Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Haweyney Afduub geysatay iyo Askari qof shacab ah xabad ku dhuftay

Date:

Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir si gaar ah Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa ka qabtay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo iyada iyo Koox ay hugaamineeyso afduubteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa.

Haweenaydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay  Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag.

Saldhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweenaydaan, waxaana la hor geenayaa Sharciga.

Dhanka kale Booliska Degmada Abdicasiis ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo xabad ku dhuftay Wiil dhalinyaro ah kamid ahaa dadka u soo damaashaad tagay xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay kadibna askariga ayaa xabad uu ruday ku dhuftay, ciidanka Saldhigga Degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaana xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka si luugu fuliyo Xukunkiisa, sidookale Ciiidanka Booliska Saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay Ehelkiisi.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin ayaa horay u sheegay in askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed aan laga hari doonin ilaa sharciga laga geeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...