30 katirsan maleeshiyaadka kooxda khawaarijta Al-shabaab oo Maanta lagu dilay Gobolka Mudug

Date:

KHAMIIS 23-02-2023: Ku dhawaad 30 maleeshiyaad ka tirsan kooxda khawaarijta ah ayaa maanta lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xaq u dirirka deegaanka ka sameeyeen deegaanka Faarax Aadan, kaas oo ku fiday deegaanka Wadaariq oo ay argagaxisadu ku laheyd saldhig weyn.

Dagaal culus oo saacado badan socday ka dib ciidamada ayaa halkaas ku jabiyay kooxda khawaarijta ah, waxeyna ka sareen godadkii ay ku dhuumaleysanayeen.

Khawaarijta Joogta Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug ayaa ku jira maalmahoodii ugu adkaa, kuwaas oo wajahaya cunaqabateyn iyo dagaallo toos ah, waxaana hubkoodii ka furanaya shacabkii ay muddada fog dhibaatada ku hayeen.

Dowladd Goboleedka Galmudug waxa ay u mahadcelineysaa saaxiibbada caalamiga ah oo gacan weyn ka geystay jabinta khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....