Home Blog Page 477

Wasiirada Arimaha Dibedda,Waxbarashada XFS oo la kulmay Agaasimaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland

0

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qayb gelaya shirka caalamiga ah ee wadamada soo koraya ( LDC5) oo tobbankii sano ba mar la qabto, ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga dowladda Federaalka ah ee Switzerland Amb. Patricia Danzi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad.

Booliis lagu afduubtay dalka Colombia oo lasii daayey

Madaxweynaha dalka Colombia, Petro, ayaa sheegay in lasii daayay askartii iyo shaqaalihii shidaalka ee lagu haystay mudaaharaadyadii ka dhacayay gobolka koonfureed ee Caqueta ee dalka Colombia.

Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare oo Maanta la kulmay Madaxda wasaaradda Amniga Gudaha XFS

0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare ee BFS  oo gudanaya waajibaadka ku xusan Qodobka 77aad ee Dastuurka KMG ah ayaa ugu yeeray Xarunta Golaha Aqalka Sare  wasaaradda Amniga Gudaha XFS iyo Hay’adda Socdaalka  iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,si ay u waydiyaan su’aalo la xariira Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga  Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare sen Aaden Cabdinaasir Maxamed iyo xubnaha Guddiga ayaa soo dhoweeyay Masuuliyintan oo uu  hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa.

Guddiga Amniga ayaa wax ka waydiiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo hadda horyaalla Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare,Wasaaradda iyo Hay’adda  ayaa ka jawaabay dhammaan weydiimihii uu Guddigu hordhigay.

Kulanka gebagabadiisa waxaa lagu ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac.

Toos DAAWO : Munaasabadda wareejinta taakulada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka walaalaheen Turkiga

0

Dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta wareejineysa taakulada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga qeybqaadanayaan gurmadka Dhulgariirkii Khasaaraha badan dhaliyay ee Bishii hore ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Syria.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo 15-sano oo Xabsi ah ku riday Dhagarqabe katirsan Al-shabaab

0

Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose ayaa lasoo qabtay, isagoo ku eedeysan inuu tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, maxkamadda ciidamada ayaa maanta ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah.

Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, isagoo soo maray xarunta dhaqan celinta ee loogu talagalay kuwa ka soo haray fikirka xagjirka ah, Ayuub ayaa dib ugu laabtay Khawaarijta markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta oo la fasaxay kadib.

Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale oo u dhow degaanka Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray oo ku sugan Janaale, wax khasaare ahna ma geysan, ciidankii uu weeraray ayaa soo qabtay ninkaan.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Gudoomiyaha hay’adda oo la kulmay koox ka socoto hay’adda Global Protection Team.

0

Gudoomiyaha hay’adda SODMA Maxamud Macallin Cabdulle iyo qaar ka mida madaxda hay’adda ayaa kulan kula qaatay Magaalada Mogadishu koox ka socoto hay’adda Global Protection Team.

kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha dadka ku barakacay gudaha dalka oo ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha, sidoo kale Madaxda Hay’adda SoDMA ayaa la wadaagay wafuudda ka socotay GPT qorshaha lagu ilaalinaaya dadka ka soo barakacay xaladaha abaaraha iyo colaadaha.

Ugu danbayn Gudoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa u mahadceliyay Wafuudda ka socotay hay’adda Global Protection Team sida ay u garabtaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay u midoobaan ciribtirka cadowga qatarta ku ah Xasiloonida magaalada

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta degmada Cabdicasiis uga qeyb galay kulan looga hadlayay dardargalinta barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamud kaas oo la xariira ka hortaga dhagarta Khawaarijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu kaga maqnaa dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Magalada Baqdaad uga qeyb galay Shirweynaha 34-aad ee Midowga Baarlamannadda Dowladaha Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, isagoona sidoo kale magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay dhigiisa dalkaasi, waxaana uu kala hadlay la dagaallanka Argagaxisada iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka walaltinimo ee labada dal iyo isku xirka labada baarlamaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo giddoomiyay kulan looga hadlayey amniga

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xusee Jimcaale ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay hawlwadeenada sare-sare ee ka socday barnaamijka UN-JPLG ee Qaramada midoobay kaas oo taageero Dawladaha Hoose ee Soomaaliya.
Kulankaan ayaa waxaa dhinaca kale goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenada Maamulka G/Banaadir iyo Xoghaya Guud ee Maamulka.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd in Hawlwadeenada Maamulka Guud ee barnaamijkaan ee uu hogaaminayay Mr Paul Simkin laga dhageesto qorshaha wajiga 4 aad ee bilaaban doono Bartamaha sanadkaan iyadoo dhinaca kale Guddomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho uu la wadaagay hortabinada iyo qorshayaasha horumarineed ee uu Maamulka Gobolka ka leeyahay Horumarinta Caasimadda Muqdisho sida Adeegyada bulshada, maaraynta khashinka, shaqo abuurka dhalinyarada, tababarada dhalinyarada, kobcinta Dhaqaalaha iyo hagaajinta Sharciyada & habraacyada shaqo ee Dawladda Hoose.
Guddomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadnaqay taageerada barnaamijka JPLG isagoo dhinaca kale ku adkeeyay in la xoojiyo taageerada ay Caasimadda ka hesho barnaamijkaan; Waxaa uuna Guddoomiye Madaale dhanka kale hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka ay ka go’antahay in la xoojiyo wada shaqyanta hey’adaha iyo Deeq-bixiyaasha taageera Soomaaliya.