Muqdisho, Janaayo 9,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 9-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
[SAWIRRO+DAAWO] Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Maanta qaabilay dhibane Deeqo Maxamed Makaraan
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Hooyo Deeqo Maxamed Makaraan oo ah Hooyo dhashay sedex Caruur isla markaana la xanuunsan dhaawac dhinaca Lugta ah oo markiisa horey ku bilawday Jab, isla markaana gaaray heer aan gudaha dalka waxba loogu qaban karin.
Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta Loo qeybiyey hindise sharciyeedka hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Maanta Booqday garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho
Wasiir Israa’iili ah oo amar ku bixiyay in calanka Falastiin laga dejiyo goobaha dadweynaha
Wasiirka cusub ee amniga qaranka ee Israa’iil ee ka tirsan midigta-fog ayaa ku amray booliiska in calanka Falastiin laga dajiyo dhammaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.
Itamar Ben-Gvir waxa uu sheegay in calanka Falastiin uu ka luusho meelaha ay bulshadu ku kulmaan ay ka dhigan tahay fal “lagu taageerayo argagixisada”.
Wasiirkan ayaa dhawaan booqasho ku tegay masaajidka barakeysan Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus.
Falastiiniyiinta ayaa si kulul u cambaareeyay booqashadii wasiirka Israa’iil uu ku tagay masjidka Al-Aqsa, iyagoo booqashadiisa ku tilmaamay ‘daandaansi halis ah oo sii hurinaya colaadda.
Ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Ashtia ayaa booqashada Itamar Ben-Gvir ee masjidka ku sheegay inay tahay tallaabo “xadgudub ku ah dhammaan mabaadii’da, qiyamka, xeerarka caalamiga ah, sharciyada iyo ballanqaadyada Israa’iil.”
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, afhayeen u hadlay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa booqashadiisa ku tilmaamay arrin “dambi ah” isagoo wacad ku maray in aaggaas uu sii ahaan doono dhul ay leeyihiin “Falastiiniyiinta, Carabta iyo Islaamka”.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Bilawal Bhutto ayaa dhaleeceeyay booqashada wasiirka amniga ee Israa’iil ee Al-Aqasa, wuxuu yiri “Pakistan si adag ayay u cambaareynaysaa booqashadii aan dareenka lahayn ee daandaansiga ahayd ee uu wasiirka Israa’iil ku tagay Masjidka Al-Aqsa.”
[SAWIRRO] Ciidaamo ka baxay Muqdisho oo safar dhulka ah ku tegay magaalada Gaalkacyo
Ciidankaan oo ka baxay Muqdisho ayaa safar dhulka ah ku tegay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan cutubyo u diyaarsan inay Khawaarijta ka xoreeyaan deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Galmudug.
[DHAGEYSO] Hey’adda qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaran oo bilowday Tirakoobka dadka barakacyaasha ah ee ku nool Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaran Drs. Aamina Saciid oo wareysi siisay warbaahinta qaranka si gaar ah Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay tirakoob ay hey’addu barakacayaasha ku wado dadka ka soo barakacay deeganadooda.
Drs Aamino Saciid ayaa sheegtay in ujeedka ay u tirakoobayaan barkacyaasha ay tahay in la helo tiro sax ah oo dadka gudaha dalka ku barakacay si loola so
cdo xaladooda nolaleed madaama qaarkood ay wajahayaan Nolal adag.
Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa xalay xilli danbe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Wasiirka Gaashaandhigga JFS Oo Hub kala Wareegay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya (SAWIRO)
Wasiirka Gaashandhigga JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen Ciidanka Danab.
Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda wareejinta hubkaas iyo agab ciidan iyo gadiidka kuwareejiyay wasiirka asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka kooxda Khawaarijta ee argagixisada Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ayna fariin u tahay dalalka kale sida soomaaliya loogu aamini karo waxwalba.
Wasaaradda Gaashandhigga JFS ayaa muddooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab iyadoo kooxda hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
[SAWIRRO+DAAWO] Madaxweynaha Puntland oo Xarigga ka jaray Waddooyin Laami ah oo laga hirgaliyay Magaalada Garoowe
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray Wadada 30-ka ee magaalada Garoowe taasi oo dib loogu dhisay hab casri ah.








