Gudoomiye sheekh aadan madoobe oo hambalyo u direy ciidanka xooga dalka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka oo u dabbaal dagaya sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay 12-ka April 1960-kii.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa farxada munaasabadan qiimaha badan ee aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed la qeybsaday saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda iyo caruurtooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku tilmaamay in ay yihiin astaan Ka turjumeysa jiritaanka Dowladnimo ee dalka, isagoona xusay inay u taagan yihiin difaaca dalka iyo guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana uu sheegay in ay ku suntanyihiin ilaalinta wadajirka iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed, iyagoo naftooda u hibeeyay si ay dalkooda uga xoreeyaan cadawga Khawaarijta.

Guddoomiyaha oo gunaanadka dhambaalka hambalyada CXD ku boggaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo sida ay u wiiqeen cadoowga argagixisada ah ee baneystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed, ayaa u rajeeyey guulo joogto ah, isagoona ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan dadaalka difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...