Go’aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Gobolka Bari

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Shir-guddomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Guddiga Amniga Gobolka Bari iyo xunbo ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay Adkeynta Nabadgelyada, Horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo Nashqadeynta magaalada.

Kulanku markuu dhammaaday waxaa kasoo baxay qodobadan: –

Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Ka hortaga falalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.

In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Maamulka

In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.

In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Puntland.

In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.

In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.

In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.

In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.

Go’aankaan kasoo baxay shirka looga hadlayay Amniga Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihi la soo dhaafay xiisad ka dhalatay diiwaangelinta doorashooyinka ay ka taagneyd Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...