Home Blog Page 489

Waxqabadka dowlada Federaalka Soomaaliya

0

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal taariikhi ah ku tegay magaalada Aadan Yabaal oo ka mid ah degaannada laga xoreeyay Al Shabab.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in degaannada laga xoreeyay Khawaarijta ay dowladdu gaarsiin doonto adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka.

3- Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u howl-geliyay isbitaalka degmada Aadan-yabaal kadib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa laamaha amniga ee qaranka iyo kuwa Gobolka Banaadir kala hadley sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo au hirgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

7- Turkiga oo gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

9- Xafiiska La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo qabtey shir sannadeedka maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo diiradda lagu saarey qorshaha qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

10- Golaha Wasiirada oo la horgeeyay warbixin iyo talooyin 18 qodob ka kooban wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajajta.

11- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo Jubbada Hoose ku dilay dhowr ka tirsan Khawaarijta, gacantana ku dhigay horjooge ka tirsanaa argagixisada.

12- Horjooge Dhuurre Yuusuf Garow (Hilal) oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Baydhabo.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shaaciyay bilowga barnaamij loogu magac darey “xoriyad ku afur” oo laga fulinayo degaannada laga xoreeyay argagixisada Al Shabab.

14- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal lagula dirirayo mukhaadaraadka.

15- Dowlad Goboleedka Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 10 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa oo maxkamad ay ku heshay inay ka dambeeyeen dilka dad shacab ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

16- Soomaaliya oo saxiixday sharciga la dagaalanka kaluumaysiga sharci darrada ah.

17- Shirka daah-furka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay mogdisho

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo dalka ka hirgaliyey lambar-xisaabeedka bankiyada ee caalamiga (IBAN)

0
  1. BANKIGA DHEXE EE SOOMAALIYA OO DALKA KA HIRGELIYEY LAMBAR-XISAABEEDKA BANGIYADA EE CAALAMIGA AH (IBAN).

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo qaabilay taliyaha Boliiska ATMIS {SAWIRRO}

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Ahmed Firin, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Boliiska Midow Africa ee ATMIS-POLICE. CP. Hillary Sao Kanu iyo Sarkiil ay hoggaaminaysay.

Ujeedka ayaa ahaa, dardargelinta howlaha wadashaqeynta Boliiska Atmis iyo kan Dalka iyo sidii ay qeyb buuxda uga qaadan lahaayeen howlaha sugista Amniga iyo la shaqeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Madaxa howlgalka ATMIS {SAWIRRO}

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Souef Mohamed El-Amine, iyaga oo kawada hadlay dardargalinta taageerada Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya. {Sawirro}

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb Mukhtaar Maxamed Waare.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoona ka gudoomay dhambaal saalaan ah uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoona xusay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Khawaarijta Al Shabaab.

Axmed Nuur=”Hooyaday hortayda ayey ku dileen Khawaariijtu”

Kooxda khawaariijta ee caadaysatay dilka iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa markasta shacabka Soomaaliyeed kula kaca falal ka baxsan dhaqanka islaamka oo bahalnimo ah kooxdan oo gabalkoodu dhacay ayaa markasta si budhcadnimo ah u geysta falal ay is leeyihiin waad ku cabsi gelin kartaan shacabka Soomaaliyeed.

Deegaanada kooxdani falalka bahalnimo ka geystay waxa ka mid ah deegaanka Daaru-niciim oo ka tirsan degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe,weerar fulaynimo ah oo dhowaan kooxdani kusoo qaaday deegaankan ayey ku dileen hooyo Xaawa Maxamuud Calasow oo ka mid ahayd dadka deegaanka.

Warbaahinta qaranka oo booqatay deegaanka daaru-niciim ayaa la kulantay Axmed Nuur Cabdillaahi oo ah 13 jir kooxda khawaariijtu si arxan daran ugu hor dileen hooyadiis Xaawa.

Axmed oo warbaahinta qaranka uga waramay dhacdadii naxariis daradda ahayd ee lagu dilay hooyadii oo uu goob joog ka ahaa ayaa yiri” lugta ayey xabad uga dhufteen ka dib garabka ayaan soo qabtay aqalka ayaan soo galay,ka dib dhiigii ayey soo daba raaceen albaabka ayey nagu soo garaaceen waan ka furi waynay xoog ayaanay kusoo jabiyeen guddaha aqalka markii soo galeen hooyo ayey madaxa shan xabo uga dhufteen” hooyo Xaawa waxay mudo dheer deganad deegaanka.

Sida ay ogaatay warbaahinta qaranku hooyo Xaawa waxa dilay xubno ehelkeeda ahaa oo ka tirsanaa kooxaha khawaariijta sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Cabdi Taakow oo ah hoggaamiyaha Ciidanka deegaanka “wax aan naqaanaa kuwa soo weeraray iyo kuwa horjoogayaasha u ahaa oo deegaankaan u dhashay,waxa ka mid ahaa ninkii nabaddoonka deegaanka sheeganayey oo lagu magacaabo Cali Joodax, waxa ka mid ahaa ninkii ay Ruun-nirgood u magacaabeen ee la dhaho Daahir,waxa ka mid ahaa ninkii ugu magacownaa Khawaariijta Ceel-bacad oo halkan ku dhintay.”ayuu yiri Cabdillaahi.

Kooxda khawaariijta ayaa caadaysatay gaadmada iyo in ay ku kacdo falal bahalnimo oo ay uga gol leedahay cabsi gelinta shacabka Soomaaliyeed taas oo ay markasta kala kulmaan guul darro joogto ah,deegaanka Daaru-niciim oo kooxda khawaariijtu dhowaan soo weerartay ayey kala kulmeen jab xooggan ka dib markii ay weerar xooggan ku qaadeen Ciidanka Xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deegaanada.

Soomaaliya oo Saxiixday Sharciga ladagaalanka Kalluumaysiga Sharci darrada ah.

Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aadan oo intii u dhaxeysay 22 ilaa 24 Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Copenhagen Dalka Denmark uga qeybgalaya shirka Blue Justice Conference 2023 ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee Copenhagen kaas oo kamid ah dedaallada looga hortagayo dambiyada badaha oo ugu horreeyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiir Axmed Xassan ayaa intii uu ku sugnaa Copenhagen waxa uu kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo. Anne Beathe Tvinnereim iyada oo ballan qaaday inay Soomaliya kala shaqayn doonto sida loo horumarin lahaa dhqaalaha kallumeysiga iyo tayeynta shaqaalaha iyo kallumeysiga.

 

Waxa uu la wadaagay dib u habaynta uu wasaaradda Kallumaysiga ku sameeyay, shuruucda la dhaqan geliyay iyo sida ay Soomaaliya aanay u doonayn gargaar ee ay diyaar u tahay maalgashi dhanka kalluumeysiga ah lala yeesho, Norwayna ay tahay waddamada sida sida weyn ugu horumaray dhankaas..

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 5-aad ee wareegga koowaad  ku tartamay Degmooyinka Wadajir iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Wadajir iyo Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Wadajir

Tartameyaasha Degmada Wadajir ee Gobolka  Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen Shan  su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay  heleen tartameyaasha Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Wadajir ay heleen waxay noqotay Afar (4)  dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey  ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay  todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideesteen Labo su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Wadajir,  sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay  Afar iyo Toban (14) dhibcood, taasi oo noqoneysa dhibcihii ugu badnaa ee ay degmo ku badiso inta uu tartanka furmay.

Hadaba kulankii 5-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareeyy ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd  30$ ka jawaabay  Cabdullaahi Cabdiwahaab Cabdullaahi oo jooga degmada Warta-Nabadda, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 6-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Hodan iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS oo hambalyo u diray xulka kubadda cagta Gubadley.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Jaamac ayaa ka qayb galay munaasibad casho sharaf  oo lagu dhiirri galinaayay xulka kubadda cagta ee Deegaanka Gubadley.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane, Saalax Jaamac ayaa ugu hambalyeeyay kooxda kubadda cagta Gubadley oo ku guuleystay tartanka Ciyaaraha Degmooyinka oo dhawaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Mudane, Saalax Jaamac ayaa dhallinyarada ugu baaqay in ay gacanna ku hayaan wax barasho iyo sare u qaadidda arrimaha bulshada, gacanna ay ugu hiilliyaan dowladnimada Soomaaliya, isagoo hambalyo u diray xulka kubadda cagta ee deegaanka Gubadley.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗗𝗵𝗶𝗶𝗿𝗿𝗶-𝗴𝗲𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗴𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘅-𝘀𝗼𝗼𝘀𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyaan dalka burburkii kaddib.