Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo u direy ciidanka xooga dalka.   

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay ku dhibaateynayeen shacabka.

“Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Khawaarijta”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ay barbar socotay qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay cadowga Khawaarijta ah uga dulqaadi lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...