Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo Booqday Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Madaxweyne Cabdiqaasim uga warbixiyay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan ciribtirka kooxda Khawaariijta, isagoo sheegay in guulo badan la gaaray degaano badan na laga qabsaday argagixisada, dadaallada ay dowladu ugu jirto nabadeynta iyo horumarinta dalka iyo arrimaha dib u heshiisiinta qaranka gaar ahaan dib u heshiisiintii KGS oo uu guddoomiyaha gar wadeen ka ahaa Isla markaana lagu guuleystay.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee JFS Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa boggaadiyay horumarka iyo is bedelka dalka uu gaaray isagoo Alle uga baryay inuu dalkeenna nabad ka dhigo, waxaana uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay in la muujiyo midnimo iyo wadajir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...