Home Blog Page 499

Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) oo isbitaal ku yaal dalka Turkiga ku booqday xalay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu booqday xalay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrimo caafimaad u jooga Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga.

Ra’iisulwasaare Hamse oo qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan – hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan.

 

Gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna Duqa Muqdisho oo deeq lacageed gudoonsiiyay Dr. Xabeeb oo Muqdisho ku xanuunsanaya.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) oo maalmihii u danbeeyay xanuunsanaa isla markaana uu horey Guddoomiyaha u booqday.

Hawlgallo guulaystay oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah oo lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan  Alshabaab

0

Hawlgallo guulaystay oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera  ayaa  lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan  khawaarijta Alshabaab, waxaana lagu burburiyay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay.

 

Hawlgalladaan waxa ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21 argagixisada ka tirsan oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.

 

Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ah iyadoo lagu dhaawacay  in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.

 

Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm,   10:25pm,   10:43pm, 12:00am saq-dhexe,  waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow  dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas  oo farriisan weyn u ahayd argagixisada, waxaa goobta weerarka ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjooge  Muscab Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka iyo xaq u dirirka u taagan kacdoonka ka dhanka ah.

Weerarada xalay dhacay, midka Koowaad, waxaa lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay Biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan oo argagixisado lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu burburiyay Gaarigaas iyo Agabkii saarnaa.

Weerarka labaad ee isla xalay daqiiqado ka dib dhacay waxaa lagu beegsaday gaari kale oo Biijii ah oo saarnaayeen walxa qarxaha oo aad u xoogganaa, waxaana qaraxiisa laga maqlay deegaano fog fog, isaga  oo saameeyay in ka ka badan 1km dhul gaaraya, wuxuu baabi’iyay dhammaan maleeshiyadii ka ag dhowaa, waxaana  meydadkooda la aqoonsaday 9 kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogayaashooda halkaas ku sugnaa, iyadoo intooda badan la aqoonsan waayay maydadkooda maadaama ay aad u gubteen.

Weerarka afaraad waxaa lagu beegsaday maleeshiyaadkii ka firxaday weerarada hore ee ka dhacay Bur-coloow kuwaas oo iyaga oo is uruursanaya la baabi’iyay.

Dawladdu waxeey aaminsantahay in tirada dhimashada ee Khawaarijta ka soo gaaray hawlgaladaas uu kor u dhaafayo Boqol, waxayna wali uruursanayaan maydadkooda, iyagoo saaka oo kaliya geeyay deegaanka Al-kawthar oo u dhaw Aadan-yabaal maydadka 33 Maleeshiyo.

Hawlgalkaan waxaa suura galiyay xog dhameystiran oo ay haysay Hay’adda sirdoonka iyo Nabad-suggidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa saaxiibadeena caalamka oo aan uga mahadcelinayno taageeradooda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-shabaab, dhalinyarada ay qaldeen waxa ay dowladdu ugu baaqaysa in ay isi soo dhiibaan si naftooda ay uga badbaadsadaan hawlgalkan wadajirka ah.

Warbixintan waxaa qoray: Abdulkadir Isse

 

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo ka qeybgalay shir caalami ah oo looga hadlayey Abaaraha

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo maanta ka qeybgalay shirweynaha 1-aad ee tayodhowrka qaranka

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta  XFS  Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha 1-aad ee tayodhowrka qaranka.

(SAWIRO) Wasiirka Ciyaaraha XFS oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

0

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland oo Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu horkacayo xubno ka tirsan bahda Sports-ka Jubbaland iyo xiriirrada ciyaaraha kala duwan ee Jubbaland.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa Kismaayo u tegay si uu soo xiro tartanka degmooyinka Kismaayo oo todobaadyadii la soo dhaafay halkaas ka socday.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xoogga saaray in la dhiirri-geliyo ciyaaraha gobolllada iyo degmooyinka si ay mustaqbalka usoo baxaan xul qaran oo gobolllada dalka ka kala yimid.

[DAAWO] Qaar ka tirsan dadkii dhaawacyada culus ka so gaaray Qaraxii Hotel Xayaat oo la gaarsiiyey magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga

0
Qaar ka tirsan dadkii dhaawacyada culus ka so gaaray Qaraxii Hotel Xayaat ee dhawaan Argagixisada Al-shabaab weererka ku qaaday ayaa la gaarsiiyey magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga.

[DAAWO] Maxkamadda Ciidamada oo saaka toogasho ku fulisay laba Rag ah

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Shucayb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Cabdi Jabaar Cumar ayaa saaka ku fulisay xukunkii dilka toogashada ahaa oo ay horay ugu Xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Arrimaha Deegaanka Iyo Isbaddalka Cimmilada Ee Jabuuti.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta iyo nabaad guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.
“Soomaaliya, waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada, inagoo dhawaan daah furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”
Shirka oo ay ka qeyb galeen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wadamada gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray, xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.