30 katirsan maleeshiyaadka kooxda khawaarijta Al-shabaab oo Maanta lagu dilay Gobolka Mudug

Date:

KHAMIIS 23-02-2023: Ku dhawaad 30 maleeshiyaad ka tirsan kooxda khawaarijta ah ayaa maanta lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xaq u dirirka deegaanka ka sameeyeen deegaanka Faarax Aadan, kaas oo ku fiday deegaanka Wadaariq oo ay argagaxisadu ku laheyd saldhig weyn.

Dagaal culus oo saacado badan socday ka dib ciidamada ayaa halkaas ku jabiyay kooxda khawaarijta ah, waxeyna ka sareen godadkii ay ku dhuumaleysanayeen.

Khawaarijta Joogta Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug ayaa ku jira maalmahoodii ugu adkaa, kuwaas oo wajahaya cunaqabateyn iyo dagaallo toos ah, waxaana hubkoodii ka furanaya shacabkii ay muddada fog dhibaatada ku hayeen.

Dowladd Goboleedka Galmudug waxa ay u mahadcelineysaa saaxiibbada caalamiga ah oo gacan weyn ka geystay jabinta khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...