Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta XFS mudane Abdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiyaha Guddiga farsamada tirakoobka shaqaalaha rayidka dowladda Ahmed Maxamed Xasan ayaa maanta si wada jir ah xarunta Wasaarada Warfaafinta ugu daahfuray tiro koob lagu sameynaayo shaqaalaha wasaarada warfaafinta iyadoo maalmihii aan soo dhaafnay tirakobkaan uu ka socday dhamaan wasaaradaha iyo Hey,addaha kala duwan ee dowladda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo daahfuray shirka 𝗗𝗶𝗯 𝘂 𝗲𝗲𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay shirka 𝗗𝗶𝗯 𝘂 𝗲𝗲𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗵𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝘁𝗶𝗸𝗮 𝗤𝗮𝗮𝗯 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗜𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲.
Ciidanka Xooga Dalka iyo Daraawishta Jubbland oo la wareegay deegaan Muhiim u ahaa khawaarijta Al-shabaab
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Manta la wareegay saldhig weyn oo khawaarijta ku lahayd degaanka Qunbi ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray xarun cusub oo ay waaxda Dad-dhigista ee Dowladda Hoose Xamar ka hirgalisay Degmada Wadajir
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo ay waaxda Dad-dhigista ee Dowladda Hoose Xamar ka hirgalisay Degmada Wadajir, taas oo loogu adeegi doono Degmooyinka qeybta Galbeed.
Madaxweynaha Hiirshabelle oo ka hadlay dil xalay ka dhacay Magaalada Jowhar
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hiirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo xalay koox arxanlaaweyaal ah ay ku dileen Magaalada Jowhar oo caasimad u ah Maamulkaas.
[DAAWO] Warbaahinta Qaranka iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS oo barnaamij Dood Furan ah ku qabtay Tiyaatarka Qaranka
Warbaahinta Qaranka iyo Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa Barnaamij Dood Furan ah ku qabtay Tiyaatarka Qaranka, barnaamijka oo diiradda lagu saaray tayeynta waxbarashada dalka waxaa ka qeyb qaatay boqolaal qof oo isugu jirta arday, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne JFS oo magaalada Rooma kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka wada hadlay dadaallada lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin horumarka laga sameeyay amniga, xoojinta hay’adaha dowladda iyo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow
Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa saakay fashiliyey weerar ay ku soo qaaday Khawaarijta Al-Shabaab.
Khawaarijta ayaa weerarkaas u adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dagaal toos ah oo xigay, waxaana halkaas Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii ku soo duulay degmadaas.
Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay ka hortageen laba gaari oo qaraxyo ay ku soo rareen, isla markaana uu meydkoodu daadsan yahay banaanka xeradii ay isku dayeen in ay soo weeraraan.
Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab ayaa ka socda degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ku sugan yihiin wasiirka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo taliyaha qeybta 43-aad
Wasiirka Beeraha XFS oo Adis Ababa uga qeyb galay shir ku saabsan sugnaanta cuntada Geeska Afrika
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow oo weheliyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini-adanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shalay magaalada Adis Ababa uga qayb-galay kulan heer wasiiro ah oo ku saabsan sugnaanta cuntada Geeska Afrika.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Beeraha ee Midowga Afrika iyo ururka caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (IFRC) ayaa diirada lagu saaray saddexdan qodob ee hoose ku xusan oo muhiim gaar ah u leh horumarinta Beeraha si loo gaaro isku filnaansho cunno waarta.
- Mudnaanta istaraatiijiga ah ee u baahan maalgashi si loo gaaro iskufilnaasho cunno oo waarta.
- In la sameeyo qorshe hawleed wadajir ah oo bini’aadantinimo oo degdeg ah iyo barnaamijyo ku salaysan adkeysiga muddada fog si loo xaddido gaajada ba’an iyo nafaqo darida ka jirta gobolka.
- Abaabulidda taageero istaraatiijiyadeed iyo ilo dhaqaale ee lagu kobcinayo xalalka sugnaanta cunnada ee mustaqbalka fog ee Geeska Afrika.

Taliye Biixi” Waxaan dagaal ku dilnay 117 khawaarij ah”.
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi, ayaa faah faaahino dheeraad ah ka bixiyay howlgal ka dhanka kooxda Khawaarijta oo ay ciidamada qaranka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.
Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dagaal iyo duqeyn xooggan ka dib ay ciidamadu huwanta ah la wareegeen deegaanka Doonyaale oo u dhaxeeyo magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka wada tirsan gobolka Mudug.
“ Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego, eeriya lagu magacaabo Doonleey oo dhaxeyso Shabeellow iyo Camaara, halkaas oo cadowga u ahayd Talis deegaan iyo difaac weyna ay ku lahaayeen dagaalkaas ka dhacay. Dagaalladii Khawaarijta lagula jiray midkii ugu waqtiga dheeraa oo socday 8-saac ayaa ka dhacay deegaanka, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan,nimankii Khawaarijta ahaa gododka waa laga saaray,” ayuu yiri Taliye Biixi.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Khawaarijta dagaalladaas oo aad u xoogganaa looga dilay maleeshiyaad fara badan oo gaaraya 117 khawaarij ah, waxayna ciidamada hadda ku daba jiraan firxadkooda, Khawaarijta ayaa ku go’doonsan ilaa iyo afar fariisin oo ay ku dhuumaleysanayeen.
Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu bacsanayo haraadiga Khawaarijta ayaa ilaa iyo hada guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
