Kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa u suurto gashay inay la wareegaan degaano dhowr ah oo kuyaalla Bariga degmada balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ururka Arxanka Daran ee Al-Shabaab.
Dab xoogan oo ka kacay Xabsi ay ku jiraan siyaasiyiinta iyo ajaanibta kaas oo ku yal dalka turkiga
Dab xooggan ayaa ka kacay xabsiga caanka ah ee Evin ee dalka Iiraan, kaas oo caan ku ah in ay ku jiraan maxaabiista siyaasadda, saxafiyiinta iyo dadka ajnabiga ah.
[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo booqasho ku tagay xarunta hay’adda ka hortaga tijaabada Nuclear-ka ee ku taal dalka Austria
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku tagay xarunta hay’adda ka hortaga tijaabada Nuclear-ka oo ah hay’ad uu ansixiyay sanadkii 1996-kii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay islamarkaana xiligaas ay saxiixeen 186-dal,waxaana xiligaas dalalka aan saxiixin ka mid ahaa afar wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Madaxweyne Xasan sheekh oo ka Tacsiyadeeyey muwaadiniin Turki ah oo ku geeriyooday qarax ka dhacay goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas
Muqdisho, Oktoobar 15, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan iyo Xukuumadda dalkaas u diray dhambaal tacsi ah oo ku saabsan muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa ka dhacay goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas.
Madaxweynaha oo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan muragada walaalahooda dalka Turkiga ayaa u rajeeyey dadka dhaawacayadu soo gaareen in Eebbe u booga dhayo.
“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey xulka da’ yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ee ay soo hooyeen
Muqdisho, Oktoobar 15, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey xulka da’ yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciyaaryahannada, macalimiinta iyo maamulka xulka da’yarta Soomaaliyeed ay tusaale wanaagsan u noqon karaan xirfadda iyo dadaalka ciyaarhannada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas wanaagsan ay u ah Xul Soomaaliyeed oo la tartama dhigooda gobolka iyo qaaraddaba.
“Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirrada ah ee qarankeenna, waxa ay muujiyeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay la tartamaan dhiggooda caalamka, aysanna niyad jabin karin kuwa ku gumaadaya fikirka xagjirnimada ah ee qaraxa iyo xasuuqa u adeegsanaya qaarkood, kuna beegsada walaalahooda kale ee la da’-da ah”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si dhow ula socday ciyaaraha xulka 17 jirrada ah ee ku matalayey qarankeenna Isreebreebka Afrika ee heer gobol ee Bariga iyo Bartamaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha dalka ugu hambalyeey hanashada koobkan oo dhabbaha u xaaraya soo noqoshada wacdarihii heer gobol iyo heer qaaradeedba ee Xidagaha Soomaaliya.

Guddoomiye Sheikh Aadan madoobe oo u hambalyeeyay guusha xulka Qaranka ee 17-Jiradda Soomaaliyeed ay ka gaareen ciyaartii ay galabta la dheeleen dhigooda Koonfurta Suudaan
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha xulka Qaranka ee 17-Jiradda Soomaaliyeed ay ka gaareen ciyaartii ay galabta la dheeleen dhigooda Koonfurta Suudaan.
Qaabkee Africa uga adkaan kartaa Argagixisada?
Argagixisada ayaa siiwada ficiladooda guracan ee khatarta ku ah jiritaanka iyo horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulshada ee qaarada Afrika sababo laxariira inay yihiin kuwo leh sifooyin kharibaad ah oo lid ku ah dadaalada ay wadamada afrikaanku ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan isbadal dhaqan dhaqaale iyo bulsho oo hanaqaada .
Khataraha argagixisadu ku hayaan wadamada afirka ayaa ah mid cuuryaaminaya dadaalada ay qaaradu ugu jirto sidii ay ugaari lahayd ajandayaasheed dhanka horumarinta qaarada oo lajaan qaadi kara dunida casriga. Dadaaladaas ayaa ah sidii hoos loogu dhigi lahaa ama loo yarayn lahaa caqabadaha dhaqan dhaqaale, amni iyo bulsho ee sida xun u saameeyey inta badan nolosha bulshada qaarada ee aadka u liita . ama ah kuwa nugul dhibaatooyinka dabiiciga ah ama kuwa aan dabiiciga ahaynba .
Duruufaha qalafsan ee ladariska ah bulshooyinka qaarada Africa yaa ah kuwo sii daciifinaya awooda bulshada, waxayna noqonayaan kuwo unugul amaba khatar u yihiin inay ku biiraan, ama gacan siiyaan ururada xagjirka ah iyo kuwa argagixisada ah.
Warbixin ay qortay xarunta ( African Centre for the Study and Reseach on Terrorism ) bartamaha sanadkan 2022 ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay Janaayo – 30 Jun 2022 ay qaarada ka dheceen in ka badan 699 weerar ayna kadhasheen qasaaro dhimasho oo gaaraya 5412.
xarunta ayaa iftiimisay in ficilada kooxaha argagixisada ay caalama ka gaystaan in boqolkiiba 48% ay ka dhacaan afrika. soomaalida ku waxyeeloobay ficilada guracan ee argagixisada ayaa tiro ahaan kaaraya boqolkiiba 18% marka labarbar dhigo dalalka Burkiina Faso,Mali iyo Nayjar. Balse waxa kabadan dalka afganistaan oo boqolkiiba 20% ay yihiin dadka kule`day ficilada argagixisada.
weerarada argagixisada ee kusii baahaya Afrika waxay abuuraysaa welwel kale oo ah sida ay qaaradu u xaqiijinkarto yoolka uruka midawga afrika oo ah in qaaradu noqoto meel ka caagan dhawaqa qoriga 2030 , maadaama ay ku guul daraysatay inay xaqiijyo gaarista yoolkan 2020.
Waxaynu ku noolnahay duni ay ka dhacayaan isbadalo waaweyn, sidoo kale waxaa isbadalaya hab dhaqanka ururada argagixisada marka laga eego dhanka ilaha dhaqaalaha ay ka helaan, dadka ay adeegsadaan iyo xirfadaha ( Techniques)iyo sidookale tabaha ama qalabka ay u adeegsadaan inay ku fuliyaan weeraradooda. Isbadala noocaan ah ayaa kadhigaya kuwo ka dhib badan ama ay adagtahayba in lafahmo qaababka iyo tabaha ay ufulinayaa hawlgaladooda waxshnimada ah . sidaas awgeed waxaa qasab ku ah hay`adaha nabadsugiga ( Intelligences ) iyo kuwa Amniga inay noqdaan kuwo u diyaarsan awoodna u leh inay la falgalaan kooxahaas cadawga ah ee abaabulan, korna u qaadaan dareenkooda iyo garaadkooda , waana muhiim in wadamada qaaradu ay qaadaan talaabooyin cad cad oo wax ku ool ah oo ah inay dib u habayn ku sameeyaan dhinacyada xoojinta awooda iyo tayada dadka ka howlgalaya hay`adahaas noqdaana kuwa u diyaarsan dejinta istiraatijiyadaha dhanka aruurinta xogaha, xuuraansiga wararka , falanqayntooda iyo in sihufan loofaaqido xogahaas, noqdaana hay`adadha amnigu kuwa awood u leh isdhaafsiga xogaha waqtiga ku haboon iyo go`aan ka qaadashadooda, sidoo okale waa muhiim inla adeegsato xirfadaha caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn si looga hortago loona fashiliyo weeraada ka imaankara kooxaha argagixisada .
maalgalinta iyo tayeynta hay`adaha amniga ee dalka waxay caawinaysaa dhismaha hay`ado leh adkaysi si xooganna uga hortagi kara argagixisada iyo ficil kasta oo khatar ku ah amniga dalkaas.
Tayeynta iyo kor u qaadista awooda fulineed ee hay`adaha amniga waxayka bilaabanaysaa in lagaguuro habdhaqankii hore ee mudo lagu soo dhaqmayey sida tababaradii hore ee waqtigoodu dhacay , manhajkii la adeegsan jiray , istiraatiyadihii hore ama tabayaashii ama xeeladihii hore iyo qalabkaba, loona guuro tabo, xeelado ,cilmi iyo qalabyo cusub oo casri ah.
Casriyeynta hay`adaheenna sirdoonka iyo kuwa amnigu waa inay ahaadaan kuwa aqoon durugsan u leh isticmaalka tignoolajiyada amniga qalab ahaan tababar ahaan. Sidoo kale ciidan qoristu ku salaysnaataa yaa mudan ee aysan ku salaysnaan (( Yaa wata )) Sidoo kale waa in dib uhabayn lagu sameeyo qaab dhismeedka xarumaha hay`daha laguna daraa kooxaha loo yaqaan ((Red Teams )) oo madax banana. Si ay u aruuriyaan xogaha sirdoonada kale iyo falanqayntooda.
Waana muhiim in hay`adha amniga laga shaqaalaysiiyo dal leh hal abuur iyo curin oo kor u qaadi kara awooda waxqabad iyo wax tar ee hay`adahaas.
Marka ay timaado arinta ciidan qorista ama ciidan qaadashada waxaa cad inay jiri karaan faragalin siyaasadeed , laakiin waxaa marag madoonta ah marka hay`adaha sirdoonka iyo amnigu ay hawlgaliyaan dad leh sooyaalo kaladuwan waxay noqonayaan kuwa awood uleh inay sahlan uga hortagaan khataraha iyo mu`aamaraadka cadawga argagixisada si waxku ool ah. Si kastaba ha ahaatee hadii eex iyo anuu ixigaa ay noqoto kuwa leh mudnaan marka laqaadanayo ciidan ama ay jirto hawlgalo , taasi waxay noqonaysaa mid cuuryaaminaysa hawgalka sirdoonka iyo kuwa amniga mana noqondoonaan kuwa waxtar leh .
Waxaana horay looyiri in lahelo hay`ad sirdoon oo sax ah ma u baahna oo kaliya lahaanshaha awood xog aruurin, la taxliiliyo xogahaas oo lala wadaago xafiisyada ay quseeyaan si loo qaato go`aan fulineed, balse waxaa muhiim ah in hay`ada sirdoonku lahaadaan awood ay ku arki karto khataraha soo socda ee lidka ku ah amniga qaranka .
Sidaa darted,qaadashada sirdoon ku salaysan yaa mudan (( merit –based requirement)) oo ka bixi kara hawlaha sirdoonka, kana kala yimid goobo ama hay`ado kala duwan waa sida ay sameeyaan inta badan hay`adha sirdoonka casriga ahi taasi waxay xoojinaysaa awooda hay`adahaas iyo inay si waxku ool ah uga falceliyaan hawlgalada muuqda iyo kuwa qarsoon taasoo siinaysa karti iyo awood ay ugu dhex milmi karaan canaasirta argagixisada ayna yeeshaan awood ay si fudud ay kala furufuri karaan awooda dhaqaale iyo cudud ee ay ku fulinkaraan weeraro ay canaasirta argagixisadu wax ku yeeli karaan amniga dalka.
Waliba, marka aad haysato ama hawlgaliso sirdoon leh sooyaalo kaladuwan dhanka taxliilinta ama falanqaynta xogaha taasina waxay caawinaysaa siyaasiyiinta si ay u qaataan go`aano wax ku ool ah, soona saaraan sharciyo adag oo waxku oo amni sugida u hiilinaya iyo in wax laga qabto sababaha asaasiga ah ee sababay inay dad qortaan ama helaan kuwo la dhacsan afkaarahooda xag jirka ah .
Arimaha aan kur ku xusnay waxaa sii adkeeyey hoosna ka xariiqay Toyin Adebole oo ah khabiir Nigerian ah aqoon durugsana u leh arimaha amniga iyo sirdoonka ayaa sheegay in caqabadaha amnigu ay sii ahaan doonaan kuwa nala deris ah mudo dheer waana, ‘’ marka qabiilka , fikradaha diineed iyo dareeno kale ay noqdaan kuwa saamaynta xoogan ku leh go`aanada istiraatijiyeed ee lagu magacaabayo kuwa maamulaya ama hawlgalinya hay`adaheena sirdoonka iyo amniga, kuwaasoo loo ogolaado inay fuliyaan mas`uuliyadooda si madax banana intabadan wada Africa.
badbaadada nolosha , hantida iyo amniga qaranku waa inay ahaadaan kuwo ku dhisan xirfad iyo aqoon, kana fogaadaan eex iyo nin jeclaysi si ay hay`adahaasi u noqdaan kuwo waxku ool ah oo hufan.
Dhanka kale,Adem Anthony oo ah khabiin amni oo Tanzaniya u dhashay ayaa yiri ‘’waa waajib in hay`adaha amnigu ay lahaadaan habdhaqan ah inay waxwalba oo ku saabsan amniga ay waqti hore ka sii fekeraan , kana sii baaran degaan, ahaadaanna kuwa marwalba kafekera mustaqbalka waxa dhici kara , waayo caqabadaha amnigu maahan sidii hore , si aad ah ayey isubadaleen, sidaa si lamid ah waa in laamaha amniguna isubadlaan si ay ula falgalan una fashiliyaan tabaha iyo xeeladaha guracan ee argagixisada.
Macnaha guud, maadaama argagixisadu ay noqotay ifafaalo caalami ah ( global phenomenon) oo ay kamid yihiin canaasir kala duwan oo wadamo kala duwan ka soo jeeda oo qayb ka ah ururadaas argagixisada . waa muhiin in hay`adaha sirdoonka lagu qalabeeyo wakiilo joogto ah iyo falanqeeyayaal awood u leh adeegsiga luqado kala duwan taasoo caawinaysa dadaalada lagu go`doominayo kooxaha argagixisada, sidoo kale fududaynaysa hababka aruurinta, falanqaynta ama taxliilinta macluumaadka laga helo argagixisada.
Ugu dambayn,awooda sirdoonku u leeyahay adeegsiga luqado kala duwan waxay xoojinaysaa iskaashi dhexmara laamaha sirdoonka ee gudaha dalka iyo qaaradaba. Sidaa awgeed maadaama aanu qarka u saaranahay inay dhamaato istiraatijiyadii Africa ee aamusinta qoriga 2030. (strategy of Silencing the Guns by 2030) waa arin ahmiyadeeda leh in afirca ay dib uhabayn fiican ku samayso hay`adaheeda sirdoonka iyo kuwa amniga hadii ladoonayo in lafuliyo istiraatijiyada qori aamusinta ee Africa ,waxna laga qabto ficilada guracan ee khatarta ku ah maniga Africa.
Hadii Africa ku fashilanto inay qaado talaabooyinka aanu soo xusnay oo runtii si xoogan u saamayndoontaa awooda , istiraatijiyada iyo ilihii dhaqaale ee loobaahnaa si loola dagaalamo argagixisada ku baahaysa qaarada .run ahaantiina xaqiijinta Africa oo nabad iyo barwaaqo ahna waxay u muuqan doontaa mid riyo ama khayaali ah, iskaba daa in laxaqiiyo oo laga miro dhaliyo istiraatijiyadii ahayn in 2030 lagaaro Africa oo nabad ah oo xabdi ka dhacayn.
W/Q Axmed Suudaani
Lataliyaha koowaad Somali embassy Khartoum- Sudan.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Masuuliyiin katirsan Mareykanka
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur ayaa shir muhiim ah la qaatay masuuliyiinta sare ee Maaliyadda dalka Mareykanka, Sida Kaaliyaha Xoghaye ku-xigeenka dhinaca Afrika iyo Bariga Dhexe #Eric_Meyer iyo Kaaliyaha Xoghaye ku-xigeenka Arrimaha Caalamka iyo ka hortagga qataraha maaliyadda #Anna_Morris.
Waxa ay ka wada hadleen hannaanka toosan ee dib-u-habeynta Maaliyadda ee ay Dowladdu dadaal xooggan u gashay sidii looga miro-dhalin lahaa, sidoo kale aan meel wanaagsan ay ka gaartay dhawaanahaan. Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’antahay hufidda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Kooxaha Islaamiyiinta oo boqolaal qof ku dilay Mali, kumanaanna barakiciyey
Masuuliyiinta dalka Mali iyo kooxaha wax faalleeya ayaa sheegaya in kooxaha Islaamiyiinta ee dalkaas ka dagaalamaa, inay maalmihii ugu dambeeyey ku sii siqayaan dhinaca bari ee dalka Mali iyaga oo qabsaday deegaano cusub. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxay laayeen boqolaal qof oo rayid ah halka ay kumanaan kalena ku khasbeen inay guryahooda ka caraaraan.
Guulaha cusub ee ay gaareen kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaas, ayaa markhaati fur u noqonaya culayska dalka Mali ka haysta in uu buuxiyo booskii ay banneeyeen ciidamada dalka Faransiiska iyo kuwa reer Yurub ee dalkaas ka baxay, iyada oo dhinaca kalena uu xumaaday xidhiidhkii Mali ay lahayd dalka Niger, taasoo keentay inay joogsadaan hawlgalladii milateri ee wada jirka ahaa ee ay ka samayn jireen meelaha u dhow xuduudda ay wadaagaan Niger iyo Burkina Faso.
Dagaal culus oo u dhexeeya kooxaha gooni u goosadka ah ee Tuareg iyo kooxda isku magcawda dawladda Islaamiga ah ee Saxaraha (ISGS) ayaa laga soo sheegayaa gobolka Menaka, halkaas oo ay ciidamada Mali kala wareegeen ciidamada Faransiiska bishii June.
Tan iyo markii ay baxeen ciidamada Faransiisku waxaa soo culays badani uu soo fuulay dawladda Mali, iyada oo kooxaha Islaamiyiintuna ay dardar geliyeen hawlgalladooda.
Tan iyo bishii March, waxa la dilay boqollaal qof oo u badan dad rayid ah, iyada oo kooxaha Islaamiyiintu ay gulufkooda ku ekeeyeen gobolka Menaka iyo gobolka kale ee la deriska ah ee Gao, sida laga soo xigtay warbixinta ACLED oo dusha kala socota xasaradaha hubaysan ee gobolkaas ka socda.
Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad aqalka Sare oo Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya.
Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad aqalka Sare Shacbaan oo Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya.
