Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo Booqday Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Madaxweyne Cabdiqaasim uga warbixiyay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan ciribtirka kooxda Khawaariijta, isagoo sheegay in guulo badan la gaaray degaano badan na laga qabsaday argagixisada, dadaallada ay dowladu ugu jirto nabadeynta iyo horumarinta dalka iyo arrimaha dib u heshiisiinta qaranka gaar ahaan dib u heshiisiintii KGS oo uu guddoomiyaha gar wadeen ka ahaa Isla markaana lagu guuleystay.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee JFS Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa boggaadiyay horumarka iyo is bedelka dalka uu gaaray isagoo Alle uga baryay inuu dalkeenna nabad ka dhigo, waxaana uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay in la muujiyo midnimo iyo wadajir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...