Home Blog Page 521

Wasiirka wasaarada howlaha guud,dib u dhiska & guriyeynta XFS mudane ismaciil cabdiraxmaan sheikh bashiir ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowlada mareykanka

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André. Laba masuul ayaa ka wada hadlay sidii Dowladda Maraykanku ay gacan uga gaysan lahayd dib u dhiska goobaha danta guud ee magaalooyinka laga xoreeyay kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Gaar ahaan in si deg-deg ah daraasadda dib u dhiska loogu sameeyo Xarumaha maamulka Degmooyinka, Xarumaha Saldhigyadaa Booliska, Xarumaha Maxkamda Degmooyinka, Xarumahaa Caafimaadka iyo Hooyada & Dhallaanka, Ceelasha biyaha ee xooluhu ka cabaan iyo Ugu dambayntii dib u dhiska Waddooyinka isku xira degmooyinka la xoreeyey.

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka oo markale maanta ka furmaya Muqdisho

0

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka oo markale maanta ka furmaya Muqdisho,

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyadoo Qorshuhu yahay in madasha uu daahfuro Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa Sanadkan looga hadlayaa Federaaleynta Garsoorka dalka, kaas oo hadda u dhisan qaabka dowlad dhexe, waxaana ka qeyb galaya Bahda Garsoorka Heer federaal, heer dowlad goboleed iyo Madax kale oo lagu casuumay.

[DAAWO] Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay Dilal maanta ka dhacay Muqdisho iyo Balcad

0

Ciidamada ammaanka Dalka ayaa maanta soo bandhigay labadan shaqsi oo ku eedeysan dilka labo Muwaadin ay ku kala dileen degmooyinka Balcad iyo Xamarweyne  oo ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo gobolka Banaadir.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiiskii Adeegga Hawada (ASA)

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda Dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu saxiixay heshiiskii Adeegga Hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u habeyn lagu sameeyay, kaas oo la dhaqan geliyay 3-dii December 1988-kii.

Wasiirka Amniga Galmudug iyo Gen Biixi oo kawada hadlay howlgalada ka bilaabanaya Gobolka Mudug

0
Wasiirka amniga Galmudug, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Taliyaha Ciidamada Kumaandooska Danab G/dhexe iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo Galmudug oo maanta lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamada Isra’iil oo xabsiga dhigay muwadiniin Falastiiniyiin ah.

Ciidamada Isra’iill ayaa maanta oo Talaada ah xer-xeray 22 qof oo falastiiniyiin ah, kadib markii qeybo kamid ah Daanta Galbeed ay xoog ku soo galeen.
Waaxda Awqaafta Islaamka ee magaalada Quddus ayaa sheegtay in tobanaan qof oo Falastiiniyiin ah laga qabqabtay gudaha Masjidka Al-Aqsa, halkaasi oo ay ku cibadeysanayeen.
Wararka aya sheegaya in Todoba ka mid ah dadka la xiray laga soo qabtay magaalada Beytu Umar ee woqooyiga Xebroon, halka Shan kalana laga soo qabtay gudaha Masjidu Al-Aqsa.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Falastiin, ciidamada Isra’iil ayaa xoog ku galay gudaha Masjidka Al-Aqsa, kuwaasi oo qaar ka mid ah dadkii halkaas ku cibaadaysanaya ka xeystay.
Ururada xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay Hey’adda Laanqayrta Cas in ay gacan ka geystaan joojinta tallaabooyinkan lagu dhibateynayo muwadiniinta reer Falastiin.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda {Sawirro}

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo maanta guddoomiyey shirkii Wasaaradda, ayaa waxa looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, waxaana uu warbixino ka dhageystay sii hayaha xilka Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowrka Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha iyo la-taliyeyaasha hay’adda.

Sii hayaha Maareeyaha Hay’adaha Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan, ayaa halkaas ku soo bandhigtay qorsheyaasha hor-tebinta u leh hay’adda ee sanadkan 2023, waxyaabahii u qabsoomay sanadkii hore iyo caqabadaha jira inta ba iyada oo xustay in sanadkan uu qorshahooda ugu weyn yahay siddii loo dar-dar-gelin lahaa wax ka qabashada badeecadaha tayadoodu hoosayso ee loo soo dhoofiyo dalka, iyo weli ba sidoo kale kuwa dhacay ee lagu isticmaalo wadanka gudahiisa.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi, oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa mas’uuliyiinta hay’adda kula dar-daarmay xoojinta wada-shaqeynta, dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee horyaala iyo ilaalinta bad-qabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adda gaar ahaan siddii loo ilaalin lahaa badeecadaha tayadoodu hoosayso ee loo soo dhoofiyo dalka kuwaas oo khatar caafimaad ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Dubai uga qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta. {Sawirro}

0
Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabka kaga qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta.
Shirkan sannadlaha ah oo soconaya 9 – 10 bishan Jannaayo ayaa looga hadlayaa ka hortagga iyo la dagaallanka lacag dhaqista, waxa uuna Taliyaha Ciidanka Boolisku ka warbixiyay guulihii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga xoraynayo dalka iyo dadaallada hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo Booliska Soomaaliyeed ay ugu jiraan la dagaalanka lacag dhaqista.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Maxamed Cali Bin Koomaan, Kaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cabdulmucdi iyo Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla Al-biniyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kula kulmay Guddiga Amnigga Koonfur Galbeed.

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta la kulmay Guddiga Amnigga Koonfur Galbeed isagoo kala hadlay sugidda Ammaanka magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
Guddiga Amniga Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin guud ka siiyay xaalada amniga ee deegaanka. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Guddiga Amniga Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay dardar geliyaan shaqada baaxada leh ee looga baahan yahay, waxaana kulanka looga hadlay amniga isla-markaana lagu faray sugida amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda lagana fogaado wax kastoo keeni kara xasarad iyo khilaaf. Sidoo kale goobta shirka waxaa amnigeeda sugaya Ciidamada ATMIS iyo qaar kamid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, isagoona xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saraan tahay mas’uuliyad gaar ah.

15-xubnood oo Khawaarij ah oo lagu dilay duleedka deegaanka Xawaadlay.

0
15-xubnood oo Khawaarij ah oo ay ku jiraan Labo horjooge ayaa lagu dilay duleedka deegaanka Xawaadlay.
Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadlay waxay ku dileen ilaa iyo 15 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Xubnaha la dilay waxaa ku jira horjooge magaciisa lagu soo koobay Farxaan kaasi oo Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Xawaadlay, Horjooge Ismaciil Ibraahim Xaaji Xuseen “Garweyne” horjoogihii deegaanka Jameeco iyo horjoogayaal kale.
Howlgalkaan ayaa daba socday howlgal shalay ka dhacay isla deegaankaan oo lagu dilay 61 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab sidoo kalana lagu burburiyay Gaadiid Qaraxyo lagu soo xiray, waxaana tani ay ka dhigaysaa khasaaraha Khawaarijta gaaray labo maalmood gudahood 76.