Khawaarijta oo looga daba tegay gododkii ay ku dhuumaleysanayeen

Date:

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa Kooxda Khawaarijta Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo muddo 10-sano ka badan ay dadka shacabka ah ku dhibaaten jireen, waana goobihii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaarinta, iyadoo loogu tegay godadkii ay ku dhuumanayeen ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Taliyaha Macaawisleyda ee deegaanka Ceelbaraf iyo nawaaxgeeda Abuukar Axmed Cabdulle oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay argagixisada kala wareegeen gododkii ay ku dhuumaleysanayeen ee Beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“ Gododkan ayay ku jireen, ay ku dhuumanayeen,nafta jecli inta ay ka qabaan, god inta ay qoteen sida bahaladii oo baco lagu raray oo qoryo la saaray ayaa carro dusha looga shubay,intaas waxa u geynayo oo juqdaas geliyay waxa waaye cabsi, haddii ay geesayaal yihiin waxay noo istaagi lahaayeen bannaankaas ama waddooyinka,” ayuu yiri Taliye Abuukar Axmed Cali.

Sidoo kale, ciidamada huwanta ah ayaa sii baacsanaya firxadka argagixisada harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda Soomaaliyeed kuwaas u baxsaday deegaannada fog fog, sida uu sheegay Xasan Hiiraale oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada deegaanka.

“ Nimanka harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda inaan maalmahan baacsigooda ku jirnay, Illaahaa Mahadleh oo maanta namakinay meesha aan joogno,meesha aan joogno waa beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle,”.

Argagixisada ayaa goobta kaga cararay hub iyo agab kale, kuwaas oo ay ciidamada Mucaawisleyda warbaahinta u soo bandhigeen.

Deegaannada Khawaarijta laga sifeeyay ayaa la isku yiraahda 7, Jazeera waa tuulooyin Wabiga dhanka galbeed iyo dhanka bari ka saaran, waxayna kala yihiin Oobaalle,Huruwaay,Iji,Nasuur,Diinlow,Dudublle iyo Diinlaawe oo ah goobihii ay ka soo abaabuli jireen weerarada fuleynimada ah ee ay ka fulin jireen gobollada Shabeellaha iyo Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...