Home Blog Page 530

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Hadal ka Jeediyay Baarlamaanka Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa ka qeyb galay shirweynihii 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda heer Qaran iyo heer gobol ee Afrika oo maanta ka furmay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey shirweynaha ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada Geeska Afrika iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta ay wajaheeyso Qaaradda Afrika, ayadoo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneyso wax-soo saarka iyo saameenta cudurka COVID-19.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ahmiyad gaar ah siinaya in iskaashi balaaran laga sameeyo sidii looga hortagi laa abaaraha soo noqnoqodey waxaana uu u rajeeyey in shirka wax lataaban karo ay ka soo baxaan sidoo kale waxa uu u mahadceliyey cidkastoo ka qeyb qaadatey.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa adkeeyey in baarlamaannadda Afrika ay fuliyaan wixii ay ka balan qaadeen shacabkooda Ummadda Qaaraddana lagu wacyi-geliyo kordhinta wax-soosaarka iyo beerashada.

 

Madaxweyne Xasan oo Qaabilay Safiirka Shiinaha Ee soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya dalkeenna Mudane Fei Shengchao.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safiirka Dowladda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, diblomaasiyadda iyo doorka ay dowladdiisu ka qaadan karto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gacan siinayaan adkeynta amniga, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta maalgashiga, isagoo xusay in ay ku garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ilaalinta madax-bannaanidooda dhuleed, siyaasadeed iyo difaaca gobanimda Qarankooda.

 

 

Madaxweynaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabailay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Arrimaha Bani’aadamnimada…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaranada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah OCHA Mudane Martin Griffiths.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada ee ka dhashay saameynta abaaraha ka jira dalkeenna iyo qeybo ka mid ah gobolka Geeska Afrika, taas oo u baahan in si wadajirka ah la isaga kaashado heer dowladeed iyo heer Caalam intaba.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ahmiyadda siinayaan ka jawaabidda baahiyaha deg deg ah ee bulshada iyo barnaamijyada ku saleysan hiigsiga fog, si xal waara loogu helo caqabadaha soo noqnoqday ee ay ka mid yihiin abaaraha iyo isbeddelka cimilada, isagoo hoosta ka xariiqay in diirradda la saaro xilligan sidii gargaarka bani’aadamnimo loogu saleyn lahaa shaqo abuur qaran, maalgashi, hannaan ka tarjumayo isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey hay’adda OCHA taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan gargaaridda dadka abaaruhu saameeyeen iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhashay.
Dhankiisa, Mudane Martin Griffiths Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah ee OCHA ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawin doonaan arrimaha mudnaanta u leh ee ku saabsan horumarinta iyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta baahsan ee ka dhalatay isbaddalka cimilada.

Madaxweynaha Qaranka oo ka Tacsiyeeyay Geerida Hooyada Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadiis Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq maanta geeriyootay.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyootay hooyo Xasno Cabdulle Isaaq.”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq.

 

Argagixisada Oo Dhibaato u Geystay Ceelal Biyoodyo Aay adeegsanjireen Xoola dhaqato.

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab ka geystay Weeraro dhuumaalaysi ah iyadoo bartilmaameedsanaya Ateenooyinka shirkadaha isgaarsiinta,Baraagaha Biyaha iyo Ceel-biyoodyadda Xoolla dhaqatada uga cabaan Xoolluhu.

Wakiilka Warbaahinta Qaranka jeylaani xasan Cismaan ayaa sheegay in ay Maleeshiyadka Al-shabaab burburiyeen xarumo isgaarsiineed,ceelal biyoodyo iyo baraago ku yaalay deegaannada kala ah Cadakibir,Qaayib iyo Maarsamage oo hoos-taga Degmadda Baxdo.

Wararka ayaa sheegay in kooxdaasi ay isaga baxsadeen deegamaadi ay weerareen,waxaana maqan isgarsiinta degmada Baxdo iyo degaamada hoostaga .

Kooxda Al-shabaab ayaa caadeysatay in ay burburiyaan xarumaha muhiimka ah ee laga fuliyo adeegyada bulshada.

Weerarkan Bahalnimada ayaa muujinaya Sida argagixisaddu ugu heelan tahay in ay dabar jarto Bulshadda Deegaamadaas ku nool maadama wakhti lagu jiro xili abaareed ay bilowda duminta Ceelasha biyaha iyo kaabayaasha Nolosha Bulshadda.

Madaxweynaha Qaranka oo Magacaabay laba Ergay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf.

Madaxweynaha oo Labadan Mudane ku soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan, kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey Ergeyga Gaarka ah ee Gannacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaalla.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay; Talaada, 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

 

Madax ka Socda WFP oo Gaaray Galkacyo (Sawiro).

Saraakiil ka socatay hay’addaha QM oo maanta Gaaray magaalada Galkacyo ayaa kulan xog wareysi ah kula qaatay xarunta maamulka dowlada hoose ee dagmada Galkacyo Masuuliyiin ka tirsan Galmudug isla markaana ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada gargaarka DG Galmudug Cumar Xasan

Kulanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobalka mudug Axmed Bukhaari ayaa masuuliyiinta Galmudug uga warbixiyeen xaalada Qoysaska danyartaa ee ku sugan guud ahaan Gobalka mudug gaar ahaana kuwa ku jira xeryaha barakacaayaasha ee ku yaala Galkacyo waxaana ay sheegeen in Sida ugu haboon loo gaarsiiyo deeqaha uga yimaada Hay’adda WFP sidoo kalana NGO_ga uga masuulka ah hay’addaasi gaarsiinta deeqda ay ku amaanayaan gudashada waajibaadka ka saaran in ay gaarsiiyaan deeqaha loogu soo dhiibo dadka xiligaan ku tabaaleysan guud ahaan deegaanada Gobalka mudug

Kulanka ka dib ayaa waxaa saraakiishii ka socatay QM gaar ahaan Hay’adda WFP oo ay wehliyeen duqa dagmada iyo agaasimaha guud ee wasaarada gar gaarka DG Galmudug waxa ay si wadajir ah u kormeereen Qaar ka mida xarumaha caafimaadka ee loogu talagalay daaweynta hooyada iyo dhalaanka Dugsiga hoose dhaxe iyo sare ee Mustaqbal ee ku yaala deegaanka Xaar xaar halkaasi oo ay wax ka bartaan caruur agoon ah isla markaana ay quudinta ka saacido Hay’adda WFP iyo qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha gaar ahaan kuwa ay ku sugan yihiin qoysaska kusoo xoola beelay abaaraha ee naftooda lasoo magansaday xeryahaasi

Kormeerka ayaa intii socday qaatay muddo 6 saacadood ka badan waxaana intii ay ku guda jireen saraakiisha QM ay xog wareysi la yeesheen xubnihii ay kula kulmeen Xarumaha caafimaadka xeryaha barakacayaasha iyo ardayda iyo maamulka iskuulka mustaqbal iyagoona ka warsaday in ay si wanaagsan u helaan gar gaarka daawada iyo quudinta loogu tala galay waxaana ay usheegeen xubnihii ay warsadeen in ay helaan balse aysan aheyn mid ku filan nolashooda ayna codsanayaan in loo kordhiyo ayna uga mahad celinayaan Hay’adda WFP Maamulka Heer Gobal iyo Heer dagmo iyo NGO_yada la shaqeeya Hay’addaasi

Agaasimaha wasaarada Gargaarka Galmudug Cumar Xasan iyo Gudoomiyaha Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ujeedka kulanka iyo kormeerkii ka danbeeyay waxayna si isku mid ah u sheegeen in ujeedkoodu ahaa la socadka hab maamulka iyo gaarsiinta deeqaha ka yimaada WFP in ay yihiin sidii loogu tala galay isla markaana NGO_yada u qaabilsan hay’adda la hubinayay in ay shaqada u qabteen sidii loogu tala galay iyagoona xusay in xog aruurin kadib la isla qaatay markii qiimeeyn lagu sameeyay in sidii loogu talagalay ay u guteen shaqadii loo wakiishay ayna uga mahad celinayaan…

 

Safiirka Soomaaliya ee Dalka India oo Kulan laqaatay Bulshada Soomaaliyeed ee Dalkaasi.

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Amb Axmed Cali Daahir ayaa kulan muhiim ah la qaatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada caasimada ah, New Delhi ee dalka Hindiya.
Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa is xogwareysi, kala warqaadasho iyo sidii looo joogteyn lahaa wadashaqeynta bulshada iyo Safaaradda xiriir dhawna ay ka yeeshaan caqabadaha soo wajaha ee u baahan in ay Safaradddu wax ka qabato.
Xubno u hadlaayey bulshada ayaa soo jeediyay dhibaatooyinka ay la kulmaan iyo guud ahaan caqabadaha ka haysta adeegyada kala duwan ee ay uga baahdaan dowladda iyo shacabka reer Hindiya.
Danjiraha oo hadalka qaatey ayaa ugu horreyn uga warramay bulshada xaaladda dalka gaar ahaan xaaladda Safaaradda Soomaaliyeed ay ku sugan tahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo iskaashi bulsho oo buuxa.
Danjiraha ayaa ballan qaaday in caqabadaha qaar uu si hoose u gali doono waxna ka qaban doono sidii loo xalinlaha.
Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa dalka Hindiya u yimaado xaalado kala duwan sida arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

Ugu dambeyn kulanka danjiraha iyo bulshada Soomaaliyeed ee New Delhi ayaa ku soo idlaaday jawi Isfahan iyo wax wadaqabsi ah bulsho iyo ka Safaarad ahaan si ay ugu wada shaqeyaan hanaan dowladeed iyo is gacansiin buuxda.

Reysul Wasaare Xamse Oo Dalka Dib ugu soo Laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamse Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka soo qaybgaleen shirkii Caalamiga ahaa ee TICAD8 ee lagu qabtay magaalada Tunis.

Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intii uu socday shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika — waxa uu la kulmay madax kala duwan oo ka qaybgalaysay shir madaxeedka, isagoo ka jeediyay shirka khudbad taabanaysay dhinacyo kala duwan sida amniga, abaarta, cunto yarida, isbeddelka cimillada iyo saameynta ay keentay.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maanta booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee Demartino

0

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee Demartino.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Isbitaalka iyo xubno ka tirsan maamulka isaga oo ka waraystay xaaladaha bukaanada Isbitaalka ku jira kana dhagaystay warbixinada adeegyada isbitaalka uu bixiyo iyo daryeelka bukaanada loogu fidiyo.

Wasiirka ayaa intaa kadib booqday qeybaha bukaan jiifka si uu ugu kuurgalo xaaladahooda Caafimaad, Wasiirka ayaa ku booriyay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada isbitaalka sii wadidda iyo joogtaynta daryeelka dadka nugul ee u soo adeeg doonta isbitaalka Demartino.