Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Ivica Dačić.
Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Ivica Dačić.
Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates, oo ku socotay New York ayada oo ay saaran yihiin ku dhowaad 250 qof, ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) oo maalmahaan safaro shaqo ku joogay dalka Masar ayaa shirar-doceedyo muhiim ah magaalada Sharm-el-Sheikh kula qaadanaya madax kale duwan oo kasoo qayb gashay shirkii Cimillada Aduunka.
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo kuwa deegaanka, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Khawaarijta Alshabaab.
Gen Caanood wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari, hadana ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Khawaarijta ee weeararka ku soo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.
Howlhalada ciidamada isgarabsnayaa ka bilaabeen aagaasi ayaa qayb ka ah safafka balaaran ee ciidamada deegaanka iyo kuwa xoogga dalka ay ku doonayaan in khawaarijta looga dul qaado dadka Shacabka ah ee ay gumeysiga ku geysteen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafey
Saciid Cali shire gudoomiyaha deegaanka Ceeldheere oo hoggaan uu ah Shacabka is abaabuley ee garab jooga ciidamada ayaa sheegey in ay kujirayaan halganka inta laga guuleysanayo nabad diidka duurka kujira.
Abdullah abdirixman raage oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka Dhuusamareeb iyo xildhibaan Mursal xeefoow oo kamid ah gollaha baarlamaanka Galmudug oo aagaga howgaladu ka socdaan kusoo boqoday ciidankan ayaa ku biirey shaqada ay durbaba ka qabteen meelaha ay isku fidiyeen.
G/le Xirsi Cali Quuri, taliye kuxigeenka guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ayaa ugu dambeyn ka waramey sida ciidamadu uu fahansan yihiin dhagarta cadawga naflacaariga ah, oo ay uga soo aruurtey in ay wajiga ka dadbaa ciidamada weerarka ku ah balse ay isku soo xiraan qaraxyo ujeedkoodu yahay in Shacabka lagu baaba’sho.
Howlgalada ka socda Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafey lagu doo gacan galiyey deegaano muhiim ah sida wabxo waxaana sidoo kale ciidamadu ay kaabiga ku hayaan fariisimo Argagaxisadu joogto sida xiindheere oo ay dul fadhiyaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka ee ka dhaqaaqey qaayib.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo ku xigeenka Ergada joogtada ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane Cabdirahiim Cismaan Cilmi ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda warbaahinta Carbeed ee ka soo qayb gashay shirka, sida Madaxda Warbaahinta Kuwait, Suudaan, Jabuuti, Sacuudiga, Madaxa Idaacadaha iyo telefashinada Wadamada Islaamka iyo Shirkadaha Arabsat iyo Es’haisat oo fadhigiisu yahay dalka Qatar.
Shirkaan ayaa Soomaaliya waxay ku soo bandhigtay doorka Warbaahinta ay ku leedahay isbadalada jira iyo kaalinta Warbaahinta Qaranka iyo Hobalada fanka ee nabad dhiska dalkeena.
Fanaanada Aamina Cabdulle Macow oo ka mid ah fanaaniinta Hobalada Qaranka ee Waabari ayaa ka mid noqotay fanaaniinta carbeed ee sanadkaan loo xushay in lagu abaal mariyo doorkooda faneed.
Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:
1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:
Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.
2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.
Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,
Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:
1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud
2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin
3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,
4. Adam Xuseen Rooble, Xubin
5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin
6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin
7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin
8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin
9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein, iyo wefti uu hoggaaminaayey, ayaa magaalada Niamey ee dalka Niger kaga qeyb-galay shirka Wasiirada Wasaaradaha Warshadaha iyo Dhaqaalaha ee dalalka Afrika kaas oo uu soo qaban-qaabiyey Midowga Afrika looga na hadlaayey horumarinta iyo sare u qaadidda Warshadeynta Qaaradda iyo weli ba kor u qaadista hal-abuurka.
Wasiirka, ayaa muddadii uu shirku socday, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha dalka Niger Mudane Ouhoumoudou Mahamadou iyo weli ba sidoo kale, Wasiirka Warshadaha iyo dhallinyarada Salamatou Gourouza ee dalkaas.