Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ku burburiyay fariisimo Khawaarijta leeyihiin

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa waxay burburiyeen fariisimo ay si qarsoodiga ah isugu abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah.

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan Maleeshiyada Khawaarijta ah, gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG, saanad ciidan iyo sahay raashin iyo shidaal ah.

Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiseen Warbaahinta Qaranka.

Goor dhow la soco faah-faahin intaan ka badan oo ku saabsan howlgalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...