[DAAWO] Dowladda Soomaaliyeed oo ku dhawaaqday in si guud loo Cuuryaamiyay hanaankii Maaliyadeed ee Khawaarijta.

Date:

Dagaalka ay iclaamisay Dawladda  Federaalka Soomaaliya bartamihii sannadkii la soo dhaafey, ayaa waxaa uu ka koobnaa saddex weji oo loogu talagaley in dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta.

Mid ka mid ah saddexda aag ee dowladdu ay ka beegsanayso Khawaarijtu, waa dhaqaalaha, kaas oo ah isha ugu wayn ee Khawaarijtu u isticmaasho socodsiinta dembiyada ay ka galayaan Qaranka Soomaaliyeed, deriska iyo dunida inteeda kale.

Maanta, waxa ay mar kale dowladdu la wadaageysaa shacabka Soomaaliyeed halka uu marayo dagaalka dhaqaale ee ay kula jirtay Khawaarijta tan iyo markii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku dhawaaqay dagaalkaan bartamihii sannadkii hore.

Ka dib dagaal adag oo dowladdu ay Khawaarijta uga qaaaday dhammaan Ilihii uu dhaqaaluhu uga soo xaroon jiray, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno maanta in aan joojinay kala bar dhaqaalihii ay heli jireen Khawaarijtu. Sidoo kalena hawlgab laga dhigay nidaamkii maaliyadeed ee Khawaarijta ee isku xirnaa ka dib markii ay dowladdu qaadday tallaabooyinkaan:

1-Waxaa la joojiyay hanaankii Khawaarijtu ay lacagaha ku dhex marsiin jirtay nidaamka maaliyadeed ee dalka, sida bangiyada iyo xawaaladaha.

2-  Waxaa la xayiray xisaabaadkii bangiyada iyo teleefonadii Khawaarijtu ku uruursan jirtay dhaqaalaha kuwaas oo lagu xanibay malaayiin dollar.

3-Waxaa la joojiyay baaddi Khawaarijta ee badeecadaha ka soo dega dekadaha iyo garoomada diyaaradaha.

4- Waxaa la joojiyay nidaamkii ay Khawaarijtu ku baadi jirtay dadka wax kala iibsada iyo awooddii ay u lahaayeen in ay helaan xogta wax kala iibsiga.

5- Waxaa la burburiyay goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdisho ee ay ku qaadan jireen lacagaha baadda ah.

6- Waxaa Khawaarijta laga qabsaday magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaali jireen uruurinta xoolaha ay ka dhacaan dadka, sida Masaajid Cali Guduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale.

7- Waxaa la qaarajiyay 20 ka mid ah horjoogayaasha qaabilsanaa uruurinta dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta, waxaa sidoo kale cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 ka tirsan maleeshiyaadka sida gaarka ah ilaalada uga ahaa baadda Khawaarijtu ka qaataan shacabka Soomaaliyeed iyo 15 Gaari oo ah kuwa ay ku uruurin jireen baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaarkoodna la burburiyay.

Natiijada ka dhalatay tilaabooyinka kor xusan, ayaa  in  inka badan 50 % hoos u dhacay dakhliga Khawaarijtu, in uu si guud u kala daatay nidaamkoodii maaliyadeed oo keentay in iyaga dhexdoodu ay kala xadaan intii usoo hartay, iyo ugu danbayn in dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay Khawaarijtu bixin wayso lacagihii ay siin jirtay maleeshiyaadkooda iyo kharashaadkii guud ee dhaqdhaqaaqooda oo gaabis wayn uu ku yimid.

Inkasta oo ay jiraan guulahaan, hadana dowladdu waxa ay la socotaa in ay wali jiraan qaabab ay Khawaarijtu ku baadayso muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaad weli ku lug leh kala gudbin iyo uruurin baadda Khawaarijta kuwaas oo lagu raad joogo.

Hadaba, Dowladda Soomaaliyeed, waxa ay la wadaagaysaa shacabka Soomaaliyeed in dagaalka dhaqaale ee ay kula jirto Khawaarijta la sii labanlaabayo ilaa la xaqiijiyo in aanay Khawaarijtu hal shilin ka helin dalka Soomaaliya, sidaas awgeed, dowladdu waxa ay ku raad-joogtaa goobaha iyo ilaha ay Khawaarijtu wali ka hesho ama ku keydsato Dhaqaalaha kuwaa oo ah gudaha iyo dibadda intaba.

Waxaan markale waydiisanaynaa shacabkeenna sharafta leh in ay ka feejignaadaan nooc kasta oo la macaamil dhaqaale ah ee lala yeesho Khawaarijta, waana in ay ogaadaan in kor loo qaaday heerka dabagalka ilaha dhaqaale ee Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya, waxa ay si wayn ugu mahadcelinaysaa ganacsatada Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan in loo hoggansamo nidaamka hufnaanta maaliyadeed iyo ka feejignaanta dhaqaale ee Khawaarijta, waxaan sidoo kale shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinaynaa doorkeeda, si gaar ah waxaa bogaadin iyo hambalyo u mudan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaystay guulaha laga gaaray dagaalka dhaqaale ee lagu la jiro Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...