Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday deegaanka Malleeyleey oo hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safar shaqo oo uu ku joogo dowlad-goboleedka Jubaland ayaa maanta booqday deegaanka Malleeyleey oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.

Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladaha nololeed ee bulshada deegaanka isaga oo halkaasi ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay wafdigiisa

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Af-madoow ee gobolka Jubada hoose taasi oo masaafo ahaan dhan 120 Kiilo mitir.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday ganacsatada, qurbajoogta iyo guud ahaan bulshada ree Jubaland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaan oo kaalin mug leh ka qaadandoonta fududeynta isku socodka ganacsiga iyo dadweynaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dowlad-goboleedka Jubaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...