Home Blog Page 502

Madaxweyne Xasan oo Lakulmay Wasiirada Waxbarashada Maamulada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka go’antahah tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah.

 

Shacabka Kaaraan oo Qaaday Tilaabo Geesinimo Leh.

Labada dhagar qabe ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Amaanka ayaga iyo hubkii ay wateen, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan ayaa gacanta ku dhigay laba dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku dayay inay baxsadaan, ka dib markii ay dileen Askari ka tirsan Ciidanka amaank.

Dhagarqabayaashan ayaa falka ka geystay agagaarka Kaawada Kabasiini ee waaxda Nagayle, waxaana laga soo qabtay Waaxda Jamhuuriyo iyaga iyo hubkii ay wateen, waxaana la horgeyn doon Sharcigaaga.

Howlgal amni xaqiijin ah oo ka Socda Galkacyo.

Si loola socdo dhaq dhaqaaqyada Gaadiidka ka dhax shaqeeya Gudaha magaalada Galkacyo iyo kuwa soo gala isla markaana ujeedka looga gol leeyahay uu yahay adkeynta amniga iyo la socodka gaadiidka aan laheyn Aqoonsi sharci ah kuwa aan wadan dukimiintiyada ogalaanaya wada marista iyo canshuurta sadax bilood laha ee loogu talagalay in gaadiidku ay bixiyaan si waafaqsan xeerka wada marista ee wasaarada Gaadiidka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa Taliska Qeybta Gobalka mudug ee Ciidanka Nabad Galyada wadooyinka Booliisku waxa ay ka bilaabeen Howlgalo lagu adkeynayo la socodka dhaq dhaqaaqyada Gaadiidka iyo u hogaansamida shuruucda uga dagsan wasaarada Gaadiidka DG Galmudug arimaha la xariira sharciyada wada marista

Ciidamada Nabad Galyada wadooyinka Ayaa intii ay ku guda jiraan howlgalka waxaa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 100 gaari oo isugu jira kuwa dadweynuhu raacaan ee ka dhax shaqeeya gudaha magaalada Galkacyo iyo kuwa waaweyn ee xamuulka ee isaga kala gudba goballada dalka ee marinkoodu isku xirku uu yahay magaalada Galkacyo

Taliyaha Ciidanka Nabad Galyada wadooyinka Gobalka mudug ee Galmudug Xidigle Shariif Cali Xarbi oo aan la kulmay intii ay ciidamadu ku guda jireen howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dadaalada la xariira sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada maadaama loo baahan yahay in si dhow loola socda dhaq dhaqaaqyada gaadiidka ka dhax shaqeeya gudaha magaalada iyo kuwa safarka ah ee soo gala ama ka baxa waxaana intaas uu ku daray in dhamaan gaadiidka ay ciidamadu soo qabteen ay yihiun kuwa aan wadan Warqadaha Aqoonsiga sharciyadeed iyo Taarikada DG Galmudug iyo Tan Dowlada Fadaraalka Soomaaliya sidaa Darteedna la marsiinayo sharciga

Ugu Danbeyna xidigle Shariif Cali Xarbi ayaa ka codsaday milkilayaasha Gaadiidka iyo Darawalladu in ay u hogaansamaan sharciga isla markaana ay isku soo diwaan galiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan ciddii amarka Maamulka u hogaansami weysana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono

Safiirka JFS ee Uganda oo kulan la qaatay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dowladda Uganda.

0
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda u fadhiya Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa kulan kula qaatay magaalada Kampala ee dalka Uganda Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Oryem Henry Okello.

Safiirka iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood ay ka mid tahay xoojinta xariirka labada dal iyo sidii loo dardar galin lahaa fulinta hishiisyadii dhawaan kala saxiixdeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale safiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo hishiisyadii lagu balansanaa in dhawaan la saxiixo ee kala ahaa socdaalka, waxbarashada iyo caafimaadka

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale wasiiru-dowlaha kala hadlay caqabado maalmahan lasoo gudboonaaday muwaadiniinta Soomaalida ee Uganda ku nool oo taas oo la xariirtay dhanka hay’adda socdaalka dowladda Uganda

Labada dhinac ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii laga hadlay sidii wax looga qaban lahaa.

RW Xamse oo lagu soo Dhaweeyay Dhagaxbuur.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa masuuliyiinta, waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala hadlaya sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka kooxda argagixisada.

Alshabaab oo Saaka Laga xoreeyaya Deegano Cusub.

Ciidanka xoogga dalka ayaa si buuxda ula wareegay saaka tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo dhammaantood ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanadaan ayaa ahaa kuwa muhiim u ahaa Khawaarijta , waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay qorshe leesugu furayo degmooyinka Gobalkaan sidoo kalana Argagixisada looga ciribtirayo dalka oo dhan.

Shalay madaxweyna Hirshabeele oo Waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka Isagoo Ku Sugan Furimaha Dagaalka ayuu Ku Sheegay inay Bilaabayaan Howlgal Saf balaaran ah oo Argagixisada Looga Xoreynayo Dhulka ay kaga Sugan yihiin Maamulkaasi.

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir weynaha  Booliska Adduunka.

0

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qayb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Booliska Adduunka ee INTERPOL.

Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165 dalka ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar.

Shirka inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa ka hortagga denbiyada maaliyadeed ee caalamiga ah, wax kaqabashada burcadda Internet-ka, la dagaallanka argagixisada, ka hortagga denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan ka mid ah khataraha uu wajahayo guud ahaan amniga caalamku.

XFS oo soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda Ka taageera kooxda argagixisada ah Al Shabab

0

Muqdisho, 18 October 2022: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda argagixisada ah ee u ooman dhiigga shacabka ee Al Shabab.

[DAAWO] Madaxweyne Qoor-Qoor oo soo xiray kulan looga hadlayey dardar galinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo xiray kulan ballaaran ay iskugu yimaadeen siyaasiyiinta, culimada, dhaqanka iyo haweenka beelaha ka soo jeeda Galmudug, kaas oo maanta ka dhacay Aqalka madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamarreeb.

[Daawo]Madaxweynaha Hiirshabelle oo ka warbixiyey howlgalada ka socda Gobolka Shabeelada Dhexe

0

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle cali guudlaawe Hussein oo wareysi siiyey warbaahinta qaranka ayaa kawarbixiyey howlgalada ka socda Gobolka Shabeelada Dhexe.