Home Blog Page 503

Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo maanta Villa Hargaysa kulan kula qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya

0

Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa maanta Villa Hargaysa kulan kula qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta, Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

[SAWIRRO] Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo la kulmay dhigiisa dalka Belgium

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la kulmay dhigiisa dalka Belgium-ka Eliane Tillieux oo ku soo dhaweysay xarunta baarlamaanka dalkaasi ee Magaaladda Brussels.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee dalka Belgium Eliane Tillieux ayaa wafdiga uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabaka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay inay soo booqdaan xarunta baarlamaanka Belgium iyadoo ballan qaaday in la xoojin doono xiriirka saaxiibtinimadda labada Baarlamaan,sidoo kalena ay iska kaashan doonaan dhanka aqoonta, horumarinta iyo tayada howlwadeenada labada baarlamaan.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay dhigiisa dalkaasi Belgium-ka soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey waxaana uu dhankiisa ballan qaaday wada shaqeyn labada dhinac ah taasoo ku dhisan horumarinta baarlamaanada ladaba dal,aqoon kororsiga xildhibaannadda iyo howlwadeennada.

 

[SAWIRRO] Madaxweynaha Hirshabelle oo booqday deegano dhawaan Argagixisada Al-shabaab laga xoreeyey

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan howlgalada dalka looga xureynayo kooxaha argagixisada ah.

IMF oo boogidsay dadaalada Deyn Cafinta iyo Dib – habaynta dhaqaalaha Soomaaliya

0

Washington, October 18,2022 –  Waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka lagu soo gabagabeeyay shirarkii u socday Hey’adda IMF iyo Waasaaradda Maaliyadda Soomaaliya uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Shirarkaan oo ka dhacay Nairobi iyo Washington bishaan gudaha ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka  Maaliyadda, barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo taageerada farsamo iyo Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya ay siiyaan saaxiibada Caalamiga ah iyo Hey’addaha Dhaqaalaha Adduunka .

Hey’adda IMF oo warbixin ka soo saartay shirarkii u dambeeyay ee ay la galeen masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hogaanka Wasaaradda Maaliyadda ayay ku bogaadisay dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka, xoojinta Maamul Guud ee Maaliyadda dalka,  kor qaadista dakhliga gudaha dalka iyo ka dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF waxa ay sheegtay inkasta oo Soomaaliya ay samayn ku yesheen dagaallada dalka Ukraine, Abaaraha soo noqday iyo sicir-bararka ka jira gudaha dalka oo Soomaaliya ay kala mid tahay dunida kale ee dhaqaalaha hoos u socdo, hadda waxa ay sheegtay in Dowladdu xoogga sarayso in ay kordhiso dakhliga iyo Miisaaniyadda Dowladda iyadoo sidoo kale gacan ka helaysa kabka Miisaaniyadda ee Saaxiibadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixin ay Hey’adda IMF ka soo saartay natiijada ka soo baxday Shirarkii isdabajooga ahaa ay la yesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

” Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC.

Warbixintu waxa ay muujinaysaa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo lagu jiro xili adag oo uu dalku ku jiro soo kabashada Abaaraha iyo Cunno yarida”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogaan ugu jirta sare u qaadida dakhliga gudaha iyado adduunku ay samayn dhaqaale oo xoogaan ka jirto, iyo sidoo kale dhamaystirka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo Soomaaliya wax badan ay soo wadday.

 

Askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta ee QM oo lagu laayey dalka Mali

0

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Chad ayaa lagu dilay dhinaca woqooyi ee dalka Mali, ka dib markii ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda loogu aasay, tiro kale oo ka mida ciidanka ayay soo gaadheen dhaawacyo halis ahi.

Dhimashada askartan ayaa ku soo beegmaysa, hal maalin uun ka hor, inta aanu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shir gaar ah ka yeelan hawlgalka Mali, kaas oo ah, hawlgalkii ugu khatarta badnaa ee Qaramada Midoobay hoggamiso, xattaa ka hor intii aanay ciidamada Faransiisku ka bixin dalka Mali.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in saddex askari oo kale oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalintu inay six un u dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daawaynayo cusbitaal ay leedahay Qaramada Midoobay.

Goobta miinadu kula kacday ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa illaa 10 KM u jirta magaalada Tessalit ee gobolka Kidal. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa gobolkan saamayn ku leh, iyaga oo walxaha qarxa dhulka ku aasa.

Madaxweyne Xasan sheekh oo Maamuus Sare ugu sameeyay Madaxtooyada Qaranka xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha

0

Muqdisho, Oktoobar 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey qarankeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto argagixisada Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankooda, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane C/llahi Sheikh Nuur ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey Koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka, waxa uuna uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka.

DHAMMAAD

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Komiishanka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Komiishanka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada Janez Lenarcic.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium-ka ahna xarunta Midowga Yurub ayaa looga hadlay kordhinta kaalmada looga jawaabayo gurmadka abaaraha, si loo baajiyo macluul markale Soomaaliya ka dhacda.

Ergeyga ayaa sidoo kale kala hadlay hirgelinta mashaariic lagu xasiliyo degaannada laga xoreeyo Kooxaha argagexisada ah oo hadda wajahaya kacdoon shacab iyo guluf dagaal oo xooggan durbana laga saaray degaanno badan oo istiraatiji ah.

Ergeygu wuxuu Midowga Yurub ka codsaday inuu Dowladda Soomaaliya ku garab istaago sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa halganka Dawladda iyo shacabka geesiyaasha ah isaga xoraynayaan argagexisada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa EU-da u sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursad, haddii lagu gacansiiyo maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, macdanta iyo shidaalka ay dabooli karto baahideeda iyo baahiyo badan oo maanta Afrika ka taagan.

“Argagexisadu waa cadawga ugu wayn ee maanta hortaagan amni, nabad iyo xasilooni dalkeenna ka hirgasha”. Ayuu yiri Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha isagoo Midowga Yurub ku boorriyay sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliya loogu garab siin lahaa ka xoroobidda argagexisada.

Ergeyga ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu adduunka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorriyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

 

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo Maanta  ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo Safar shaqo Baydhabo ujooga.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin Kale oo ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirada oo ku soo guuleysatay koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ku soodhaweeyey Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo kusoo guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Madaxweyne Puntland iyo masuuliyiin kale oo maanta Garoowe uga qaybgalayo Qalinjabinta Dufcadii 10aad ee jaamacadda Bariga Africa ee Garoowe

0

Garowe 17 OCT 2022: Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeybgalayaXafladda Qalinjabinta Dufcadii 10aad Ee Jamacadda Bariga Afrika Garowe.

Xafldda waxaa ka qayb galay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdilahi Dani,Labada Gole ee Dowladda,Maamulka Gobolka Nugaal,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal,Maamulka Jaamacada,Walidiin,Ardayda Qalin Jabinaysay iyo Marti Sharaf Kale.

Madaxwaynaha Puntland Mudane Siciid Cabdilahi Dani ayaa u hambalyeeyay ardayda qalin jabinaysay iyo walidiinti garabka tagnaa mudadii ay waxbarashada soo wadeen.