Khawaarijta oo Jab xooggan lagu gaarsiiyay Deegaanka Jicibow ee gobolka hiiraan
TOOSINTA HABRAACA MAGACAABISTA GUDDIGA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA IYO GUDDIGA LA-DAGAALANKA MUSUQMAASUQA
Muqdishu, Oktoobar 09, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.
Munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa
Munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa, la-taliyaha arrimaha Amniga iyo Siyaasada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Israa’iil oo lagu dilay magaalada Quddus
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askari boolis ah oo dumar ah ay u dhimatay dhaawac ka soo gaaray rasaaseyn ka dhacday bar koontarool oo ku taal bariga magaalada Qudus oo ay Israa’iil haysato.
Putin oo amar soo saaray kadib qaraxii ka dhacay buundada Crimea
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa hadda amar ku siiyay adeegga Amniga Federaalka ee dalkaas (FSB) inay kormeeraan isku xirka muhiimka ah ee gacanka la haysto.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta safar shaqo uga ambabaxay magalada Muqdisho asagoo ku sii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Boqortooyadda Netherland
Muqdisho Oktoobar 09,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta safar shaqo uga ambabaxay magalada Muqdisho asagoo ku sii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Boqortooyadda Netherland.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo tacsiyadeeyey geeridii ku timid Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale
Muqdisho Oktoobar 09,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale.
Faah-faahino ka soo baxaya Qarax Sababay Dhimasho iyo dhawaac oo ka dhacay kaalin shidaal
Inta la xaqiijiyay in 10 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay kaalin shidaal oo ku taalla gobalka Donegal ee dalka Ireland.dadka dhintay ayaa isugu jira dad waaweyn iyo carruur sida ay sheegeen booliska dalkaasi.
Masuuliyiin katirsan Dowladda federaalka iyo Hiirshabelle oo gaaray degmada Maxaas
Masuuliyiin katirsan Dowladda Dhexe iyo dowladd goboledka Hiirshabelle ayaa gaaray degmada maxaas ee gobolka Hiiraan ,waxaana wafdigaas hugaaminayo Xildhibaan Maxamed Buraale iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore, waxaana degmada Maxaas kusoo dhaweeyay maamulka degmada ayada oo kadib kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka magaaladaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxda dalka Uganda kala hadlaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kujooga dalka Uganda ayaa waxaa la filayaa in uu wada-hadallo la yeesho Madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Yoweri Museveni.
