Home Blog Page 482

Mudaaharaadyo loogga soo horjeedo baabi’inta Liyu Police-ka oo ka dhacay Itoobiya

0

Mudaaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo dawladda Itoobiya, ayaa weli ka socda gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, taas oo ay ka dhalatay tallaabo ay dawladda federaalku ku doonaysay in ay ku kala dirto ciidamada gaarka ah ee Amxaarada ee (ASF).

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo bogaadiyay Howlagallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Caasimadda

0

Wasiirka Arrimaha Gudah Fedaraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo Bogaadiyay Howlgallada Wax ku-oolka ah ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Hay’adda Boqor Salmaan oo 800 Qoys Gargaar ugu qeybiyey Degmada Cabdicasiis

0

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee boqor salaam ayaa maanta 800 Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degmada Abdicasiis Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo booqday safaarada dowlada Sacuudiga ee Muqdisho

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa boqday Safaarada Dowlada  Sacuudiga ee Muqdisho, waxaa taliyaha xarunta Safarada ku soo dhaweeyay Safiirka Dowlada Sacuudiga u fadhiya Muqdisho, Mudane. Danjire. Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha

0

Muqdisho 10, Abriil 2023– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Hay’adda Maareynta oo Qoysas danyar ah dhawaana uu saameeyey daadad xoog leh oo Magaalada Xudur ku soo Rogmaday Gaarsiisay deeq Mucaawino ah.

0

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Ayaa Maanta Qoysas danyar ah dhawaana uu saameeyey daadad xoog leh oo Magaalada Xudur ku soo Rogmaday waxa ay Gaarsiisay deeq Mucaawino ah.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin oo xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia)

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle

0

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal uu madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen u magacaabay xilkaasi.

Diirada: Khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo si rasmi ah uga dhacay deegaanka Bidda-Ciise oo aad ugu dhow degmada Ceeldheer ayaa wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan inuu sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku geeriyooday dagaalkaas.

Inkastoo, argagixisadu deegaankaas isgaarsiintu ka xanibeen, dadkana dhaq-dhaqaaqa ay u diideen si aan xogta khasaaraha dagaalka loo helin, haddana warar lagu kalsoonaan karo oo aan deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in khasaaraha maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhintay dagaalkaas ay gaarayaan labaatameeyo ruux halka dhaawacuna gaarayo afartameeyo.

Dagaalka oo markiisii hore ka bilowday in la dhammeystiro maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo iyaga oo dhaawac ah yaalay deegaankaas Bidda-ciise laguna dabiibayay markii kooxda ay aragtay in cadaadis xooggan soo fuulay ay go’aansadeen in dhaawacyada waqti ku lumin, horjoogayaalna ay soo jeediyeen in dhaawacyada la dhammeystiro si looga gudbo, maaddaama kooxdu uu ku furan yahay dagaallo jihooyin kala duwan ah,islamarkaana hadda uu ku bilowday wejigii labaad ee howlgallada Dalka guud ahaanba looga sifeynayo.

Horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda oo dhalasho iyo hayb ahaan ay aad isugu dhow-yihiin dhallinyarada dhaawacyada ah ee yaallo deegaankaas ayaa arrintaas ka biyo diiday iyagoona ka dagaallamay, taas oo keentay gacan ka hadal socday muddo ka badan 24-saac, Al-shabaab uu dhexmaro.

Dagaalka Bidda-Ciise ka dhacay, ku dhowaad 24-saac ay ku dagaallameen maleeshiyaad labada dhinac ah oo horjoogayaal ay kala hoggaaminayaan, ilaa shan horjooge ayaa la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku nafwaayeen iyagoo dhexdooda iska dilay halka maleeshiyaadka dagaalka ku dhintayna hadda labaatan ay kor u dhaafeen.

Xaaladda deegaanka Bidda-Ciise oo dagaalku uu ka dhacay oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa hadda la soo sheegayaa in ay wali cakiran tahay oo maleeshiyaad Shabaab ah labada dhinac gurmadyo isaga kala yimaadeen,iyadoo hadda wararku ay xaqiijinayaan in dhinacyada halkaas ku dagaallamay qaarkood ay u suurta gashay in maleeshiyaadkii dhaawaca ahaa in la dhammeystiro marka hore dirirtu ay ka bilaabatay la dhammeystiro.

Dhowaan ayay ahayd, markii sidan oo kale, dagaallo ugu dhexmareen isla maleeshiyaad Khawaarijta ka wada tirsan deegaanno hoostaga degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug. Dagaalkan hadda ka dhacay deegaanka Bidda-Ciise ayaa ku soo beegmaya xilli kooxdan jiritaankooda ay maalmo uun ka harsan tahay oo ay ku jiraan xilliyadii ugu dambeeyay dhammaadkooda.

Muqdisho-Somalia