Home Blog Page 504

Ra’iisulwasaare Hamza Abdi Barre oo gaaray Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Itoobiya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo duqeeyay Caasimadda Ukraine

Ugu yaraan shan qarax ayaa laga maqlay caasimadda Ukriane ee Kyiv-xilli la taliyaha madaxweynaha dalkaas uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca “kamizake drones” isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

 

“Waxay muujineysaa arrintani sida ay xaaladda uga quusteen” ayuu yiri Andriy Yermak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine.

 

Duqa magaalada Vitalii Klitschko wuxuu sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha Kyiv ay qaraxyada buburiyeen.

 

Toddobaad ka hor ayay aheyd markiii caasimadda Ukraine uu Ruushka ku garaacay gantaallo taasoo qeyb ka aheyd weerarro kale oo lagu qaaday deegaanno ku yaalla Ukraine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

 

Vitalii Klitschko wuxuu intaa ku daray in qaraxyo laga maqlay degmada Shevchenkivskiy halkaas dhowr jeer la duqeeyay toddobaadkii lasoo dhaafay.

 

Duqa magaalada Kyiv wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka deg deg ah ay gaareen goobaha ay qaraxyada saameeyeen, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay tagaan goobaha gabbaadka ah ee la isaga ilaalinayo duqeymaha.

 

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak ayaa sheegay in Ukraine sida uga dhakhsiyaha badan ay u baahan tahay qalabka lidka diyaaradaha.

 

Weriye ku sugan Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in labo kamid ah diyaaradaha Drones-ka ay gantaallo ku garaaceen xarun shidaal halka mid kamid ah diyaaradahaas lasoo riday.

 

[DAAWO] RW Xamse oo ballan qaad u sameeyay Ciyaartoyda 17 jirada ee Muqdisho kusoo laabanaya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Ra’iisul Wasaare Hamse oo casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo shalay ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo shalay ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Kooxda oo cayaartii u dambeysay uga adkaatay kooxda South Sudan 3 iyo 1, ayaa waxaa berri ay koobka geyn doonaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Munaasabadda cashada ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda.

 

Guddigga Difaaca Golaha Shacabka BJFS oo war saxaafadeed ka soo saaray dagaalka ka socda dalka ee la gula jiro Kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab

Guddigga Difaaca Golaha Shacabka BJFS ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dagaalka ka socda dalka ee la gula jiro kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

0

Wasiirka Gashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray maagaalada Baydhabo ee Caasimada gobolka Baay.

Madaxweyne Qoor-qoor oo xarunta Madaxtooyda Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaarihii hore ee XFS, Maxamed Xuseen Rooble

0

Madaxwaynaha Dowladd gobaleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaarihii hore ee XFS, Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdigaan ballaaran ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyadoona wafdigan ay kamid yihiin madaxwaynihii hore ee Galmudug, mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiiro kamid ah XFS, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee BFS, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen madaxwaynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga sifeenayo argagixisada.

 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ku tegay dalka Turkiga.

0
Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ku tegay dalka Turkiga.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada oo shir uga furmay Muqdisho

0

Muqdisho, October, 16, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta furay shir labo maalin soconaya oo u dhaxeeya Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleeyada Dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kafaala qaaday xaalada caafimaad ee Dr Xabeeb oo maal mihii dambe ay lasoo daristay xanuun ka haleelay Madaxa

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xaruntiisa ku booqday Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) oo maalmahaan xanuun maskaxda ah la tacaalayay.