[DAAWO] Ra’iisul Wasaare Hamse oo qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.

Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....