Home Blog Page 506

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo kulan looga hadlayey abaraaha la yeeshay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha Jarmalka

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka.

Wasiirka Dhalinyarada Oo Itobiya u aaday Dhiirigalinta Xulka.

0

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa u dhoofay dalka Ethiopia, si ay dhiirri-gellin ugu sameeyaan xulka qarankeenna ee 17 jirrada ah oo berri ciyaa kama danbays ah la leh xulka South Sudan

Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ahaa Qaar kamid ah Wasiiro heer dowlad goboleed ah, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socota xafiiska madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii aanay xulku dalka ka dhoofin casho sagootin ah u sameeyay ugu balan qaaday taageerada buuxda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS.

Xulka qaranka ayaa usoo gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah ( Final) iyo ka qayb-galka koobka qaramada Africa ee 2023 lagu qaban doono Algeria

Cidamo ka Gurmaday Galmudug oo Gaaray Hiiraan..

Cutubyadan ka tirsan ciidamada xoogga dalka, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo kasoo dhaqaaqey fariisimohooda gobolka Galgaduud ayaa soo gaarey deegaanada Yasooman iyo beero-yabaal ee gobolka Hiiraan si ay gacan kaga gaystaan howlgalada gobolka ka socda ee ay kuwada jiraan Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka.
Ciidankan oo Guriceel kasoo dhaqaaqey ayaa soo marey jidka isku xira Guriceel iyo maxaas, iyagoo uga sii gudbay Baladwayne oo ay markaa kadib kaga sii talaabeen dhanka Yasooman waxaana safarkoodan uu qayb ka yahay gurmadyada is dabajooga ah ee gaaraya gobolka si loosii labo jibaaro howlgalka socda, loogana guuleesto Argagaxisada oo maagan dhagaro ay dhowr jeer isku dayeen kuwaa oo ay ku hungoobeen hadafkii ay ka lahaayeen ee ahaa in ay joojiyaan gulufka socda.
Galmudug oo ay uu tahay markii labaad ee ciidamada fariisimohoodu halkan yihiin u gurmadaan dadka reer Hiiraan ayay hore kaga bexeen Dhuusamareeb Ciidamada ururka 3-aad ee Gorgor oo fadhi rasmi ah ka dhigtey Yasooman, qaybna ka qaatey dib ugu laabashada deegaankan
Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad Gaashaanle Cabdifataax Haruuuse Daahir oo hoggaaminta ciidankan ay ku wehliyaan Taliye kuxigeenka guutada Gaashaanle Xirsi Cali Quuri, Taliyaha ururka 72-aad ee guutada 15-aad Gaashaanle Cabdulaahi Dhimbil, gudoomiyihii hore ee Degmada matabaan Maxamed dhoobeey Maxamuud iyo saraakiil sare oo qaybta 21-aad ka tirsan sida Col. Xuseen Salaad Ibraahim ayaa si dhiiran ugu safrey masaafadaasi dheer si ay u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran ilaalinta nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed ee Argagaxisadu duulaanka ku tahay.
Saraakiisha Ciidamadan hoggaaminaya ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in isku gurmadka Ciidanka xoogga dalka uu ka dhigan yahay fursad weyn oo marag ka ah in cadawgu tabar dhigey lana joogo waqtigii Shacabka Soomaaliyeed ay Iska dul qaadi lahaayeen iyagoo kaashanaya ciidankooda oo markan u diyaarsan gudashada waajibkaasi qaran.
Deegaanada Yasooman iyo beero-yabaal oo dhowr isku day oo Argagaxisadu soo abaabushay ay kala laabatey jab xooggan ayaa iminka u muuqda kuwo aan noqon doonin difaacyo cadawga lagu sugo balse ka dhignaan doona goobo casharadii taarikhda u gali lahaa loogu qoray Argagaxisada oo fiig iyo firxadkii ay ka qaadeen nabarada la gaarsiiyey aan wali niyada ku heynin meelihii ay nasiinada ka day dayan lahaayeen maadaama ay ogyihiin in ay sii daba joogi doonaan wiilasha iyo gabdhaha u carbisan difaaca wadanka ee xoogga dalka iyo Xaq udirirka reer Hiiraan ee dhulkooda intiisa badan cadawga dhaafiyey.

Madaxweynaha Puntland iyo Ururrada siyaasadda oo Heshiis Gaaray.

0

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni aya kulan la qaatay Ururrada Siyaasadda iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Cabdi Faarax Juxa iyo guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay kulanka halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland ee shirka ka qeybgalay ayaa iyana kulanka kusoo bandhigay aragtidooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeybgalaan doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka jawaabaya soojeedinta Ururada siyaasadda ayaa ku dhawaaqay in dowladdu taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda.

Maamulka Puntland ayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta, iyadoo inta howsha doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay kulanka in uu soo magacaabayo Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland si loo dhameystiro waxyaabaha dhinaca garsoorka ka khuseeya doorashada hal qof iyo hal cod ee goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dimuqraaddiyeynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

 

Dhalinyaro kasoo Goostay Alshabaab oo Shaqo Abuur ka helay Galmudug.

Tiro dhalinyaro ah oo hore uga mid ahaa kuwa qalbiyadooda ay duufsadeen kooxaha qawaarijta ah ee Alshabaab, oo qaatey go’aan ah in ay isaga haraan kooxdaasi dibna ula midoobaan dadkooda kuna yimid Barnaamijka cafiska qaran ee isisoo dhiibayaasha ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey xarunta MRC ee dhaqan-celinta maleeshiyadka oo ku taala magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Dhalinyaradan oo mudooyinkii u dambeeyey soo gaarey xerada ayaa loo sameeyay fursado dhaqan toosin, waxbarasho iyo u abuurida xirfado ay kula midoobaan dadkooda kadib markii ay dhameystaan habraacyada barnaamijka ee lasiiyo shahaadada qalin jabinta.

Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Qaran ee isisoo dhiibayasha ka soo goosto Alshabaab  Salaad Jilicow iyo Abdalla Ahmed Noor Agaasima kuxigeenka xarunta Muqdisho ee Serendi ayaa xerada MRC ee Dhuusamareeb ku yimid kormeer ujeedadiisu tahay ogaanshaha sida ay u shaqeyso xeradan oo Dhuusamareeb laga furay 2022.

Iyagoo soo dhaweeyay dhalinyarada ka timid fikirka qaldan ee Argagaxisada isla markaana xooga saarayey sidii loo balaarin lahaa howlaha dhaqancelinta Galmudug madaama ay dagaalo kufuran yihiin kooxda qowleysatada ah ee Alshabaab taasina sababtay in ay dhalinyaro badan oo ka faa’iideysanaya awood burburka kooxda ay iskasoo dhiibayaan xeryaha dhaqan celinta.

“Ka dowlad ahaan waxaan fursad walaalnimo, Soomaalinimo Iyo Dhalin yaro ahaanba siinaynaa cidkasta oo kasoo baxday fikirka Xaqjirka, waxaan dhisaynaa Nolasha isasoo dhiibayaasha, mana la kulmi doonaan wax Dhibaato ah” ayuu Yiri Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Qaran ee isisoo dhiibayasha ka soo goosto Alshabaab  Salaad Jilicow iyo Abdalla Ahmed Noor

Dhalinyarada katimid fikirka xagjirnimada ee doortay in ay bulshadooda si nabdoon ula midoobaan ayaa xeradan ka helay waxbarsho, waxaana mid walba oo dhalinyarada ka mid ah la siiyaa duruus joogta ah oo ay wehliso barashada xirfad uu isagu doortay taasi oo noqoneysa tan uu noloshiisa ku maareysan doona marka uu dhameysto mudada dhaqan celinta sida uu sheegey Abdirahman Maxamed Cali agaasimaha xarunta MRC ee Dhuusamareeb.

Kororka tirada dhalinyarada Iska soo dhiibay deegaanada Galmudug ayay qayb weyn ka qaadatey tan iyo markii la furay xarunta dhaqan celinta isisoo dhiibayaasha maleeshiyadka ee MRC Dhuusamareeb, taasi oo iminka ay kujiraan dhalinyaro aad u badan oo badankood yimid bilihii u dambeeyey…

xarunta MRC
Abdalla Ahmed Noor Agaasima kuxigeenka xarunta Muqdisho ee Serendi

Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Qaran ee isisoo dhiibayasha ka soo goosto Alshabaab ee DRP Salaad Jilicow

Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.

0

 

30th September 2022. Historic UPEACE Events at the United Nations General Assembly in New York and the 34th UPEACE Council Meeting in Geneva 

After United Nations General Assembly (UNGA77) in New York and the 34th UPEACE Council meeting in Geneva in September 2022, UEAPCE made history.

UPEACE council members are pleased with recent events in Somalia, including President Hassan Sheikh Mohamud’s signature on the UPEACE accession instrument. Switzerland hosted the 34th UPEACE Council meeting. The UPEACE Council called the signing “historic.”

Somalia emerges from conflict. Another recovery sign, added by Samuel Kale Ewusi, Director the UPEACE African Regional Program. The Director of the Africa Regional Program congratulated President Hassan Sheikh. We’re proud that President Hassan Sheikh Mohamud studied at our UN-mandated University. Dr. Samuel Ewusi congratulated President Hassan on his historic win.

In September 2022, Dr. Hassan Sheikh Mohamed signed the accession document. Somalia signed the charter created by U.N. General Assembly Resolution 35/55 of December 5, 1980, which established the University for Peace in Costa Rica with regional programs in Africa (Ethiopia and Somalia), Europe (Netherlands), Asia (China), and South East Asia (Philippines) (Honduras).

UPEACE Rector Dr. Francisco Rojas Aravena in Geneva’s Council met on September 30 2022. The meeting discussed the University for Peace while the University was in Geneva for academic events. In recognition of his leadership and contributions during his first two terms, the UPEACE Council re-elected Dr. Francisco Rojas Aravena as Rector. Decided council.

UPEACE 34th Council Meeting Session in Geneva held in 30th September
UPEACE 34th Council Meeting Session in Geneva held in 30th September

 

UPEACE and UNHCR signed a peace MOU in Geneva. This agreement emphasizes teaching college students UNHCR’s humanitarian principles. UPEACE will teach UNHCR staff peace education. UNHCR Assistant Secretary-General, Assistant High Commissioner for Protection Gillian Triggs, said the partnership could inspire future humanitarians. Education changes lives, she said. This MOU shows how universities can help displaced or stateless people. Our collaboration strengthens our global academic interdisciplinary network and the academic community’s commitment to our clients.

UNHCR Assistant High Commissioner for Protection, Gillian Triggs meets with University of Peace Rector, Dr. Francisco Rojas Aravena to sign a Memo of Understanding.  © UNHCR/Susan Hopper
UNHCR Assistant High Commissioner for Protection, Gillian Triggs meets with University of Peace Rector, Dr. Francisco Rojas Aravena to sign a Memo of Understanding.  © UNHCR/Susan Hopper

While in Geneva, UPEACE presented its White Paper on Africa’s Illicit Trade in Geneva. After this paper, more research will begin. – Irina Bokova, former UNESCO director general and UPEACE council member, opened the White Paper on Illicit Trade in Africa.

Peace requires cooperation. Peace requires political will. Peace requires work. Rector Francisco Rojas Aravena spoke at the White Paper launch.

Photo Rector Francisco Rojas Aravena, UPEACE Council members, and authors at the launch.
Photo Rector Francisco Rojas Aravena, UPEACE Council members, and authors at the launch.

 

UPEACE and Fifty Shades Greener signed an MoU last week in Geneva. Carbon emissions Education creates action-based programs to reduce emissions. Environmental education leaders create action-oriented programs to reduce carbon emissions.

 

Picture of the signing of an MoU between the UPEACE and Fifty Shades Greener
Picture of the signing of an MoU between the UPEACE and Fifty Shades Greener

Dr. Mohamed Yusuf, Somalia’s Country Director, said the MOU would strengthen the University’s peace education programs.

Dr. Mohamed Yusuf: “This is a historic agreement that will benefit the University’s peace programs in Somalia and across the continent.” The University serves Somalia and other African countries for Peace.

The upcoming UPEACE Grand Convocation Ceremony Event in Somalia

In December 2022, the University will host a historic graduation ceremony. Over 100 students have defended their master’s and doctoral theses and dissertations in the past two and a half years.

UPEACE is proud to host the first-ever all-doctoral graduates’ commencement ceremony, including the first-ever sitting Head of State to graduate alongside his diverse students and citizens.

Dr. Mohamed Osman, the University’s Country Representative, said they plan to invite high-level delegates from Costa Rica and Somalia’s leadership, led by President Hassan Sheikh Mohamud. “We’ll invite academics” We plan to invite Costa Rican representatives and Somalia and Horn of Africa partners. “It will be unlike any ceremony you’ve attended,” said Doctor Mohamed. Celebrations will include 130 MAs and 10 PhDs. Adding.

 

General Garaare of the Somali Police Force, Mohamed Mohamud Mohamed, defended his master's thesis.
General Garaare of the Somali Police Force, Mohamed Mohamud Mohamed, defended his master’s thesis.

The President of Somalia is defended his doctoral dissertation.

The celebration of His Excellency President Dr. Hassan Sheikh Mohamud’s successful defense of his PhD thesis in Peace, Governance, and Development with Distinction was captured on video and shared with the public while praising Allah for this significant achievement.

“This afternoon, UNPEACE defended my thesis, leading my total award to PhD in Peace, Governance, And Development. As a 30-year veteran of this field, I can confidently say that education can rebuild our nation and its government. We want to make high-quality education easier and reduce school expenses. To protect their constitutional rights, the government must pay for higher education for Somali high school graduates. UPEACE’s faculty and administration are helpful. Thanks, Allah!

 

President Dr Hassan Sheikh Mohamud Defending his Thesis

The President’s defence of his PhD dissertation at UNPEACE caused social media to explode. Many praised the President’s academic achievement globally and locally.

“We respect his work.” With determination, anything is possible. Africa Program Director Samuel Kale Ewusi.

“You’re an example for the young, the elderly, and the entire Somali community,” said Somalia’s Education Minister, Culture and Higher Education, HE. Farah Sh. Abdiqadir.

Hassan Sheikh Mohamud defended his dissertation on Somalia’s clan politics.

He talked about improving education and services. Education helped Dr. Mohamud’s country during a civil war. His University was Simad.

Hassan Sheikh Mohamud thanked UPEACE Rector Francisco Rojas Aravena, Dean Juan Carlos Sainz-Borgo, Africa Program Director Samuel Kale Ewusi, Somalia Country Representative Mohamed Osman Mohamoud, and Country and Campus Director Dr. Mohamed Yusuf. He said the country’s universities are growing and urged them to collaborate with foreign universities.

On October 12, 1954, UPEACE Somalia commemorates Somalia’s Flag Day.

UPEACE congratulated the Somali people on the 68th anniversary of their flag day, which occurred on October 12, 1954. UPEACE wishes Somalia’s sovereignty to last forever. Dr. Mohamed Osman Mohamoud, UPEACE Country Representative, said UPEACE honours the Somali heroes and heroines. They worked to make Somalia free and independent and raise its flag on their land.

UPEACE Somalia opened in late 2018 in Mogadishu. Somali students visited Costa Rica and Ethiopia’s Africa Regional Campus. Seventy-six students graduated.

UPEACE’s Somalia Program called for 6th cohort applications in October 2022. Participating are internationals and Somalis. Interested? Apply. Interested? Apply. Express your interest through this link.

President Hassan Sheikh Mohamud (centre), having a light moment with Dr Juan Carlos, Global Dean of Upeace. With him is Chief of Staff Office of The President of the Federal Republic of Somalia Dr. Hussein Sheikh Mohamu. (Photo taken during the UNGA meeting in September where the President signed the Upeace Charter)

Wasaaradda Warfaafinta oo War kasoo saartay Xariga Abdalla Muumin.

0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda. Sidoo kale waxaa wasaaradda ka go’an ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla.

Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Mudane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala.

Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.

Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta muwaadinkaasi loo hayo, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.

War saxaafadeed

Madaxweyne Xasan Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirrada Koonfur Afrika Iyo Bangaaladhesh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Koonfur Afrika Mudane Mninwa Johannes iyo Bangaaladesh Mudane Tareque Muhammad.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Koonfur Afrika Mudane Mninwa Johannes oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjire Mninwa ayaa ka wada hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga, iyadoo Madaxweynuhu uu xusay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ballaaran ee ku dhaqan dalkaas iyo waxtarka ay u leeyahay kobaca dhaqaalaha labada dal.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Bangaaladesh Mudane Tareque Muhammad oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mohammad Abdul Hamid ayaa tilmaamay mudnaanta dalkiisu uu siinayo xiriirka ay la wadaagaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Danjiraha Cusub ee Banaaladesh Mudane Tareque Muhammad ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay heshiis la ahaato dunida, lana yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan horumar iyo wax wada-qabsi.

Madaxweynaha Qaranka Oo ka Hadlay Maalinka Calanka Soomaaliyeed.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay, taas oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin.

“Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii loo soo maray xornimada dalkeenna, madax-bannaanidiisa, dowladnimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale maanta waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada argagixisada ay shacabka ku dhibaateeyaan”

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay xoojiyaan dadaallada dalka looga xoreynayo argagixisada caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhabbaha kaliya ee looga guuleysan karo ay tahay midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Calanka Soomaaliya.

 

Xulka qarankeena oo u gudbay Final-ka 17-jirada Koobka bariga iyo bartamaha Africa.

0

 

Ciyaar goor dhaw soo dhamaatay Xulka qarankeena Soomaaliya ee 17-jirada ayaa u gudbay Final-ka Koobka bariga iyo bartamaha Africa, Kadib markii ay Guul Muhiim ah ka gaareen Dhiggooda Dalka Uganda.

 

Ciyaartaan oo ah mid xiisa u leh dadka soomaaliyeedna Maadaama aay isha ku hayeen Guulaha iyo Tayada Xulka Qaranka Ee Da’doodu ka Hooseeso 17-ka

 

Ciyaarta ayaa 90kii Daqiiqo kusoo idlaatay Garba siman oo 1-1 ah Balse Waxaa laysla aaday Gool ku laad Taasi oo Xulka Qaranka ay Guul ka keeneen kadib markii 7-8 aay kaga Tilaabsadeen Dhighooda Uganda.

 

Xulka qaranka ayaa wacdaro sanadkaan ka dhigay Koobka bariga iyo bartamaha Africa ee U17-ka Kadib markii furitaankii Tartanka ay itoobiya kaga Tilaabsadeen 1-0.

Xulka Qaranka u 17
Xulka Qaranka u 17