Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo howlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ayaa qaabilay Agaasimaha Bariga Afrika ee hay’adda IOM, Mohamed Abdiker, Madaxa Xafiiska IOM ee Soomaaliya, Frantz Celestin iyo qaar kamid ah saraakiisha Hay’adda.
Hay’adda FAO oo qalab ugu deeqday hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA
Hay’adda FAO oo qalab ugu deeqday hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA
Qalabkan oo isugu jiray Moobeelo iyo Kaamirooyin loogu talagalay in Survey lugu sameeyo, ayaa waxaa ku wareejiyay hay’adda maareynta Masiibooyinka masuuliyiin ka socday xafiiska ergeyga madaxweynaha ee Arimaha abaaraha oo ayigu qalabkan lasoo marsiiyay
Gudoomiye ku xigeenka hay’adda maareynta Masiibooyinka ee SODMA Dr Axmed Cabdi aadan oo qalabkan kula wareegay xarunta hay’adda maareynta Masiibooyinka ayaa ugu horeyn u mahadceliyay hay’adda FAO iyo ergeyga madaxweynaha ee Arimaha abaaraha Mudane Cabdiraxman Cabdishakur, waxaa uuna balan qaaday in qalabkan loo isticmaalo halka loogu tala galay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xooga dalka oo dadka deegaanka maarsa-mage kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaa
Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee Qandaraas bixinta oo ansixiyay habraacyada qandaraas bixinta shidaalka ee uu gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Batroolka
Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ayaa ansixiyay habraacyada qandaraas bixinta shidaalka ee uu gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H. E. Dr. Abdirizak Mohamed
Waxaa kaloo ay ansixiyeen iswaafijinta qodobada sharciga Batroolka iyo sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.
Ansixintaan ayaa ka dhigan tallaabo loo qaaday dhinaca ka faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya, lana dhammaystiray dhammaan habraacyada lagu maaraynayo hannaanka bixinta qandaraasyada shidaalka si waafaqsan shuruucda dalka u taalla.

Ciidamada Gaarka ah ee Dowladda oo howgal ka fuliyey Gobolka Shabeelada Hoose
Ciidamada gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe ilaa iyo Number-50, oo argagixisadu ay ku lahaayeen Maxkamad Beenaad ay ugu yeeraan shacabka si ay ugu dhacaan hantidoodana ay xoog uga qaataan.
Ciidamada ayaa burburiyay fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale.
“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sargaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.
Dowladda Somalia ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan oo Argagixisadu ay horay u joogeen.

Mareykanka oo taageeray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah dhiigyacabka Diinta ku qaraabaneysa ee Al Shabaab
Mareykanka oo taageeray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah dhiigyacabka Diinta ku qaraabaneysa ee Al Shabaab.
Dowlada Mareykanka ayaa taageertay kacdoonka shacabka Hiiraan ee ka dhanka ah Kooxda dhiigya cabka ah ee ka been sheegay diinteena Suuban oo ah argagixisada Al Shabaab, taas oo burburisay guryaha deegaanka, goobaha ganacsiga iyo ceelasha biyaha ay ka cabayeen haweenka, carruurta, dadka waa weyn iyo xoolaha, xilli ay dadka saameysay abaarta xooggan.
Dadka soomaaliyeed oo taageero ka helaya ciidamada Qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada waa ay kasoo kaban doonaan dhibaatadda Argagixisada, islamarkaana Soomaaliya ka xoreyn doonaan burburka ay sababeen rabshadaha xagjirnimada ku dhisan.

DAAWO:-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay abaaraha ka jira dalka iyo kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada dalka
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo labo maalmood Muqdisho ka socday

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ka qayb galay Munaasabad lagu dhagax dhigayey dib udayactirka Xarunta Shaybaarka Xoolaha
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda XFS oo maanta la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda H.E Axmed Xasan Aadan ayaa la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Larry E. Andrew, iyaga oo ka wadahalay sida ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan karaan horumarinta kalluumeysiga gudaha loogana faa’ideysan karo kheyraadka baddeenna.
