Home Blog Page 511

In ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ay fuliyee

In ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay kadib markii la beegsaday Gaari nooca Homey ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaadka ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Maleeshiyaadkaas waxaa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howlgalkii shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoos tagta degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗬𝘂𝗿𝘂𝗯 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗮𝗴𝗲𝗲𝗿𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮 𝘅𝗮𝘀𝗶𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮

0

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaar xasillinta  ahaan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay.

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa golaha Aqalka Sare uga mahad celiyey sidii aqlabiyadda laheyd ee maanta ay u ansixiyeen hindise sharciyeed cusub ee hey’adda NISA.

0

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa golaha Aqalka Sare uga mahad celiyey sidii aqlabiyadda laheyd ee maanta ay u ansixiyeen hindise sharciyeed cusub ee hey’adda NISA, sharcigaan waxaa sidaan oo kale u soo ansixiyey golaha shacabka, waxaana u dhiman saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Kuuriyada Waqooyi waxaa ka jirta cunto yari halis ah,

Kuuriyada Waqooyi waxaa ka jirta cunto yari halis ah, sida ay khubaradu sheegeen. Dalku kuma cusba cunto yari  dabadheeraad ah, laakiin xakamaynta xuduudaha, cimilo xumada iyo cunaqabataynta ayaa xaaladda uga sii daray sannadihii u dambeeyay. Mas’uuliyiinta ugu sareysa ayaa la filayaa inay kulmaan dhamaadka bisha Febraayo si ay uga wada hadlaan “isbeddel aasaasi ah” oo lagu sameeyo siyaasadda beeraha, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Tani waa “hawl aad u muhiim ah oo degdeg ah” iyada oo ay jirto “cadaadis” arrimaha beeraha, isku dhafka wararka ee KCNA Watch ayaa sheegay.

Warkan ayaa imaanaya xilli iyadoo Pyongyang ay sii wadato muujinta awoodeeda ciidan. Wasaaradda mideynta Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu soo waramayaa in ay sidoo kale ka dhawaajisay cunno yarida jirta, waxayna hay’adda cunnada adduunka ee WFP ka codsatay gargaar. Sawirka dayax gacmeedka ee maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa muujinaya in Waqooyiga ay soo saartay 180,000 oo tan cunto ka yar 2022 marka loo eego 2021. Bishii Juun, WFP waxay soo saartay walaac ah in xaaladaha cimilada aadka u daran sida abaarta iyo daadadka ay hoos u dhigi karaan wax soo saarka dalagyada jiilaalka iyo guga labadaba. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay dabayaaqadii sanadkii hore in dalka ay ka jirto abaartii labaad ee ugu darneyd ee la diiwaan geliyo.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐮𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲  𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadden horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqa in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijiyana la meelmariyey sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, gaar ahaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS  ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa la aasaasay sannadkii 2016.

 

Madaxweyne Qoor-Qoor oo Xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Galmudug

0

Madaxweynaha Maamulka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Galmudug.

Guddoomiyaha Hey’adda Maaraynta Musiibooyinka oo la kulmay Guddiga Qaran ee Gurmadka Shacabka  Walaalaha nahay Turkiga

0

GuddoomiyahaHey’adda  Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed  Mudane Maxamud Macallin ayaa maanta ka qayb galay kulan ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Shacabka  Walaalaha nahay Turkiga kaas oo laga hadlay Maanta  dardargalinta hawlaha Gurmadka kala duwan ee dalka ka socdo.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan

0

Muqdisho, Feberaayo 21, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani aadanimada oo ka qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada ee Riyad

0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Bani aadanimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa Magaalada Riyad ee dalka sacuudiga uga qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada ee Riyad.

Lix ruux oo ku dhintay dhulgariir Mar kale ka dhacay Dalalka Turkiye iyo Syria

Dhulgariir kale oo cabirkiisu yahay 6.3 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Turkiga ee Hatay iyo waqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof,halka uu dhaawac soo gaaray boqolaal.