Home Blog Page 477

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo Guddooomiyey shirka agaasime waaxeedyada Madaxtooyada

0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka agaasime waaxeedyada Madaxtooyada, kaasi oo looga hadlay dhowr dhameystirka Istaraatiijiyadda Madaxtooyada, hirgalinta tababaro lagu hormarinayo xirfadaha howlwadeenada waaxaha kala duwan ee Madaxtooyada Qaranka.

Agaasinka waaxda Shaqada iyo Hormarinta Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa intuu socday kulanka looga dhagaystay soo jeedinta Xeerka Anshaxa Shaqaalaha, halka waaxda Macluumaadka tiknolojiyada iyoIisgaarsiinta (ICT), ay kusoo bandhigtay habka ilaalinta nabadgalyada, xogta shabakadaha internerka Madxtooyada, warbixin la xiriirta aqoonsiyada cusub iyo hannaanka loo maray sugnaanshahooda.

Gebogebadii shirka ayaa agaasimaha guud ee Madaxtooyada kula dardaarmey agaasimeyaasha in ay dardargeliyaan howlaha waaxyaha ee Madaxtooyada.

Madaxweyne Deni oo dhagaxdhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda deegaanka Garacad

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda deegaanka Garacad.

Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda iyo unkidda dhismaha xarumaha muhiim ka ah ee dowladda waxa ay meelsare uga jirtaa siyaasadda Xukumadda Dowladda Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ku wehelinaayey dhagax

Madaxweyne Dani oo Booqday Dekedda cusub ee deeganka Garacad

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hugaaminayo oo safar shaqo ku jooga deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa saaka kormeeray Dekedda cusub ee magaaladaasi oo ay ka socoto shaqo Lixaad leh.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda, isagoo warxino faahfaahsan oo ku qotoma qaabka shaqadu u socoto ka dhegaystey masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekedda.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa ku wehelinaayey kormeerka shaqo ee uu ku tegey dekedda Garacad masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan.

Guddoomiyaha BFS oo la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Amb. Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha bani aadanimo ee ka jira magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo iyo deegaanada hoostaga oo uu dhawaan booqday guddoomiyuhu,

Ergayga ayaa ballan qaaday in la xoojinayo gargaarka dadka danyarta ah la gaarsiinayo.

Guddoomiye Madaale oo la kulmay Duqa Caasimadda Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Duqa Caasimadda Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qoroow) iyaga oo kawada hadlay iskaashiga Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Muqdisho.

Duqa Magaalaada Dhuusa Mareeb Mudane Geeda Qoroow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Mudane Madaalle, sida diiran uu ugu soo dhaweeyay Xarunta Aqalka Dowladda ee Hoose Xamar.

Duqa Muqdisho Oo Lakulmay Madaxa hey’adda qaxootiga adduunka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya Mudane Magatte Guisse. Iyagoona ka wada hadlay xaalada Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu warbixiyay Mudane Magatte in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ugu badan ee kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u baahan yihiin wax dhaafsiisan gargaar oo ah in xal waara loo helo.

UNHCR iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in Qorshe hortabineed oo wadajir ah ay ka yeeshaan sidii dib-u-dajin iyo shaqo abuur loogu sameen lahaa dadkaasi, isla markaana caruurtooda ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Caafimaad si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale.

15 ka tirsan khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay meel u dhow degmada Cadale

Ciidammada dowaladda oo kaa shanaya kuwa Mareykanka ee Africom ayaa 15 ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab ku dilay 14-kii iyo 17-kii December, 2022 howlgal ka dhacay meel u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe .

Taliska Mareykanka ee Africom  ayaa sheegay in howlgalka 14-kii December ee bishan ka dhacay meel 176 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Cadale lagu dilay 7 ka mid ah khawaarijta Al-Shabaab.

Sidoo kale taliska ayaa sheegay in 17-kii December ee bishan howlgal kale oo ka dhacday meel qiyaastii 220 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho una dhow Cadale lagu dilay 8- ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa howlgallo dhowr ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan dalka, iyadoona lagu dilay xubno muhiim ah kana tirsan khawaarijta Al-shabaab.

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo gaarey Magaalada Baydhabo

0

Wafdi heer federaal ah oo ay hoggaamineyso wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha qoyska Marwo, Khadiijo Maxamed Diiye ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa wasiirada wasaaraddaha Haweenka ee dowlad gobolleedyada dalka, waxaana Baydhabo ku soo dhoweeyey wasiirka wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Ujeedka socdaalka mas’uuliyiinta maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegey iney tahay ka qeyb-galka munaasabadda sanad guurada 4-aad ee madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya…

Duqa Muqdisho iyo safiirka Jabuuti oo ka wada hadlay horumarinta bilicda caasimadda.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Duqa Muqdisho iyo safiirka ayaa ka wada hadlay sidii Dowladda Jabuuti ay kaalin uga qaadan laheyd mashaariicda lagu horumarinayo bilicda caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti iyo Shacabkeeda sida hagar la’aanta ah oo ay uga qeyb qaateen dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha KGS ayaa Cafis u Fidiyay Maxaabiis.

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Ayaa cafis madaxweyne u fidiyay qaar ka mid ah maxaabiis u xirna danbiyada fudud.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis Madaxweyne ufidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo isagoona ka bixiyey Deemihii lagu lahaa qaar kamid ah Maxaabiista Munaasabada Sanad guurada 4-aad Awgeeda.

Dhalinyaradaan Xabsiga laga siidaayay oo xukuno kala duwan ku xukunnaa Ayaa soo dhaweeyay Go’aanka aay Xoriyadoodi Dib ugu Heleen iyagoona u mahad celiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen