Home Blog Page 530

Galmudug oo sheegtay in ay qorsheeneyso in seddax jiho ay ka weerarto Khawaarijta ku dhuumaaleysta bariga gobolka Galgaduud iyo koonfurta gobolka Mudug

0

Maamulka Galmudug ayaa qorsheyneysa in seddax jiho ay ka weerarto Khawaarijta ku dhuumaaleysta bariga gobolka Galgaduud iyo koonfurta gobolka Mudug.

Abshir Cabdi Shiiqow oo ah Wasiirka Warfaafinta Galmudug  ayaa sida uu warbaahinta qaranka u sheegay waxa uu tilmaamay in dhaawan khawaarijta Al-shabaab laga saarayo dhamaan deeganada ay ka jogaan khawaarijta Al-shabaab maamulkas.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay hataan ka maamul ahaan ay ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyey isaga oo sheegay in dhawaan la arki doono Magaaloyinka Xaradheere,Ceelbuur,Xiindheere,Galhareeri iyo Ceeldheere oo xor ah oo cadowga Khawaarjta Al-shabaab laga saaray.

Xiisadda Kosovo iyo Serbia oo kasii dartay iyo Belgrade ‘oo heegan gelisay’ ciidankeeda

Ciidamada Serbia ayaa la geliyey “heegankii ugu sarreeyey,” waxaa sidaas sheegay Wasiirka Difaaca Milos Vucevic, isaga oo muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee dalka ku yaalla Balkans-ka kala dhaxeeya dalka deriska la ah ee Kosovo.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa toogashooyin ka dhacay iyo jidgooyooyin laga sameeyey waqooyiga Kosovo oo ay degan yihiin dad asalkoodu yahay Serbiyiin.

Kosovo ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-baani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.

Ciidamada Serbia ayaa dhowr mar heegan la geliyey sanadihii tegay sababo la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Kosovo — waxaana ugu dambeeyey bishii November kadib markii Belgrade ay sheegtay in diyaarado drone ah oo ka yimid Kosovo ay soo galeen hawadeeda.

10-kii December, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.

Jidgooyooyinka ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay sare u kacday toogashooyinka lasoo werinayo, waxaana ugu dambeysay fiidnimadii Axadda, sida ay sheegeen ciidamada nabad-ilaalinta ee NATO ee KFOR.

“Madaxweynaha Serbia… wuxuu amray ciidamada Serbia in la geliyo heerkii ugu sarreeyey ee dagaal, kaasi waa heerka adeegsiga ciidamada,” ayuu yiri wasiirka difaaca Milos Vucevic oo bayaan soo saaray Isniintii.

Waxa uu intaas ku daray in madaxweyne Aleksandar Vucic uu amray in sare loo qaado ciidamada gaarka ah oo hadda ah 1,500 lana gaarsiiyo 5,000.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Serbia ayaa sidoo kale ku dhowaaqday “dhammaan cutubyada waxaa la hoos gayn doonaa taliska madax guud ee ciidanka.”

Amarrada Vucic ayaa yimid kadib markii madaxa ciidamada General Milan Mojsilovic loo diray xuduudda Kosovo Axaddii.

Xaaladda Waqooyiga Kosovo ayaa kacsaneyd tan iyo bishii November, markii boqolaal shaqaale oo isirkoodu yahay Serbiyiin kanaa tirsan booliska Kosovo, iyo sidoo kale laamaha cadaaladda sida garsooreyaal iyo dacwad-oogayaal ay shaqada ka baxeen, ayaga oo ka mudaaharaadaya go’aan muran dhaliyey oo Serbiyiinta ku nool Kosovo looga mamnuucay inay adeegsadaan taargooyinka baaabuurta ee ay soo saarto Belgrade.

Go’aanka ayaa waxaa markii dambe ka laabatay Pristina hase yeeshee shaqo joojinta wadareed ayaa sababtay gaabis amni.

Pristina ayaa isku dayday inay waqtiyeyso doorashooyinka dowladaha hoose ee ay ku badan yihiin Serbiyiinta 18-ka December — hase yeeshee waxaa la hakiyey kadib markii go’aankaas uu abuuray caro xooggan, islamarkaana xisbi siyaasadeedka ug weyn Serbiyiinta uu sheegay inuu qaadacayo.

Kadib, 10-kii December, sarkaal hore oo boolis oo lagu tuhunsan yahay weeraro ka dhan ah saraakiisha boolis ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta ayaa la xiray, taasi oo ka careysiiyey Serbiyiinta kuwaas oo dhagxaan ku gooyey waddooyinka, islamarkaana curyaamiyey isu socodka gaadiidka ee laba marin xuduudeed.

Saacado kadib markii jidgooyooyinka la sameeyey, booliska Kosovo ayaa sheegay in lagu soo qaaday saddex weerar oo hubeysan oo ka dhacay waddooyinka gala xuduudda.

Ciidamada nabad-ilaalinta NATO ee KFOR, ayaa sheegay in rabshadihii ugu dambeeyey ay dhaceen Axaddii markii xabado lagu soo furay ciidamada Latvia ee qeybta ka ah KFOR, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Kosovo.

KFOR ayaaa sheegay inay baarayaan dhacdadan, waxayna intaas ku dareen “inaysan jirin wax dhaawac ama khasaare hantiyeed ah.”

Ra’iisul Wasaaraha Serbia Ana Brnabic ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in xaaladda Kosovo “ay qarka u saaran tahay dagaal hubeysan.”

Golaha Amniga Kosovo oo kulmay Axaddii ayaa ku eedeeyey Serbia xiriirka sii xumaanaya, waxayna sheegay in dalka deriska ah ee waqooyi “uu ku dhaqmayo wax kasta oo ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Kosovo”.

Serbiyiinta waa 120,000 oo ka mid ah 1.8 milyan ee qof ee ku nool Kosovo.

AFP

Safiir ku xigeenka safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti oo la kulmay safiirka Qatar ee dalka Jabuuti

Safiir ku xigeenka safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti mudane Jabril Afyare ayaa la kulmay safiirka Qatar ee dalka Jabuuti Rashid bin Shafie.

Safiir ku xigeenka ayaa isaga oo ku hadlaya magaca Soomaaliya ugu hambalyeeyay dowlada Qatar sida ay u agaasimeen koobkii aduunka ee dhawaanta lagu soo gabagabeeyay Qatar.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xooninta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Qatar

Barafkii ugu xoogaa oo ku dhuftay Maraykan iyo Canada oo ay dad badan ku dhinteen

Dabeylaha barafka wata ee ka dhacaya dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 60 qof.

Dabeylaha ugu daran ayaa ku dhuftay magaalada Buffalo ee gobolka New york. 27 qof meydkooda waa la helay halka, halka meydad kalana barafka dhexdiisa laga baadi goobaya.

Qoysas badan ayaa la dhibban dhacaya sidi ay cunto iyo dawo u heli lahaayeen maadaama ay dukaannada xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xaflad soo dhaweyn ah ku maamuusay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xaflad soo dhaweyn ah ku maamuusay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo muqdisho soo gaartay.

Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka , Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka , Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta XFS oo maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddaas.

0

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa manta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo howlaha u qorsheysan Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Shaqooyinka kala duwan ee Wasaaraddu u hayso Xukuumadda, iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa K/S Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaha, ahna Agaasimaha Waaxda kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Khubarrada Wasaaradda ka howlgala.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay lixda bilood ee lasoo dhaafay hay’adaha dowladda federaalka ay soo bandhigtay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeyngta oo ka soo uruurisay Wasaaradaha dowladda, iyada oo la eegayo halbeegyada dhameystirmay oo lagu guuleystay, kuwa wali qabyada ah iyo caqabdaha kala duwan ee keenay in shaqooyinka qaarkood aan wali guuleysan.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay warbxinta deeqaha dalkeenna ugu yimaada deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo dalalka taageero Soomaaliya, sidoo kale waxaa la soo hadal-qaaday habka iyo hannaanka looga faa’iideysan karo fursadahaas, caqabadaha jira iyo xoojinta aqoonta hay’adaha dowladda heerka fulinta.

Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa kulankan waxaa ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Qamar Cali Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiir-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmad.

Soomaaliya oo noolaanaysa Al Shabaab la’aan.

0

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa dalka ka curtay dagaal looga soo horjeedo kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab, kaas oo leh jihooyin kala duwan.

Kooxda Al Shabaab ayaa muddo 15 sano ku dhow la noolaa dadka Soomaaliyeed, waxey si tartiin tartiib ah ugu fidayeen gobolada, degmooyin iyo deegannada dalka, iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay aragtidooda ku baahiyaan guud ahaan waddanka

Tan iyo markii laga saaray Muqdisho, Al Shabaab ayaa billaabay nolosha duurka, waxey u weecdeen dhankaa iyo MIYA, halkaas oo ay u arkeen in ay kusii noolaal karaan muddo fog, intaas kuma ekaane waxa ay si aan xowli aheyn ugusoo siqayeen magaalooyinka waaweyn, illaa ay la wareegaan gobolo qaar.

Dowladihii isku beddelay dalka ayaa mid walba sida la qumman u wajihi jiray dagaalkooda, dowladdi Shiikh Shariif oo ku guuleysatay in ay ka saarto caasimadda ayaa taladii wareejiyay muddo gaaban ka dib, taas oo fursad ay urkayeen firaaqa yar ee isbeddelka maamulka dalka.

Xasan Shiikh oo xilligaas ka yimid bulshada, maadaama uu ahaa bare soo saaray arday badan, sidoo kalena ahaa samafale si mudadawacnimo ah wax uga qabta adeegyada bulshada dalka ayaa la wareegay taladii, wuxuu durba ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo xilligaas ka xoog badneyd hadda.

Wuxuu Xasan Al Shabaab kala wareegay deegaanno badan oo dhaca Shabeelooyinka, kuwaas oo ay ka mid aheyd magaalada Marka, Al Shabaab ayaa isku dayay in ay dib ula wareegaan deegannadaas, waxaana ka hor istaagay ciidamada xoogga.

Kooxda Al Shabaab ayaa billaawday in ay lacago baad ah oo ay ugu yeeraan Zakawaat ka qaadaan dadka beeraleyda iyo xoola dhaqatada ku sugan deegganada ay qabsadeen, waxey dadka shacabka ka ula dhaqmi jireen si ka baxsan islaamnimada iyo bini’aaddanimada, taas oo keentay in ay shacabka nacaan kooxdan aan u dhaafeyn maalkooda iyo naftooda.

Dowladdii madaxweyne Xasan ayaa taladii ka dagtay iyadoo dagaal qaraar kula jirtay kooxdan, waxaana xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo, kaas oo ololihiisa doorashada kusoo galay la dagaalanka Al Shabaab iyo nabad kusoo dabbaalidda dalka, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed Baarlamaanka hortiisa uga ballanqaaday dhowr qodob oo aan midna ka dhaqan galin.

Wuxuu Farmaajo ballan qaaday in uu soo afjari doono kooxda Khawaarijta ah, in uu bixin doono hantida shacabka ay qaraxyada uga burburiyaan, qofkii sheega qof al shabaab ah in uu heli doono lacag 100 kun dollar ah, xogtiisana la qarin doono, in uusan waddo xiran doonin, beddelkeedana uu isaga gaari aan xabbada karin kori doono, dhammaan ballan qadyadaas iyo kuwo kale ma fulin Farmaajo intii uu dalka heystay.

Shantii sano ee dowladdi Farmaajo iskaba daaye in Al Shabaab lasoo afjaree, waa shan sano ku suntan naaxinta kooxdaas, ma jirin wax tillaabo ah oo loo qaaday dagaalka Al Shabaab, tiiyoo ay jirto in lagu xanto in ay wada shaqeyn ka dhaxeysa, waxaa dhacay qaraxii ugu qasaaraha badanaa taariikhda Soomaaliya, kaas oo gallaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah, burburiyayna hanti aan qiyaas laheyn.

Al Shabaab ayaa shantaas sano helay nasiino ay isugu fidin karaan deegaanno iyo gobolo aysan hore u heysan, waxey Muqdisho ka sameynayeen falal amni darro oo quus galisay qof walba oo Soomaaliyeed, waxey Al Shabaab dadka shacabka ee Muqdisho ku dhaqan billaabeen in ay ka qaadaan lacago baad ah, taas oo ay u sheegayeen in ay ku badbaadayaan.

Kooxda ayaa Muqdisho ku laheyd xarumo ay ganacsatada ku maxkamadeyso, waxa ay abuurteen cabsi galin gaartay in qofkii masuul dowladeed ah ay soo wacaan uu iska bixiyo waxa ay weydiistaan, taas oo ah midda dhalisay shakiga ugu weyn ee ah wada-shaqeynta kooxda iyo dowladdii Farmaajo, waxeyna muddadaas shanta sano ah dhisteen awood Militery oo xooggan.

April 2022, waxa ay Baarlamaankii Soomaaliyeed dib u doorteen Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa is beddelay jawigii dalka, waxaa abuurmay rajo uu qof walba aaminsanaa in ay rumoobi doonto maali ka mid ah muddo xileedkiisa, wuxuuna dalka galay is beddel aan la fileyn oo hadal heyn ka abuuray bulshada dhexdeeda.

Kooxda Al Shabaab oo xilliyadii kala guurka dalka ka sameyneysay qaraxyo geystay khasaaro aan qiyaas laheyn ayuu waaga ku baryay, waxey sheegeen in ay dowlad walba sugaan inta ay ka caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan kooxdan.

Maxey noqotay jawaabtii Madaxweyne Xasan Shiikh?.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab, kaas oo uu sheegay in uu ka duwanyahay dagaalladii hore, wuxuu madaxweynaha sheegay in dagaalkan uu u qorsheysnaa inta aysan qaban talada dalka, isagoona faray dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxdan Khawaarijta ah.

Ra’iisul wasaare Xamze oo isna hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay la dagaalanka kooxdan, dalkana aysan macquul aheyn in uu horumar sameyo inta ay kooxdan heystaan qeybo ka mid ah, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed ku booriyay in ay kacaan oo ay iska dulqaadaan kooxdan.

Kooxda oo ka jawaabeyso go’aankii madaxda dalka ayaa handadaad ku billaawday qabaa’illadii Soomaaliyeed, waxey barakiciyeen shacab reer Miyi ah oo aan waxba ka galabsan, waxey gubeen guryahoodii, waxey ka qaateen hantidoodii, iyagoona dilay tiro badan oo iyaga ka mid ah.

Wixii markaas ka dambeysay, waxaa gobolka Hiiraan ka curtay kacdoonkii uu madaxweynaha iclaamiyay, kaas oo shidaal kasii helay shacabkii ah kooxdu sida gardarrada ah u leysay, ceelashii ay sida arxan darrada ah u gubeen iyo hantidoodii ay qaateen, xilli ay dowladda Soomaaliya billaawday in ay garab istaagto shacabkii ku dhaqaaqay amarkii madaxweynaha, go’aankana ku gaaray in ay iska dulqaadaan kooxdan.

Waxaa meesha ka baxday cabsidii ay shacabka ka qabeen kooxdan, waxaa dalka ka curtay kacdoonkii macawiisley, kaas oo dhabarjab ku noqday kooxda Al Shabaab, waxaana laga saaray deegaanno badan iyo magaalooyin waaweyn oo ay heysteen muddo ku dhow 15 sano.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa booqday dalal badan oo adduunka, kuwaas oo uu qaarkood xumaa xiriirka innaga dhaxeeya muddadii 5 sano aheyn ee uu dalka maamulayay Farmaajo, wuxuu madaxweynaha dhammaantood kala hadlay in ah garab ku siiyaan dalka ay shacabka Soomaaliyeed kula jiraan kooxda Khawaarijta ah, kaas oo ay Soomaaliya ku heshay taageero maaliyadeed, mid ciidan iyo mid saanad, waxeyna taasi basiin kusii shubtay dagaalkii curtay.

Waxa ay ciidamada iyo shacabka wada socdo la wareegeen dhammaan degmooyinkii dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaa dalka ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu beegsaday kummaan dagaalyahan oo kooxdan ah iyo horjoogayaal, kaas oo ay fuliyeen ciidamada xoogga, kuwa NISA iyo dowlado caalami ah oo cirka ka taageerayay, qorshahaas oo wiiqay awooddii ay kooxdu diyaarineysay muddada 15 sano ah.

Waxaa billaawday in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii muddada fog ku maqnaa dalka Eritrea, kuwaas oo habeennadaas ka daga Muqdisho, waxa ah kaalin weyn ka qaadan doonaan dib u xoreynta guud ahaan dalka, waxaana lagu wadaa in ay gaaraan furimaha dhawaan.

Sidoo kale waxaa dalka dibaddiisa loo qaaday ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo loosoo diyaarinaayo gabo gabeynta howlgalladan dalka looga xoreynaayo aragagaxisada, waxeyna dalka kusoo laaban doonaan bilaha nagu aaddan hadduu alle idmo.

Dagaalkan oo ay dowladdan cusub iclaamisay wuxuu kuwii hore kaga duwanyahay dhowr arrimood kuwaas oo aan waligood kooxda lagala dagaalin.

1- Waa dagaal dhaqaale
Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kooxda ka cuuryaamisay dhammaan ilahii dhaqaale ay heli jireen, waxaa digniin adag loo diray ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda lacagaha baadda ah sii jiray, waxaana howlgallo qorsheysan lagu burburiyay maxkamado beenaadyo ay kooxdu ugu yeeri jiray ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Waxaa la xiray tiro Nootaayooyin la shaqeysan jiray kooxdan, kuwaas oo u gudbin jiray dhulalka la kala gato, lacagaha la kala dhigto, hantida ma guurtada ah ee la kala waregsado iyo wax isku darsiga ganacsi ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo nootaayooyinkan u tagi jiray in ay heshiisyada u kala qorto.

Arrintan ayaa kooxdan u fududeyn jirtay in ay si dhaqso ah ku helaan xiriirka qofka ay doonaan ee dhul iibsaday ama laga iibsaday, waxeyna durba wicitaan iyo handadaad ku beegsan jireen dadkaas masaakiinta ah.

Waxey dowladdu mamnuucday in lala macaamilo kooxdan, in lacag la siiyo iyo in ay loogu tago meelaha ay dadka ugu yeeraan, taas oo ciddii ka hor timaada ku xukun noqon donto iyaga, waxaa durba la xiray ganacsato badan oo lacago u diray kooxdan, kuwa aaday oo u doontay xukun iyo kuwo u hoggaansami waayah awaamjirtij dowladda.

Waxaa xabsiga loo taxaabay odayaal dhaqameed aaday kooxdan si ay ula macaamilaan, kalana hadlaan arrimo quseeya beelaha ay kasoo jeedaan, kaas oo ka hor imaanaya amar madaxweynaha ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxdaas.

2- Wacyigelinta bulshada
Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday in ay masaajidda dalka laga aqriyo khudbado bulshada looga wacyigelinaayo khatarta kooxdaan iyo in aysan diin u dirir aheyn oo ay ka been abuurayaan diinta islaamka, waxaa badi masaajidda Muqdisho Jimcada lagu soo qaataa wacyigelin ku aaddan kooxda, taas oo ay hormuud ka tahay wasaaradda awqaadta iyo arrimaha diinta.

Arrintaan iyada ah waxaa ka dhashay in ay tiro dhallinyaro ah kasoo baxaan kooxdan ka dib markii ay arkeen in aysan diin aheyn waxa ay ka shaqeenayaan, dadka shacabka ay leynayaan iyo sida ay u burburinayaan hantida iyo guryaha dadka masaakiinta ah, kaas oo jab weyn ku noqday kooxda Khawaarijta ah.

Madaxweynaha dalka Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay masaajidka madaxtooyada ayaa sheegay in aan loogu imaan karin arrin quseysa qof kiis Shabaab lagu soo qabtay ama lagu tuhmay, wuxuuna sheegay in qofkii soo raadsha uu shabaab kale yahay, sharciga la horgeyn doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gaaray dhawaan furimaha dagaalka gobolada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, halkaas oo uu kula hadlay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al Shabaab, wuxuu madaxweynaha sheegay in ay ka go’antahay dagaalka kooxdan lagu cirib tiraayi, beel walbana laga rabo in ay xoreysato deegaannadeeda.

Tan iyo maalintaas wixii ka dambeeyay, ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka ayaa la waregay deegaano hor leh, waxaa la arkayay diyaarado dagaal oo dhaawacyada kasoo daabulaya furimaha, tiiyoo ay jirto in deegganada qaar ay dowladda ka hirgelisay xarumo caafimaad oo ku filan daweynta dhaawacyada ciidamada iyo dadka deegaanka.

Ra’iisul wasaare Xamze oo isna booqday furimaha dagaalka ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay soo afjaridda kooxda, wuxuu sheegay in deegaankii la qabtaba u diyaarsantahay qorshe adeeg dowladeed oo dhammeystiran, wuxuuna ballan qaaday in aysan ciidamadu dib ugasoo laaban doonin deegaannada soo galay gacanta dowladda.

Al Shabaab ayaa hadda wajahaya xaalad dhaqaale darri, mid ciidan u dagaalama iyo mid bulsho, waxaa afka furta shacabkii ay muddada fog sida xoogga ah ku heysteen, waxey sheegeen in ay ku noolaayeen silac iyo dullinimo, waxeyna hadda qaarkood qeyb ka yihiin dagaalka lagu sii eryanaayo firxadka khawaarijta.

Marka la eego awoodda shacabka, sida ay seefta gasha ugala baxeen, cududda ciidanka xoogga, kuwa cusub ee hadda dagaya ee Eritrea ka yimid, garab istaagga dowladaha adduunka iyo ka go’naanta madaxda sare ee dalka ee ah in khawaarijta lasoo afjaro ayaa muujineyso in ay soo dhammaadeen waayihiin kooxdan arxanka daran ee muddada fog jiqeysay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, sababtana u noqday in ay god galaan waxgalkii ummadda Soomaaliyeed.

W\Q: Cali Aadan Muumin.

Xildhibaanada Labada Golle ee BFS oo Maanta Yeeshay kulan Wadajir ah

0

Xildhibaanada Labada Golle ee BFS  ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa waxa ay ku yesheen kulan siwadajir ah u guddoominayey  guddoomiyeyaasha labada Aqal ee BFS

Shirka Xildhibaannada labada Aqal ayaa Ajandahiisa Maanta waxa uu Ahaa  ka doodista Miisaaniyadda 2023, waxaana horyimid Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur.

Kulanka waxaa goob joog ahaa ku-xigeennada labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre iyadoo si qoto-dheer looga dooday kororka Miisaaniyadda 2023-ka. Waxaa xildhibaanadu ay su’aalooyin  weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, isagoona faahfaahin ka bixiyay dhammaan weeydiimihii loo soo jeediyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn soo xiray kulanka isagoo sheegay in dib loogu celin doono Guddiga Miisaaniyadda labada Aqal iyo Wasaaradda Maaliyada si loo tixgeliyo soo jeedinta xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mareykanka iyo Canada oo ay qabow ugu dhinteen ku dhawaad 38 qof

Malaayiin qof ku kala nool waddaamda Mareykanka iyo Canada ayaa ciidda masiixiyiinta ee kirismaska ku xayiran guryahooda xilli qabow aad u daran iyo dabeylo baraf wata ay u dhinteen ilaa iyo dhowr iyo soddon qof.

In ka badan 60% guud ahaan dadka Mareykanka ayaa wajahaya digniino dhinaca cimilada ah iyadoo 175 kun oo qof ay wajahayaan koronto la’aan.

Ciidaamda ilaalada qaranka Mareykanka ayaa loo daabulay gobolka New York, halkaa oo ay mas’uuliyiintu la tacaalayaan dhibaatadan taagan.

Kummanaan duulimaadyo ah ayaa sidoo kale la xayiray, taasi oo sababtay in dad badan aysan u suuragelin inay la dabaal dagaan qoysaskooda.