100 ruux oo ku dhintay duufaan mar kale ku dhuftay dalalka Malawi iyo Mozambique

Date:

In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay dalalka Malawi iyo Mozambique ka dib markii duufaanta Freddy oo wadata dabeylo xooggan iyo roobab mahiigaan ah ay dib ugu laabteen dhul weynaha Koonfurta Afrika.

134 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay 16 kalena waa la laโ€™yahay. Caasimada ganacsiga Malawi ee Blantyre ayaa diiwaangelisay 85 dhimasho ah.

Dalka dariska la ah Mozambique, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 14 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Machadka Qaranka Mozambique ee Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in duufaanta ku soo noqotay ย dalka ay ka sii xun tahay tii hore.

Duufaanta Freddy ayaa markii labaad ku soo laabatay dalalkaasi,kadib kolkii dabayaaqadii bishii Febraayo ay ku habsatay dalalkaasi,waxaan suurtagal ah in tiradu dhimashada ay kor u kacdo,sida uu ka dhawaajiyay Charles Kalemba oo ah madaxa Waaxda Maareynta Masiibooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...