Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo kormeer ku tagay fariisamaha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanada hoostaga Degmada Xarardheere
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan ku sugnaa Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay fariisamaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanada hoostaga Degmada Xarardheere.
Gobolka Banaadir oo kaashanaya gamacsatada Suuqa Bakaaraha oo ku guuleystay daminta dab khasaare geystay oo xalay ka kacay suuqa
Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qasaaraha ka dhashay Dab xalay fiid hore qabsaday qeyb ka mid ah Suuqaweyn ee Bakaaraha.
Sheekh Aadan Madoobe oo kulan wadajir ah la qaatay guddi ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka iyo guddiga farsamada shirka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu kulan wadajir ah la qaatay guddi ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka, guddiga farsamada shirka iyo culima’udiinka Koonfur Galbeed.
Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Khawaarijta Al-Shabaab
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Khawaarijta Al-Shabaab oo dhawaan degamadaas laga xoreeyey.
Taliyaha CXD oo Deeq Xoola ah u diray Shacabka D.Maxaas
Deeq Xoolaha ah oo ka timid Taliyaha Ciidanka xoogga dalka jeneraal Odawaa Yuusuf Raage,ayaa soo dhiibay 300 Neef oo Ari ah,oo loogu talagalay dadkii ay dhawaan khawaarijta ka gowraceen xoolaha.Waxaana lagu wareejiyay Odayaasha deegaanka Ceel-xeero oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Khawaarijta,ayaa u laayeen Xoolaha dadka deegaanka ay lahaayeen, Sababo la xariira jabka khawarijta kasoo gaaray howlgalka looga saaray inta badan Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane iuo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Tawane Axmed Maxamed oo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka u wakiishay wareejinta deeqdaasi loogu talagalay dadka cadowga Xoola la’aanta dhigay.Odayaasha deegaanka iyo Dadkii xoolaha laga xasuuqay, ayaa u mahadceliyay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta looga dooday labo Hindisi Sharciyeed
Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa;
1) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya
2) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya sidoo kale Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS u ku wareejiyo labada Hindise Sharciyeed,.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey Shir looga hadlay dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada Koonfur-galbeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed kaasi oo lagaga arrinsaday dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayaan dadka Soomaaliyeed.
Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Janaay Cabdalle ee gobolka J/hoose
Ciidamada Xoogga dalka ayaa si buuxda ula wareegay degaanka Janaay Cabdalle oo 60-KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada dowladda ayaa gudaha u galay degaanka ka dib markii Kooxda Khawaarijta ee halkaas ku sugneyd isaga carartay, waxaana hadda socda howlgal lagu xaqiijinayo amniga.
Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo
21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana maanta oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhigeeda uu ka soo wareegatay 50-sano.
Iyadooo laga duulayo qiimaha Warbaahinta iyo ahmiyaddda ay u leedahay bulshada, waxaa 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii, loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saaraya horumarka dadka iyo dalka.
Ujeedka munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto,ayaa ah mid xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ah ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliyeed oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 20-aad.
Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay ganacsato iyo aqoonyahanno kale oo soomaali ah , ayaa doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.
Tallaabadaasi,waxa ay dhiirigalisay in gudaha dalka ay ka hanaqaadaan saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisa iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jeediyo hoggaamiyaasha siyaasadda.
Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka xun,sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaam dowladnimo oo kaafiya dadka oo dhan.
Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qaybaha warbaahinta dalka.
Waa muhiin in xasuus gaar ah loo yeesho dadkii haldoorka u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.
Haddaba,Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac,Wasiir ku xigeenka C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyagoo ka faa’ideysanaya xuska sanadguurada 50-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii warbaahinta,waxay dhambaal hambalyo ah u direen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta dalka.
Madaxdaasi waxay gabagabadii u rajeeyeen shaqaalaha warfaafinta in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
