Home Blog Page 494

Khawaarijta oo Lagu Xasuuqay Hiiraan.

Waxaa Faahfaahin Dheeraad ah kasoo Baxaysaa Khasaaraha Khawaarijta Ku Gaaray Dagaalkii Gobolka Hiiraan ay kula galeen ciidanka Qaranka iyo dadka Deegaanka.

In kabadan 100 ka tirsan Khawaarijta Alshabaab ayaa lagu dilay dagaaladii ka dhacay Garas Magan iyo Ceel-Hareeri.

Afhayeenka Wasaaradda gaashandhiga jen.C/dullaahi Cali Caanood oo shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay.

Wasiirka Gaadhaandhigga XFS ayaa Dhankiisa Xaqiijiyay Jabka Gaaray Khawaarijta wuxuuna Sheegay Inay Sii wadi Doonaan Xoreynta Deegaanada.

Sawiro laga Helay Deegaanadii Lagala wareegay Argagixisada ayaa lagu soon bandhigay Maydadka Tiro badan badan oo Shabaabka looga Dilay Halkaasi.

Waxaa kale oo Ciidamadu Furteen Hub iyo Sanaad kale oo aad u faraha Badan taasi oo ka Marqaati Ka caysa Khasaaraha Khawaarijta.

Hub laga furtay AS.

{

Khawaarijta oo Qarax la Beegsatay Gaari Arday Siday.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey Qarax Kooxda Khawaariijta ah ee arxanka Daran la beegsadeen gaari ay saarnaayeen Arday.

Kooxda Khawaariijta ah ee arxanka Daran ee caadaysatay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ayaa qarax miino la eegtay gaari ay saarnaayeen Arday,kaas oo marayay Wadada Schoolka Gutaale ee Degmadda Deyniile, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qasaaraha ka dhashay Qaraxan bahalnimada ee khawaariijtu geysatay ayaa ah Dhimashada laba Arday iyo Dhaawaca 5 Arday oo kale.

Jabuuti oo Daawo & Dhaqaatiir keentay Xamar..

Dowladda Aanu Walaalaha Nahay Ee Jabuuti oo ka Jawaabaya Baaqii Madaxweynaha Qaranka ayaa Maanta Dalka Keenay Dhaqaatiir iyo Nuucyo Daawo ah oo ay ugu talagaleen Gurmadka Dhaawacyadii Lagu Gummaaday Zoobe2 29kii Bishii Tagtay.

Dhaqaatiirka Hiil walaal ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Kusoo Dhaweeyay Masuuliyiin ka Tirsan Dowlada Dhexe iyagoona kaga Mahad celiyay Doorkooda Gurmadka walaalnimo Xilli siweyn loogu Baahnaa Doorkaas.

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys “Waxaan maanta Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay dhakhaatiir iyo deeq daawo ah oo inooga yimid dalka aanu jaarka iyo wallaalaha nahay ee Jamhuriyadda Djibouti .

Wafdiga waxaa horkacayay Wasiirka Waxbarashada ahna Sii- Hayaha Xilka Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyadda Djibouti Mudane Mustafa Maxamed Maxamuud. Xubnaha Guddiga Gurmadka Qaraxii 29 October ee uu magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaana soo dhoweeyay wafdiga”.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Jubaland.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyay xaaladaha guud ee deegaanada Jubaland, gaar ahaan amniga deeganada maamulkaasi gaar ahaan dadkii Ku waxyeeloobay weerarkii argagixinimo Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dadka ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyn kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay ka go’naanshaha Jubaland ee ku aadan la dagaalanka kooxda khawaarijta ee Al-Shabaab iyo sidii loo cirib tiri lahaa.

Masuuliyiinta wasaarada gashaandhiga oo kulan duco iyo baroor diiq ah la qaatay shaqalaaha wasaarada gaashanadhiga.

0

Masuuliyiinta wasaarada gashaandhiga ayaa kulan duco iyo baroor diiq ah la qaatay shaqalaaha wasaarada gaashanadhiga.

DAAWO: Madaxweynaha Xasan “Dagaalka ay ku jirto Dowladda waxa uu u baahan yahay Awood”.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dagaalka ay ku jiraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, waxa uu u baahan yahay awood lagu xaqiijiyo hiigsaga aan uga golleenahay, hiigsigaas oo ah xaqiijinta Soomaaliya oo aan argagixiso joogin, xasillooni, amni ah, heshiis ah, dunidana heshiis la ah, doorkeedii firfircoonaa ee soojireenka ahna ku leh heer Carbeed, gobol iyo caalamba.”

afar ka mid ah dadkii Zoobe ku dhaawacmay oo loo qaaday turkiga.

Wasiirka caafimaafka Xukuumada soomaaliya DR Ali Haji Adam ayaa Galabta Garoonka aadan cadde ka sagootiyay 4 ka mid ah Dadkii dhaawacyada Culus kasoo gaareen weerarkii bahalnimo ee Khawaarijtu ka geesatay 29-Octobar isgoyska Zoobe.

Wasiirka ayaa sheegay In Gurmadka walaalaha Turkiga Uu ku Yimid Kajawaabidda Codsigii Madaxweynaha Qaranka eek u aadanaa in saaxiibada soomaaliya ay qayb ka qaataan caawinta dadka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Gumaadka Khawaarijta oo dagaal adag ay kula Jirto Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed.

Wasiir cali ayaa sidoo kole sheegay in dhawaan dalka aay soo gaarayaan dhakhaatiir ka socota dalka itoobiya si ay qayb kaga Noqdaan baxnaaninta dadkii qaraxyada ku dhaawacmay,

sidoo koleWasiirka ayaa   Dowlada Turkiga Oga mmahadceliyay Gurmadka walaalnimo iyo u dhaga Nuglaanshaha Dhibaatadii gaartay dadka soomaaliyeed.

Waxaa uu wasiirku sidoo kole u Mahad celiyay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed eek a howl gala Gudaha Dalka kuwaasi oo uu sheegay inay naftooda u Horeen badbaadinta dadkiii waxyeeladu kazoo gaartay Qaraxii Zoobe2.

Madaxweyne Xasan oo 2qodob oo Muhiim ah kala Hadlay Xoghayaha QM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna xusay In cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kulan Mira Dhal Ah La Qaatay Dhiggiisa Dalka Suudaan

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kulan Mira Dhal Ah La Qaatay Dhiggiisa Dalka Suudaan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Wadanka Suudaan ayaa lakulmay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Suudaan ee aan walaalaha nahay Sareeyo Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo labada dal ee Walaalaha ah iyo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dhiggiisa Dalka Suudaan iyo Taliyeyaasha kale ee ciidamada qalabka sida ee Dalkaas sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen Wafdigiisa.

 

(SAWIRO) Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka arggagixisadu ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo shacabka oo wadajira ay ka xaqiijiyeen dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas sheekh Cabdulqaadir iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallim Maxamed.