Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka Muqdisho, Arbaco 01, Maarso 2023

Date:

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka

Muqdisho, Arbaco 01, Maarso 2023

1- Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay muhiimad siineyso oo ah degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

3- Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.

4- Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

5- Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.

6- Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare. Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.

7- Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.

8- Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.

9- Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga ka dhan ah.

10- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.

11- Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.

12- Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo Deyn Cafinta.

13- Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta.

14- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.

15- Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran

halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.

16- Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilad Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arintaas kui saabsan bilowday   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...