Home Blog Page 507

Ergayga Abaaraha oo Norwey Kala hadlay Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta magaalada Oslo kulan kula yeeshay madaxa hay’adda qaxootiga ee dalka Norwey.

Xoghaya Guud ee hay’adda Norwegian refugee council Jan Egeland iyo Ergeyga ayaa ka wada Hadley xaaladda abaarta ee Soomaaliya, iyaga oo isla soo qaaday waxa u qabsoomay labada dhinac ka gadaal kulankoodii Muqdisho ee bishii Juunyo.

Kulanka oo sidoo kale ay Goobjoog ka ahaayeen xubno ka socda wasaaradda arrimaha dibedda ayuu Ergeygu Hay’adda iyo Dowladda Noorweyba uga codsaday kor u qaadista kaalmada Dhaqaale ee Soomaaliya iyo sidoo kale ka qeyb qaadashada u qareemidda arrinka abaaraha iyo horumarinta Soomaaliya.

“Qaar ka mid ah Dadka Soomaaleed waxay Wajahayaan Xaalad Adag oo ka dhalatay Abaaraha Ka jira Dalka, Caalamka iyo Hay’adaha Gargaanku Waxaan ugu Baaqanaynaa inay Qaataan doorka Badbadinta Dadka Dhibaataysn” Ayuu Yiri AAW.

Jan Egeland oo horay usoo qabtey xilalka wasiirka arrimaha debadda Norway iyo madax gargaarka bani’aadamka ee Qaramada Midoobay ayaa ballan qaadey in ay dowlad ahaan dedaal ku bixin doonaan kaalmeynta iyo u qareemidda gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

4-ka mid ah argagixisada oo lagu Dilay Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Qaranka   ayaa Saaka howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buulo-Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad, ayaa waxay ku dileen Afar dagaallame oo ka tirsan kooxda AS, iyadoo sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hal dagaallame, hub iyo gaari ay wateen kooxdan.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay kooxdan si dhuumaalaysi ah u tagayaan ayaga oo doonaya dadka beeralayda ah inay xoolo baad ah ka qaataan.

Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Kooxda AS ay ugu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay uga qaadaan lacago baad ah ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal.

Saraakiisha dowladda ayaa uga digay dadka beeeralayda ah iyo ganacsatada inay hoggaansamaan isku dayada kooxdan AS ay ku doonayaan wali inay si dhuumaalaysi ah ugu boobaan hantida shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay masuul katirsan Dowladd Norway

0

Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mohamed Abukar Zubeyr ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Norway ee Muqdisho, Haakon Svane.

Maxkamada Gobalka Mudug oo Muwaadin Soomaaliyeed ku wareejisay gurigiisa

0

Xasan sheekh axmed cali xabeeb oo ah Aabe soomaaliyeed oo ku nool Galkacyo isla markaana da’diisa lagu sheegay 80 jir ayaa waxaa Maxkamada Gobalka Mudug ee Galmudug ay ku wareejisay dhul lahaanshihiisu uu muddo fog muran ka jiray kadib markii dhawaan Maxakamada Gobalka Mudug iyo tan racfaanku ay u xukumeen in milkiyada dhulkaasi si sharci ah ay u leedahay Shugri xasan Gureey sheekh axmed cali xabeeb oo uu wakiil u ahaa Aabaheed Xasan Gureey sheekh axmed cali xabeeb

Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Mudug Abuukaate Cabdirisaaq Cali yuusuf oo uu wehliyo Taliyaha Saldhiga booliiska dagmasa Galkacyo  Cali xirsi Sahal ayaana ku dhawaaqay fulinta xukunka Maxkamadaha iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray

Muranka la xariira dacwooyinka dhulalka ayaa ah kuwo si aad ah ugu badan gobalka mudug waxaana sanado ka hor ay sababi jireen iska hor imaadyo dad ku geeriyoodaan haddase maxkamadaha Gobalka mudug marka aad booqato waxaa muuqanaya in bulshadu ay ku qanacsan yihiin in dacwooyinka dhulalka ay la aadaan maxkamadaha iyo Garsoorka halka sanado ka hor lagu gali jiray hab dhaqameed kaasoo ay adkeyd in xal kama dambeys ah laga gaaro.

[DAAWO] Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK

0
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan loogu qareemayay gurmadka abaaraha la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London.

Wafdi ka tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta gaaray Magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan

0
Wafdi ay hogaamineyso Ku simaha Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS ahna guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji, oo ay ka mid yihiin wasiirka Macdanta iyo Batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka haweenka XFS Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gaaray magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

[DAAWO] Hey’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka oo maanta1,200 qoys oo kasoo barakacay abaaraha ka jira dalka ugu qeybiyay Raashin degmada Dharkeynleey

0

Hey’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka oo maanta1,200 qoys oo kasoo barakacay abaaraha ka jira dalka ugu qeybiyay Raashin degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir.

Wasiirka Maaliyadda oo Maraykanka kaga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka+Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ee uu toddobaadkaan ka furmayo Shirka Sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, iyadoo xalay uu la qaatay shirar horu-dhac ah labada hay’adood ee kor ku xusun.

Wasiir Wasiirka iyo Wafdiga Wasaaradda Maaliyadda ee la socda waxa ay ka qeyb gali doonaan shir weyn oo si gaar ah looga hadli doono arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta iyo  hannaanka guud ee dib-u-habaynta dhaqaalaha Dalka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda inta uu Washington joogo waxa uu kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah la yeelan doonaa hey’addaha dhaqaalaha caalamka, Waaxda Maaliyadda Dowladda Mareykanka iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee ka socda dadalka Kabka Miisaaniyadda Soomaaliya siiyo iyo kuwa kale ee Deeq-bixiyeyaasha.

[DAAWO] Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo Guddoomiyey kulan looga hadlayey qaabkii caddaalad iyo garsoor loo gaarsiin lahaa goobaha laga xorreeyey argagixisada

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Ahmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka caddaaladda iyo garsoorka madaxa bannaan oo looga hadlay qaabkii caddaalad iyo garsoor loo gaarsiin lahaa goobaha laga xorreeyey argagixisada.

[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.