Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobo lagu iibiyo Maandooriyaha oo ku yaala xeebta Liido

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyin kale ayaa xalay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maandooriyaha ah ka sameeya xeebta liido ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiya ayaa  ayaa albaabada isugu dhuftay goobo lagu iibiyo Maandooriyaha, islamarkaana ay isugu yimaadan Raga iyo Dumarka oo ku yaala xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis,a,waxa una dhalinyaro uu halkaa kula kulmay ku waaniyay in ka waantobaan isticmaalka waxyaabaha maankadooriya qeyb weyn ku leh amni darida caasimadda.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer masuuliyiinta Gobolka banaadir ay u digeen dadka waxyaabaha fawaaxishada ee liddiga ku ah diiinta islmaamka ku sameeyo xeebta liido balsa ay ka dhaga adegeen taana ay sababtay in maamulka uu howlgal wadajir ah ay ku qaadaan,waxa uu tilmaamay sidoo kale in maamulka Gobolka Banaadir ay ka g’antahay ciribtirka waxyaabaha maankadooriya oo bulshada soomaaliyeed dhibaata xooggan ku hayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale ayaa dhankiisa sheegay  in goobtaan sida loo xiray ay tahay dib danbana loo furi doonin cidii furtana ay kula xisaabtami doonaan,waxa uu intaa hadalkiisa sii raaciyay in ay tagi doonaan goobaha kale ee ummadda gaar ahaan dhalinta soomaaliyeed lagu fasahaadiyo ee maandooriyaha iyo waxyaabaha anshax xumida ah lagu sameeyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada howlgallo lagula dagaalamayo waxyaabaha maankadooriya oo dhibaata badan ku hayo shacabka Soomaaliyeed,sidoo kalana qeyb ka ah amni darida xiliyada qaar ka dhacda degmooyin magaalada muqdisho.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...