Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada The Hague ee dalka Boqortooyadda Netherlands kulan kula qaatay Marwo Vera Bergkamp oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS oo maanta kulan la qaatay xoghaye ku xigeenadda iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta kulan la qaatay xoghaye ku xigeenadda iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte oo gaaray deegaanka Jicibow ee hoos taga magaaladda Buulaburde
Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte , saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka BJFS, oo ay ka mid yihiin xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, Xildhibaan Maxamed Cabdiuqaadir,,iyo Maamulka degmada ayaa gaaray deegaanka Jicibow ee hoos taga magaaladda Buulaburde ee gobolka Hiiraan.
R/W Hamse Abdi Barre oo maanta kormeeray Xarunta Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Abdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xafiisyada kala gedisan ee xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona u kuur galay shaqooyinka loo haayo Bulshada ku dhaqan Caasimada.
Kulan ay wada qaateen Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo shaqooyinka loo haayo Bulshada Caasimada.

Puntland oo bilaawday heshiisiinta beelo dagaalamay
Shir lagu dhammaystirayo nabadaynta colaaddii ka dhacday Saax-maygaag iyo Senge-jebiye ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo caasimadda Garoowe.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto xildhibaan hore Daahir Xasan Gutaale.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaarihii hore dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo mas’uuliyiin golayaasha dowladda ayaa Masjidka isbaheysiga islaamka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto xildhibaan hore Daahir Xasan Gutaale.
Dad tahriibeyaal ah oo lagu gubay xeebta Liibiya
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya in baaritaan wax ku ool ah lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah oo lagu gubay meel u dhaw magaalo xeebeedka Sabratha.
Madaxweynaha Hiirshabelle oo Gaaray degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidan aad u badan oo argagixisada xoreynaya inta ay ka joogaan gobollada Dalka oo ka baxay Muqdisho
Ciidan aad u badan oo argagixisada xoreynaya inta ay ka joogaan gobollada Shabeellada Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ayaa maanta ka baxay Muqdisho,waxaana la socda amsuuliyiin katirsan DFS.
