[DAAWO] Maamulka Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u daahfuray tartanka kubada cagta degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir

Date:

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan ee kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Furitaankan tartankan oo ka dhacay garoonka Stadium Eng Yariisoow ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir iyo boqolaal dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Muqdisho.

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanad kaste mar la qabtaa, kaas oo ay usoo daawasha tagaan kumanaan dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Gobolka.

Kooxda Degmada Dharkeenley oo kooban difaacaneysa iyo Kooxda Degmada Balcad ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...