๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ณ๐—ถ๐—ธ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐—ด๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shir looga hadlayo dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee dhinaca fikirka, taasi oo qayb ka ah qorshaha dowladdaย  oo ah inย  Khawaraijta lagala dagaallamo 3 jiho oo kale ah dhaqaalaha, fikir iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gobolladda dalka.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey qaabkii Khawaariijta looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaaโ€™udiinka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga la saarayo sidii wacyigalinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka, isla markaana dadka looga wacyi galinayo fikirka khaldan ee ay kooxaha Khawaarijtu dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAYโ€™ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...