Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Wafti ka socda Bangiga Adduunka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali ayaa xafiiskiisa wasiirka ku qaabilay  mas’uuliyiinta kala ah Julien Million iyo Miguel Angel Jorge oo ah wafti ka socda Bangiga Adduunka kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay Muqdisho in ay Wassaaradda kala hadlaan mashaariicda uu Bangiga Adduunku maalgelin doono ee la xiiira kallumeysiga dalka.

Wafdiga ka socda Banka Adduunka ayaa wasiirka la wadaagay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarineed gaar haan kawa la xiriira Kalluumeysiga ee Bangigu uu qorsheynayo in ay ka fuliyaan dalka.

Wafdiga ayaa si gaar ah faahfaahin uga siiyey wasiirka qorsheyaasha sacda ee la xiriira mashariicda Kalluumeyiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah lagu horumarinayo ee Bangiga Adduunka iyo wasaaradda ay ka wadashaqeynayaan kuwaas oo la doonayo in lagu horumariyo Kalluumeysiga gudaha si loo agar isku filnaasho dhaqaale oo waara.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa wafdigan uga mahadceliyey imaatinkooda iyo warbixinta ay la wadaageen, waxaana u ballan qaaday in ay wasaaraddu si hufan ugala shaqeyn doono hirgalinta mashaariicda ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan dalka gaar ahan kuwa la xiriira horumarinta Kalluumeysiga.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Shikh Cabdullahi iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxaha ee wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Howlgal Qorsheysan oo Lagu Bartilmaameedsaday Argagixisada

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka Tacsiyeeyay Geerida ku Timid Fannaan C/laahi Boqol

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...