Ukraine: Ma jirto calaamad muujinaysa in Shiinuha uu Hub siiyo Ruushka

Date:

Madaxa sirdoonka Ukraine Kirillo Budanov, ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Warbaahinta, in aaysan jirin wax muujinaya in Dowladda Shiinuha ay dooneyso inay Hub siiso dhigeeda Ruushka.

Kirillo Budanov, ayaa sida muuqato Wareysigan ugu jawaabayay hadaladii dhawaan ka soo baxay Mareykanka ee ku saabsanaa in Shiinuhu uu doonayo in uu hub siiyo ciidamada Ruushka, si ay ugu kaashadaan duulaanka Ukraine.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Mareykanka 25-kii bishan, ayuu Kirillo Budanov, ku yiri “Waqtigan xaadirka ah, uma maleynayo in Shiinaha uu aqbali doono in Ruushaka uu siiyo Hub, si uu ugu kaashado dagaalka nagala dhaxeeya.”

Wareysiga lala yeeshay Kirillo, ayaa yimid kadib markii Agaasimaha CIA Mareykanka William Burns, fiidnimadii Axaddii, uu wareysi siiyay warbaahinta CBS, kaasi oo uu ku sheegay in Shiinaha uu Ruushka ugu deeqaya Hub halis ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...