Home Blog Page 510

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la xiray barihii internet-ka ee argagixsida ay ku baahin jireen fariimahooda

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Shirkadaha bixiya adeegga Internetka ku amartay in la xiro dhammaan baraha bulshada oo ay Al-Shabaab wax ku baahiyaan.

Madaxweyne xasan sheikh ayaa culimada soomalaiyeed kala hadlay dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab oo gumaad joogta ah ku haya dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho uga bilaabatay dalka Uganda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Maxaas oo 13 sanno kadib maanta ay gaareen wakiilo ka socday hey’adaha la shaqeeya QM

0

Wafdi ka socday hey’adaha QM ee ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka iyo gargaarka ayaa maanta gaaray magaaladda Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaana hogaaminayay Xildhibaan Maxamed Buraale iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore, waxaana degmada Maxaas kusoo dhaweeyay maamulka degmada ayada oo kadib kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka magaaladaasi.

[DAAWO] Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday baahinta wararka laxariira kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab

0

Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay dambi ka dhigtay in la faafiyo wax kasta oo la xiriira kooxda Arxanka daran ee Al-shabaab, sida Muuqaalada sawirada codadka iyo farriimaha Shabaab.

[DHAGEYSO] Ciidamada XDS oo Gobolka Shabeelada Hoose ku dilay horjooge sare oo katirsan kooxda arxanka daran ee Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in degaanka Janaale Gobolka Shabeelada Hoose a ku dileen  Horjooge sare iyo dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab, ka dib howlgallo ay ka sameeyeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda Iiraan oo beenisay warar laga faafiyay

0

Dowladda Iran ayaa beenisay wararka sheegaya in ciidamada ammaanku ay dileen gabar 16 jir ah intii ay socdeen bannaanbaxyo ka dhacay dalkaasi.

Galmudug oo Shaacisay liiska Golaha Deegaanka Balanbale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa Soo saartay Liiska xunbaha Golaha Deegaanka Degmada Balanballe kadib markii aay sirasmi Loo dhamays tiray Xubnaha Golahaasi.

Wasaarada Arimah Gudaha Galmudug ayaa Bilihii ugu Danbeeyay Waday Dhismaha Golaha Deegaanka Dhawr degmo oo Balanbale Ku Jirto.

Doorashada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Balanballe ayaa lafilayaa inay Dhawaan dhacdo Degamada.

Sidoo kole Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq ayaa ah Degmooyinka Ay hadda ka Socdaan Dhismaha Golaha Deegaanka Galmudug.

Ciidanka Dowladda oo tiro Al-Shabaab ah ku dilay Shabeelooyinka

Ciidanka Dowladda ayaa 19 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ku dilay Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad, ka dib markii maleeshiyaad Argagixiso ah ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Ciidamada oo helay xogta Argagixisada ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka Argagixisada.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah howlgalo uga sameeya inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye, tan iyo markii ciidamadu Argagixisada ay ka saareen deegaanka Basra oo laga soo abaabuli jiray dhibaatooyinka argagixisada ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Digniino u dirtay Dadka U hoggaansama Amarada Argagixisada.

Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo shir jaraa’id ka qabtay dadka dhismayaal ka socday Muqdisho u istaajiyey amarro ka yimid argigixisada Alshabaab.

Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa sheegay inay tahay wax an la aqbali Karin in shabaab oo gabalkoodi dhacay aay wali u hogaasamaan amaradooda an soomaaliyeed, wasiirka ayaa sheegay inaan cidna laga aqbali doonin inay amar shabaab u Hoggaasanto isla markaana ciddii ku kacda falkaasi Tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladu aay  diyaar u tahay sugitaanka amniga Goobaha dhsimaasho ka socdaan si amnigooda loo xaqiijiyo.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay fareysaa milkiileyaasha dhismayaashaas, in la qaato amarka argagixisida Al-shabaab waxaa uu ka tarjumayaa in ay tahay arrin dambi ah, oo cunug xun ama kooxda argigixisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi kujooga duurarka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoogsatada ahaa, runtii arrintaasi waxaa ay muujineysaa arrin aysan dowladda u dulqaadaneynin in ay tahay, waxaan fareynaa in la fasaxo dhammaaan dhismeyaasha, oo ay bartoodii ka wataan, ciidamadu ammaanku ay tallaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan kooxaha argigixisada ah, cid kasta oo amarka dowladda fulin weydana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah” Ayuu Yiri Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi