 waxaa baneeyay Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Waziir ku xigeenka warfaafinta oo sheegay in  shacabka Soomaaliyeed  duruufaha ay ku noolyihiin aysan ku faraxsaneen dowladda

0

“Shacabkeenna sharafta badanoow, Dawladdiinu waa ogtahay duruufaha Aad ku nooshihiin kumana faraxsana culaysyada aad la kulmaysaan balse waxeey ku faraxsantahay in ay ka shaqaynayso sidii meesha looga saarilahaa kuwii abuuray duruufahaan (Khawaarijta)

Mahadsanidiin markasta walaalayaal.”

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Abdirahman Yusuf Al-adala

Madaxweynayaasha Kenya,Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Berri Muqdisho imaanaya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta Muqdishu ka furtay Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo.

Guddiga Odayaasha Dhaqanka oo maanta bilaabay qeybinta qoondooyinki loogu talagalay in lagu wareejiyo dadki waxyeelada kasoo gaartay dagaalkii Baydhabo

0

Guddiga Odayaasha Dhaqanka ayaa maanta bilaabay qeybinta qoondooyinki loogu talagalay in lagu wareejiyo dadki waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii 23-kii December 2022, waxaana goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga Farsamada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Farsamada iyo La-taliyaha Amniga iyo Siyaasadda ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Xasan Idiris.

Safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Indonesia oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Joko Widodo

0

Sii-hayaha ahna safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Indonesia, Mudane Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Xiish) ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dalka Soomaaliya iyo guulaha ay dawladda ka gaartay horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, xasillinta iyo iskaashiga dunidda la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Joko Widodo.

Ku simaha Safiirka ahna safiir ku  xigeenka Axmed Xiish  ayaa si mug leh madaxweynaha dalkaasi, uga waramay in dowladda Soomaaliya tan iyo markii uu taladda u qabtay madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Seekh Mxamuud bartamahii sannadkii tagay ,ay guullo la taaban karo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee Al Shabaab, isla markaana ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen dhulkii ugu balaarnaa oo muddo ka badan 10 sanno ay maamulayeen Khawaarijta cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo Islaamka intaba.

inta ay socotay xafladda uu Madaxweyne Joko Widodo kula wareegay hoggaaminta sannadka 2023 ee ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN Chairmanship of 2023), waxaa uu sii hayaha safiirka, madaxweynaha dalkaasi kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labadda sida dhaqaalaha,ganacsiga, maaliyadda, tababaradda iyo sido kale amaanka.

Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya

0

Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta oo faahfaahin ka bixiyay shirka taliyeyaasha iyo wasiirrada waddamada safka hore ee lagu qabtay Muqdisho.

0

Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir gogol xaar u ah shirka madaxda dalalka safka hore ee ay berri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kulankaas oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyey Shirka Wasiirradda gaashaandhigga iyo taliyeyaasha Ciidamada dalalka deriska ee loo yaqaan waddamada safka hore.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Shirkan lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta, isku dubaridka taageerada muhiimka ee dalalka safka hore iyo sidii laysaga kaashan lahaa howlgallada, isagoo xusay in kulankani uu sahlayo ciribtirka Khawaarijta.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Waddamada safka hore ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo gulufka Millateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Dowladdu ay cudur daar ka bixineyso saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo saamayn ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Shirka waddamada safka hore ee ay Soomaliya horkacayso kana mid yihiin dalalka Jabuuti,Ethiopia iyo Kenya ayaa lagu wadaa in lagu mideeyo Istiraatiijiyadda lagu wajahayo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

 

Wasiirka qorsheeynta X.F.S oo qaabilay wafdi ka socday EAC

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax (Beenebeene),  ayaa maanta ku qaabilay xarunta dhaxe ee Wasaaradda,  wafdi ka socday Wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EAC, kuwaas oo dalka u yimid in ay qiimeeyaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ku biirto Ururka EAC, islamarkaana ay ka faa’iidaysato ganacsiga, xorriyadda dhaqdhaqaaqa, iyo xiriir adag oo ay la yeelato dalalka  ku bahoobay Urur gobaleedka EAC.

Wafdigan ayaa  waxey isugu jireen khubaro iyo farsamo-yaqaano sar-sare, kuwaas oo ka kala Socday  dhammaan wadamada xubnaha ka ah Urur gobaleedka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.