Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda

Date:

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, wuxuuna goluhu boggaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen goobihii cadowga laga sifeeyey.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah ururada Siyaasadda dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha guddaha oo qabtay kulan looga hadlayo Amniga goobaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...