Home Blog Page 520

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN LOO MIDOOBO CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA SI LOO XAQIIJIYO DUNI NABDOON”.

0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN LOO MIDOOBO CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA SI LOO XAQIIJIYO DUNI NABDOON”.

Rome, Febaraayo 10, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta, qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo dabar-goynta kooxaha Argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya.

DHAMMAAD

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan dagaalka Laascaanood.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan dagaalka Laascaanood.

“ Waxaan dirayaa baaq nabadeed oo ku aadan dagaalka Laascaanood, aragtida dowladda Soomaaliyeed horey ayaa loo soo tebiyay oo madaxda qaranka uga hadashay. Dowladda Soomaaliyeed waxay u taagan tahay oo mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta sharafka iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed iyo badqabkiisa meel kasta uu joogo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

 Halkan hoose ka Akhriso baaqa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka:- 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga iyo Masuliyiin kale

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga, Wasiirka Difaaca dalkan Mudane Guido Crosetto.

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Haweyney Afduub geysatay iyo Askari qof shacab ah xabad ku dhuftay

0

Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir si gaar ah Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa ka qabtay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo iyada iyo Koox ay hugaamineeyso afduubteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo Argagixisada Al-shabaab ka saaray degaanka Doonyaale ee Gobolka Mudug.

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maleeshiyaadka khawaarijta Al-shabaab dagaal kaga saaray  degaanka Doonyaale oo u dhexeeya Magaalooyinka Baacadweyn iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Kolonyadii ugu horreysay ee gaadiid gargaar sida oo gaaraay Woqooyi Galbeed Suuriya oo dhulgariirku ka dhacay

Kolonyadii uu horreysay ee gaadiid gargaar siday ayaa gaarartay dhullka Woqooyiga Galbeed Suuriya ku yaalla ee ay Mucaaradku gacanta ku hayaaniyagoo ka yimid Turkiga.

Go’aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Gobolka Bari

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Shir-guddomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaliya

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa booqasho ku tagay safaarada dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye si uu ugu tacsiyadeeyo Dowladda iyo shacabka Turkiga dadkii ku dhintay musiibadii dhulgariirka ahayd ee ka dhacday isniintii la soo dhaafay.

Taliska Boliiska Saldhigga Degmada Dharkenleey oo gacanta ku dhigay seddex nin oo burcad ah

0

Taliska Boliiska Saldhigga Degmada Dharkenleey ayaa gacanta ku dhigay seddex nin oo la sheegay in dadka Barackayaasha ah ee nool duleedka Magaalada Muqdisho ku dhacayeen Kaarar Been-abuur ah,iyaga oo dadka u sheegayay in ay yihiin Hey’adaha Ka shaqeeya Arrimaha gargaarka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Wasiirka waxbarashada XFS iyo Wasiirrada Waxbarashada Maamul Gobolleedyada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir  iyo Wasiirrada Waxbarashada Maamul Gobolleedyada, kadib markii ay Talaadadii daahfureen hannaanka qaadashada 3000 oo macallimiin cusub ah.

Kulanka oo ay ku wehliyeen Wasiirru Dowlaha, Marwo Nuura Mustaf Guudow, Wasiir Ku Xigeenka, Mudane Axmed Cismaan Daqare iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxay warbixin faahfaahsan ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha Daahfurka Hannaanka iyo Habraaca loo maray qaadashada macallimiinta cusub.

Wasaaradda Waxbarashada oo toddobaadkan daahfurtay barnaamijka qaadashada macallimiinta cusub, ayaa sheegtay in habraaca ay ka wada heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul gobolleed, kadib kulan 10 maalmood qaatay oo wasaaraddu soo qabanqaabisay oo magaalada Muqdisho ku yeesheen mas’uuliyiinta wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa ku amaanay Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee waxbarashada waxqabadka iyo tallaabooyinka muuqda ee ay qaadeen taasi oo wax weyn ka tareysa haqabtirka baahida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalka ay sare ugu qaadayaan heerka waxbarashada.

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe