Sacuudi Carabiya iyo Iran oo dib usoo celiyey xiriirka diblomaasi

Date:

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal, waxaa sidaas maanta shaaciyey warbaahinta labada dal

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.

“Kadib wada-hadallo, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo billaabo xiriirka diblomaasi, islamarkaana dib loo firo safaaradaha laba bil gudahood,” waxaa sidaas qortay wakalaadda wararka Iran ee IRNA, oo soo xiganeysa war-saxaafadeed wadajir ah.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo sidoo kale daabacday bayaanka, ayaa sheegtay in labada dal ay isku raaceen in dib loo dhaqan-geliyo heshiiskii iskaashiga amni ee la saxiixay 2001, iyo heshiiskii dhaqaale, ganacsi iyo maal-gashi ee 1998-kii.

Labada dal ayaa dhowrkii sano ee tegay wada-hadallo dhowr ah ku yeeshay dalalka Iraq iyo Oman.

Hase yeeshee, wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa ka dhacay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, ayada oo Shiinaha uu qeyb ka yahay war-saxaafadeedka wadajirka ah ee lagu shaaciiyey heshiiska maanta.

Ali Shamkhani, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa Isniintii ugu safray Beijing “wada-hadallo xooggan oo u Shiinaha kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga si ugu dambeyn loo xaliyo dhibaatooyiinka u dhaxeeya Tehran iyo Iran,” ayey tiri IRNA.

Sacuudiga Carabiya ayaa uga mahad-celisay Iraq iyo Oman inay marti-geliyeen wada-hadalladii labada dhinac ee 2021 iyo 2022.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale uga mahad-celisay hoggaamiyeyaasha Shiinaha inay mart-geliyeen oo ay taageereen wada-hadalladii lagu qabtay dalkaas.

AFP, REUTERS

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...