Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame” Khawaarijtu qeyb ayay ka yihiin kororka abaarta ka jirta dalka,”

Date:

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay ka qeyb ka tahay kororka abaarta dalka jira.

Ergayga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu qaatay go’aanka ah inuu dalka ka qabto Kooxdan argagixisada.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Kooxda Khawaarijtta Al-shabaab ay dadka beeraleyda ah u diideen in ay beerahooda tacbadaan xilli ay dadkaasi wajahayaan xaalado abaar oo roob la’aan ay ku dhacday.

“ Dadkiinna in ay beerihii tacbadaan ayay u diideen, xoolihii in ay dhaqdaan ayay u diideen, nin masaakiin ah oo abaar hayso oo roob la’aan ku dhacday shan xillina roobkii uu ka baaqday ayaa waxay weydiinayaan baad ay ugu yeereen sakawaad, haddii ay bixin karina in ay ilmaha keenaan si ay  u dagaallamaan, Beerihii ma falan karaan lacago fara badan ayay kor saarayaan, run ahaantii qeyb ayay ka yihiin sababaha abaaraha ayagana,”.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” “ Aniga nin beeraley ah ayaa wuxuu igu yiri oo ceel beertiisa xitaa ugu dhex qodan yahay, “ Habeenkii ma daari kartiin ayay nagu dhaheen nalka beerta inoogu dhex yaalo ”, sababtoo ah nalka waxaa soo raacayo diyaaradaha Drones-ka ah, maalintii kaliya ayaa daari kartiin,”.

Kooxda Khawaarijta oo nolosha ku ciriiriyay dadka masaakiinta ah ayaa hortaagan nabadda iyo horumarka, taasina waxay keentay in abaarta culeyskeedii qayb ay ka noqdaan.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dib u xoreynta ayaa suurta geliyay in deegaanno iyo degmooyin badan laga xoreeyo Khawaarijta, kuwaas oo shacabka ku nool ay heleen nabad iyo horumar buuxa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...