Home Blog Page 478

Ra’iisul wasaare Xamse “Waxaan billaabayna Kacdoon ka dhan ah Musuq-maasuqa”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Mudane Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna abuuro dabaqado kala sarreeya

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la dagaallanka Musuqa.

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka weyn Musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta, sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Khawaarinta ku xijin doonto Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.

nabadoon ka Tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciimada Dowladda

 Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Khawaarijta Al-shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil ciidan iyo agaasimaha waaxda canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Muxudiin Xasan Juris ayaa goobjoog ahaa goobta lagu soo bandhigay Saciid Xuseen Raage.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomay qorshe howleedka sanadka 2023 ee Wasaaradda Haweenka

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta waxa uu ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadija Mohamed Diriye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Xasan Xuseen Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Axmed Madoobe Nuunow.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saddexda Wasiir iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaha inay xoogga saaraan isla xisaabtan & daahfurnaan iyo qaabkii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyinka wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka Xukuumadda.

Soo gudbinta qorshe howleedka Wasaaradaha ayaa aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo Wasaaradaha iyo Hay’addaha kale si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay iyo in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan ee ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda.

Mudane Hamza Abdi Barre iyo Khadija Mohamed Diriye

THE PROCESS OF REPORTING WEATHER FORECAST AND CLIMATE CHANGE THAT WAS TRAINED FOR ABOUT 30 JOURNALISTS FROM SOMALIA AND DJIBOUTI.

This seminar was exchange of knowledge, which was extensive and benefited about 30 people including journalists and weather forecasting groups in Djibouti and Somalia, was concluded in Djibouti and lasted for four days.

Icpac-Igad, Norcop and Met Office UK have collaborated in this training, which has great importance for the media and meteorology. through the Horn of Africa scientific process, the EAHW collective hazard warnings, the S-MAP Seasonal Media Planning Process, which enables the media to base their messages and stories on the different seasons of droughts, floods and storms, which are delivered by Meteorologists. and Climate, and make it easier for them to convey to the people what to expect and how to protect themselves from it.

Mr. Abdiwali Suleiman from the Regional Organization IGAD-ICPAC gave a further explanation of the purpose of this workshop for Somali and Djibouti media and thanked ICPAC and NORCAP.

This is 8th country that we have held for such training and it is very important to the media or reporters who are in the first place to report or inform the news that are related to climate change and weather forecasting that affect them, so they should know what they are reporting. to a level where they can explain knowledge about climate change and forecasting closely, they are not those who have been assigned to the news,” said Abdiwali Salad.

Mr Abdiwali also explained the gap between the media in the Horn of Africa and the Somali media and how they can coordinate with each other in reporting on weather forecasting and climate change, through EAHW.

“Somali journalists have another priority, we have other problems to report, which has been going on for the past 30 years, the other issue is the weather, trained journalists and the Met Office in the country, everyone has their own work, when we are in the Horn of Africa. In addition to that, let’s reach out to the journalists who are on the lookout, give importance to reporting and talking about climate change and weather forecasting is a big thing and that is what we are trying to do as ICPAC and our international friends who help us” said Abdiwali Salad.

THE REPORTERS VIEWS

Abdishakur Dayib, who was one of the journalists who have received this training, said that he benefited from the use of weather forecasting and climate change data to present a weather-based system.

“We benefited from three points,” said the journalist. First, to make people understand that Climate Change that is affecting their lives and the process of adaptation. We have had the consistency of weather forecasting news in an informative way that includes dangerous things, we are grateful to the organizations that support this program to improve the knowledge of Somali journalists” said Abdirashakur Dayib

Hidaya Mohamed from Djibouti government media emphasized that she will transfer the knowledge she learned here to the working journalists, which will improve their daily work in forecasting and climate change reporting.

“Personally, I have benefited a lot from being a journalist instead of going through, how to report on climate change, first we look for news to deliver to the community, then we have better training to do the stories. In relation to this issue, how can we talk to the community, political leaders, experts and the process of analyzing the various information that can be secured for its coverage. Since this was very good training, I will share with the journalists who work with me about the weather that we train ourselves to deliver good news to the public,” said Hidaya Mohamed.

The Somali journalists who were trained in Djibouti came from the cities of Mogadishu, Hargesia, Dhusamareb, Baledwayne and Baidoa and work in the media in different parts of TV, Radio and social media.

A report by the humanitarian agencies  and institutions for Climate Changes say, that 5.6 million people are at risk of food insecurity due to drought and conflict-related and displacement-related crises.

By : Abdirashid Nur. Senior journalist and Comms Specialist 

Khawaarijta oo wayday Horjooge muhiim U ahaa (Warbixin).

Bishan waxay ahayd bil si weyn loo gumaaday Kooxda argagaxisada ah ee Khawaarijta, gaar ahaan Gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana Ciidamada Qalabka Sida, kuwa Deegaanada iyo Saaxiibada Caalamka oo is garabsanayaa ayaa duullaamo waaweyn ku qaadeen goobo ay iska soo abaabulayeen kooxa khawaarijta, shalay Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis weyn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay, waxaana lala dilay Maleeshiyaad uu isagu hogaaminayay oo tiradoodu gaarayso 87 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, weerarkan ayaa waxa uu dhacay 15-kii bishan.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuullooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe, iyadoo ay Ciidamadu weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen Maleeyshiyaadka Khawaarijtu, waxaana halkaas cadowga ku gaaray jab xooggan, iyadoo tuulooyin badan laga xoreeyay, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Duullamada joogtada ah ee lagu haayo Kooxda Khawaarijta ah ayaa ka dhigeysaa in ay waayaan meel ay ku gambadaan, waxaa kaloo gabaabsi ka ah cuntada iyo saadka,iyadoo ay u dheer tahay wel welka joogtadda ah, taasina waxaa ugu wacan isu socodkooda oo la xayiray iyo weeraradda joogtadda ah ee lagu hayo, khawaarijta ayey hadda nafta  ka maree intee ka baxnaa meel Alla, khawaariijta ayaa sidoo kale la kulmaya in dadweynuhu u diidaan in ay isticmaalaan Doomihii iyo goobihii ay ka gudbi jireen ee webiga jiinkiisa.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa sheegey inay yihiin Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, wxuuna tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Irdood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta ayaa soo huwaday Buste ay ku sheegeen inay wadaan Diin, sidaasi awgeed maanta ay wada garteen Ummaddea Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, isagoo farta ku fiiqay inay lagu kacay loona istaagay iska dhicintooda.

Madaxweynaha waxa uu ka sheekeeyay siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda Shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qodob, kuwaasi oo kala ah Midka !-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qodobka 2-aad ee uu timaamay ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshadaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan.

Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “ labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan, annagu waa fekernay, doodo iyo falanqeyn  oo Dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku kala qabanay kadib, waxaan isla garanay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, waxayna ku taagan tahay dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in lagala diriro dhanka Dhaqaalaha, arrimahaasi ayaa haatan ka ku wadnaa”.

Madaxweynaha Jfs oo hadaladaasi qiimaha leh ka jeediyay isu soo bax ay ku soo dhaweynayeen Madaxeynahooda Shacabka ku nool Gobolka Minisota ayaa yiri:-  “Waxa aan kala qeyb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika isku soo bax ballaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab”.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo jabiyay Khawaarijta, isla markaana uu gabagabo yahay qorshaha looga takhalusayo fikirkooda quracan ee ka dhanka ah diinteena suuban, wuxuuna ku timaamay  Mudane Xasan Shiikh Xaaladda Kooxda Khawaarijta ah Kalluun ama Malaay Biyihii ka gureen.

Isku soo wada xooriyoo 5 sano ka dib, Soomaalida iyo Dunida hadda waxa ay arkaysaa Hogaan Soomaaliyeed oo leh aragti hogaamineed ee cad kuna dhisan aqoon iyo xog-ogaalnimo.

Wasiir Daa’uud Aweys” Dowladdu waxay diyaarisay qorshaha howlgalada iyo xasillinta goobaha la xoreeyay,”.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka warbixiyay howlgalada ka dhanka kooxda Khawaarijta ah ee ka socda gobollada dalka iyo horumarada laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga, ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaankana ay ku daba jiraan firxadka maleeshiyada iyo horjoogayaasha Khawaarijta.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay diyaarisay qorshaha howlgalada iyo xasillinta goobaha la xoreeyay.

“ Dowladda iyadoo ka faa’ideysanayo fursadaas waa tan keentay in ay diyaariso qorsheyaal ku saabsan xasilloonida deeganadaas iyo in adeegyada muhiimka ah la gaarsiiyo,” ayuu yiri Wasiirka oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe.

Habka Tebinta Wararka  Saadaasha Hawada iyo Isbaddalka Cimilada oo loo Tababaray Weriyaal ka socday Somaaliya iyo Jabuuti .

0

Aqoon- Isweydeersigan oo ahaa mid ballaaran ayna ka faa’iideysteen ku dhowaad 30 ruux oo isugu jiray Wariyaal iyo Kooxaha ka shaqeeyo Saadaasha Hawada waddamada Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa loogu soo gabe-gabeeyay dalka Jabuuti, waxaana uu socday  muddo afar cisho ah.

Hay’adaha Icpac-Igad, Norcop iyo Met Office Uk  ayaa iska kaashaday qabsoomidda tababarkan oo ahmyada wayn u lahaa warbaahinta iyo saadaasha hawada, waxyaabaha lagu bartay waxaa ka mid ah  habka soo bandhigista xoggaha la xariira saadashada hawada iyo Isbadalka Cimilada si loo gaarsiiyo bulshada, iyada oo la marayo hannaanka cilimiga ah Geeska Afrika, digniino wadareedka qataraha EAHW,  Hannaanka Qorsheynta Saxaaafadda xiliyada S-MAP, tasoo warbaahinta u sahalayso in farriimaha  iyo sheekooyinkooda saldhigaan xilliyada kala duwan ee abaaraha, fatahaadaha iyo duufaannada, kuwaas oo ay soo gudbiyaan khubarrada Sadaasha Hawada iyo Cimalada, una sahlayso in ay uga gudbiyaan Ummadda waxyaabaha la filan karo iyo sida looga gaashaaman lahaa.

Mudane, Cabdiwali Suleymaan oo ka tirsan Urur Gobaleedka IGAD-ICPAC ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyay ujeedada Aqoon-Isweedarsigan u leeyahay Warbaahinta Soomaalida iyo Jabuuti isla markaana uga Mahadceliyo ICPAC iyo NORCAP.

“Tababarkan waa dalkii 8-aad oo aan u qabanay, muhiimadda uu leeyahay waxey tahay warbaahinta ama wariyaasha oo kaalinta koowaad kaga jira tebinta ama xogsiinta qeybaha ay khuseeyso Isbaddalka Cimilada iyo saadasha hawada oo aad u saameyso, marka waa in ay ogaadan waxa ay tabinayaan tasoo gaarsiisan heer ay sharaxi karaan aqoon ahaan waxa ay tahay isbadalka cimilada iyo saadasha si dhow ula shaqeeyn aysan noqan kuwa tebiya wax loo dhiibay” Ayuu yari Cabdiwali Salad

Sidoo kale Cabdiwali ayaa sharraxay gaabka u dhaxeeyo warbaahinta geeska Afrika ka  howl-gasho iyo tan  Soomaalida iyo qaabka uga hobaan a sida ay iskula jaan-qaadi karaan habka tebinta warbixinada la xariira Saadasha hawada iyo isbadalka Cimilada, iyada oo la maraayo EAHW.

“Wariyaasha Soomaaliyeed mudnaan kale ayee innoo leeyahiin  dhibaatooyin kale oo ay tebiyaan oo ah mida soo socotay  30-kii sanno ee soo socotay, arrinka kale ee cimilada wariyaal u tababaran iyo Met Office dalka malaha, qof walbo howlahiisa goonni ayuu wataa, marka inaa Geeska Afirka intaasa kale soo gaarno oo wariyaasha isha saran, muhiimad u yeelato tebinta iyo ka sheekaynta  isbaddalka Cimilada iyo saadasha hawada waa mid wayn waana mida aan ku daddaalayno ka Icpac-igad ahaan iyo saaxibada caalamiga ah ee na caawiyo” ayuu yari Cabdiwali Salaad.

Aragtida Wariyasha:

● Cabdishakuur Dayib oo ka mid ahaa wariyaasha qaatay Tababarkan waxuu sheegay inuu ka faa’iidey habka isticmaalka xogaha Saadasha hawada iyo Isbadalka Cimilada inuu u soo bandhigi karo hannaan cimili ku salaysan.

“ Saddex qodob Ayaan uga faa’iidnay ayaa is leeyahay ka saxafi ahaa.  kow,  inaa dadka fahansiino Isbadalka Cimilada inuu nolashooda taabanayo iyo habka la-qabsiga, labo, U-Adkeysiga oo hab farsamo naloo fahsansiiyay ka saxaafad ahaana ogaana fahano sida ay wax u jiraan si aan markaas u gudbino xog dheelatiran bulshada, Sadex, inaa awood u yeelanay joogtenta wararka Saadasha hawada si macluumadka oo isugu jira waxyaabaha qatarta ah ee dhinaca kara, waa mahadsan yahiin  hay”adaha taageerayo barnaamijkan kor u qaadida aqoonta wariyaasha Soomaalida” Ayuu yari Cabdirashakuur Dayib.

● Hidaya Maxamed oo ka tirsan warbaahinta dowladda Jabuuti waxay hoosta xarriiqday cilmiga ay halkan ka baratay ay u gudbin doonta wariyaasha la shaqeeyo, tasoo horumarinayso shaqooyinkooda maalin laha ee tebinta Saadasha iyo Isbadalka Cimilada.

“Shaqsiyan wax badan ayaan faa’idnay  tasoo ah ka saxafi ahaan halkii aan mari lahaa, sida aan uga warbixin lahaa isbadalka cimilada, markii hore waxaan raadinaa wararka si aan u gaarsiinno bulshada, marka si ka wanaagsan oo aan ku qaadanay tababarka loo sameyn karo sheekooyinka la xariira arintan sida ula hadli karno bulshada, dadka jaan-gooyo siyaasada, khubarrada iyo hanaanka u taxliilin karno xogahaasi kala duwan loo sugi karo tebinteeda. Maadama cilmigan uu ahaa mid wanaagsan waxaan la wadaagi doonaa wariyaasha ila shaqeeyo waxyaabaha ku saabsan cimilada nafteena ku tababarno si bulshada u gaarsiinno warar wanaasagn”ayey tari Hidaaya Maxamed.

Saxafiyiinta  Soomaalida ee lagu tababaray dalkan Jabuuti ayaa ka kala yimid  magaalooyinka Muqdisho, Hargesia, Dhuusamareeb, Baledwayne iyo Baydhabo oo ka howl-gala warbaahinta qeybaheeda kala duwan Tv, Radio iyo warbaahinta bulshada,

Warbixinta hay’adaha  ka shaqeeyo arrimaha gargaarka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sheegay in  5.6 million qof ah ay la kulmeen heerka uga hooseyso cunto yari  ka Abaaraha iyo xasaradaha colaadda iyo barakaca la xiriira.

W/Q: Abdirashid Nur. Senior journalist and Comms Specialist  

ku-simaha madaxweynaha dalka oo booqday ciidanka xooga dalka ee ka howlgala xudur

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo cusub oo tababar ugu socday magaalada Xudur ayuu ku dhiirageliyay dalka iyo dadka si daacad ah loogu shaqeeyo.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Ku-simaha Madaxweynaha JFS warbixin ka siiyay xaalada ciidanka qaranka waxayna ballan qaadeen in ay dalka ka xorreyn doonaan kooxda Khawaariijta oo dalka iyo dadka u diiday inay horumar gaaraan shacabka Soomaaliyeed.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay ciidanka geesiyaasha qaranka ayaa ku ammaanay difaaca qaranimada, midnimada iyo jiritaanka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab isla markaana u diyaar garoowaan xureeynta deeganada gobolka Bakool.

Askarigii Fududeeyay Weerarkii Garoonka aadan cadde oo Laxukumay.

Lix iyo Sodon jirkan ku dhashay Jamaame ayaa ka soo mid ahaa Military-ga ilaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka Xilligii Dib u habaynta Electronic ahayd Ee Xukuumadii Madaxweyne Farmaxajo 2018.

Sanad ii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Argagixisada u Qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay Argagixisada ku weerari jirtay Muqdisho.

Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay Qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku Qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin .

September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.

23 kii March Sanadkan ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba dhagar Qabe oo ka tirsan Argagixisada, waxaana Abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Allah Unaxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah Halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen Maleeshiyada Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad.

Sideedii bishan ayay soo gaba gabowday Maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow.

Waxaa Maxkamadda laga Daawad Siiyay Muuqaalka Camerooyinka Amniga Ee CCTV xilligii uu gudbinayay Naftood haligayaashii Arbushay Garoonka.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow)
Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow)

Qatar oo xoojineyso xiriirka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Munaasabad lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” oo ka dhacday Magaalada Muqdisho kana qaybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & madax kale oo dalkaas ka socotay ayaa lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa & Muqdisho.

Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi ayaa sheegay in Dalkiisa uu xoojinayo dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha & Dhaqanka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Qatar isaga oo sheegay in Dooxa ay garabtaagan tahay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dalkiisa uu sanadkaan 2022 martigeliyay Koobka Adduunka 2022 oo hadal heyn badan dhaliyay, fariin uu ka waday Amiirka Dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad ayuu la wadaagay Mas’uuliyiinta uu ugu derajo sarreeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

“Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan kawado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay martigelisay Koobka Adduunka, Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul & dareen shacab ka muuqda, xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya & Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale & iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka & danaha labada shacab ee walaalaha ah” Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa oo dhankiisa jeediyay khudbad uu uga hadlay xiriirka labada dal, kaalmada Qatar ee Soomaaliya & danaha ay wadaagaan ayaa bogaadiyay dedaalka ay bixineyso Xukuumadda Dooxa.

Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay in Qatar ay noqoto waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya Koobka Adduunka, isaga oo sheegay in si wanaagsan oo soo jiidasho leh in ay u martiqaadeen daneeyaasha Kubadda Cagta, ciyaartoyda & Madax kale.

“Waxa aan aragnaa Bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray Calanka Dalkaas, Shacab & Xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim & Shacabka Qatar, mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada Dal & labada Dad, Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo & karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahadcelinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka, munaasabaddaan waxa aan uga mahadcelinayaa Dowladda & Shacabka Qatar oo aan rajeyneyo in ay xoojiyaan iskaashiga guud ahaan caalamka gaar ahaan Muslimiinta & Carabta, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin” RW Xamsa Cabdi Barre.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo inkasta oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, qayb waa qabyo halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye, Dooxa ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Muqdisho.