Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

Date:

Muqdisho, Abriil 11, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo booqasho taariikhi ah ku yimi dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Dhankiisa, Xogahaye António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka

Soomaalidii hore ee ku nooleed qurbaha waxay diirada saari...

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...