Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.
“Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyey iyo sida ay uga go’an tahay in la soo afjaro halista khawaariijta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb-galay Madashan ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo Labada Madaxweyne ay shahaado sharaf ka guddoomeen Machadka Heritage, taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka qayb-galay shir ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta Qaahira ee dalka Masar, kaasoo looga hadlayay Abaaraha, badqabka cuntada iyo u adkaysiga is-beddelka cimilada.
Ergeyga oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dadaalkii Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hormuudka u ahaa, deeqihii ka yimid dalalka deeq-bixiyayaasha ah iyo ka go’naanshihii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hor-tegey macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo sanadkan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sidoo kale xusay in weli ay halistii taagan tahay, maadaama xilli roobaadkii 5-aad uu ka hooseeyo heerkii la rabay, sanadka soo socdanna aan la hubin gargaarka ka imaanaya dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna Dowladaha iyo hay’adaha shirka ka qeyb galay ku boorriyay in ay gurmadka qeyb ka noqdaan.
Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wax ka badan gargaar degdeg ah, taasoo ah in garab lagu siiyo sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadka dalka, sida in la helo maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada si looga maarmo ku tiirsanaanta gaargaarka iyo gurmadka bani’aadannimada.
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha oo qaybaha muhiimka ah ee shirka guddoominayey ayaa Dawladaha Carabta ugu baaqay in ay garab istaagaan Dawladda Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, awoodna ugu yeelato in ay dadkeeda gagaar iyo gurmad la gaarto, una fuliso mashaariic horumarineed oo dadka wax tar u ah.
Waxaa Ergeyga shirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Hay’aada Maareynta Musiibooyinka – SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan iyo saraakiil kale oo ka socday SoDma iyo Wasaaradda Biyaha iyo Tamarata XFS.
Kulanka ayaa looga wada hadlay adkaynta xiriirka wadashaqayn ee Aqalka Sare iyo Golayaasha Xeer-dejinta Maamul dowlad Goboleedyada iyo in Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkisa dastuuriga ah uu la fududeeyo golayaasha waxyabaaha muhiimka u ah shaqooyinkooda ee uga xiran Dowladda Faderaalka.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku booriyay Guddoomiyayaasha in ay dardar geliyaan waajibaadka iyo howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka ku nool Maamulada ay matalaan oo ka sugaya dejinta Xeerar iyo sharciyo xoojinaya Dowladnimada.