Home Blog Page 476

Wasiiru dowlaha Tamarta XFS oo Geel ku dhiiri galiyay Ciidanka xasilinta Caasimadda.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa maanta ka jawaabay go’aankiii Golaha Wasiirada ee ahaa taageerista Ciidanka Xasilinta, waxaana Wasaaraddu Taliska Ciidamada Booliiska gaarsiisay laba Neef oo Geel ah oo eey Wasaaraddu ugu talo-gashay Ciidanka.

Wasiirka oo halkaas ka hadlay, ayaa wuxuu Ciidamada ku ammaanay shaqada wanaagsan ee eey u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ku dhiirigeliyey inay sii laba-laabaan dedaalka ay wadaan ee ay ku sugayaan amniga Caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Goob-Fagaare Ah Kaga Jawaabay Su’Aalaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dowladnimada iyo waxqabadkiisa sannadkii tagay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dalkeennu uu ka xoroobo argagixisada gaarana horumar muuqda.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadda ugu weyn ee dib dhigtay dalkeenna ay tahay argagixisada galaafatay nolasha kumannaan kun oo dadkeenna ah, caqabaddana ku noqotay nolasha, horumarka iyo wax-wadaqabsiga Soomaaliyeed.
“Sannadkii 2012-kii markii aan xilka nimid waxaan xoreynay deegaanno badan oo Alshabaab gacantooda ku jiray, caqabado badan baa jiray, casharradii iyo khibraddii aan kaas ka barannay ayaa maanta saldhig u ah holwgallada aan wadno. Dadka Soomaaliyeed in ay dagaal ka qeyb-galaan ayaa udub-dhexaad u ah qorshaheenna maanta iyo guusha aan joogno.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey nafhurnimada Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadka deegaannada la xoreeyey, waxa uuna xusay mustaqbalka wanaagsan ee dalkeennu uu leeyahay, markii laga xoreeyo argagixisada iyo rajada aadka u sarreysa ee uu ku qabo in degdeg loo cirib-tiro khawaarijtaas.
“Alshabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la’aan ku imaanaya Muqdisho.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.
Baarlamaanka; “Taariikhda waa markii ugu horreysay oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ay hal fadhi ku saxiixaan sharciyo gaaraya 11 sharci oo badankood aas-aas u ah deyn cafinta, maalgashiga iyo dowladnimada. Tani waxay caddeyn u tahay shaqada adag ee socota.”
Arrinta Laascaanood; “Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto oo la wada xaajoodo. Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan.”
Puntland; “Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin.”
Maqaamkii gaarka ahaa ee Caasimadda “Wali laguma guuleysan, sababtuna waa qabyo-tirka dastuurka oo aan wali lagu guuleysan. Caqabadaha kale oo jira waxaa ugu weyn amniga, iyadoo aan xoogga saareyno sidii aan u joojin lahayn dhibaatada ay argagixisadu ay ku hayso Caasimadda, taas kaddib waxaan ka shaqeyn doonaa bilicda iyo maamul dhiska.”
Xiriirka caalamiga ah, “Dalalka is diiddan ee gobolka iyo guud ahaan caalamka mid kasta waxaan la nahay saaxiib, mana jirto mid ay colaad nagala dhexayso, waxaanna diyaar u nahay xitaa dalalka is-diiddan in aan ka qeyb-qaadanno isfahnkooda.”
Kala saaridda awoodaha dowladda; “Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waxay ku qeexan yihiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta dalka waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga, labaduna waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ballaaran ee hadda socota. Xafiiska Madaxweynaha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn, shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda.”
Doorashooyinka; “Waxaa iga go’an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka.”
DHAMMAAD

Ciidanka Xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka oo howlgal ku dilay 60 ka tirsan Maleyshiyaadka Khawaarijta.

Deg-Deg:Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 60 ka tirsan Khawaarijta ka dib howlgal qorsheysan oo saaka ciidanku ka fuliyay Deegaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada oo ka war helay Gaari Khawaarijta u siday Hub iyo maleshiyaad hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 60 ka tirsan khawaarijta isla markaana gacanta lagu dhigay Hubkii ay wateen iyo labo gaari.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Rotterdam Convention ee Geneva

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wefti khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa ka qayb-geli doona Shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka.

Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya Shirweynaha Sixiixayaasha 11aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11.) oo berri magaalada Geneva ka furmi doona.

Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo iyo shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada.

Axdigan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin.

Muqdisho-Somalia

 

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo agab caafimaad ku wareejiyay dowlad goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland ,Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.

Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee  dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

Muqdisho-Somalia

 

 

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Shucuuubta dalalka dunida ee ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegaya munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 104-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 

1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

 

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

 

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-

 

1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.

 

2- kor u  qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.

 

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.

 

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.

 

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

 

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida,iyo muunaasabadda 68-aad ee aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya.

 

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka  .

 

Ujeedku  waa in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

 

Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

 

Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.

 

Muqdisho-Somalia

 

 

Horjoogayal khawaarij ah oo Carruurtooda kala baxsanaya goobaha kooxdu joogto

Tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta Al-shabaab uu ka billawday dalka, waxaa sii kordhayay cabsida iyo argagaxa ka jira goobaha ka taliso Maleeshiyadka khawaarijta.

Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ay heshay magacyada horjoogayaasha caruurtooda kala baxay deegaanada ay dalka ka joogaa khawaarijta, iyaga oo geeyay deegaannada iyo Dowlad Goboleedyada kale.

Waa kuwan magacyada qaar kamid ah Horjoogeyaasha carruurtooda la baxsaday

  1. horjooge Axmed Diiriye oo ah horjoogaha ugu sareeya kooxda khawaarijta,kaas oo markii hore ba carruurtiisa aanay ku noolayn deegaanada ay khawaarijtu ku dhuumalaysato.

2.horjooge Xasan Afgooye oo kasoo jeeda degmada Afmadow ayaa isaguna carruurtiisa kala cararay deegaanka Kuunyo Barow isagoo la aaday deegaano ka tirsan Koonfur-galbeed.

3.horjooge Abu-muslim oo kasoo jeeda degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa isaguna la xaqiijiyey in Carruurtiisa oo hore ugu kala nool degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe iyo degaanka Kuunya-barow ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa isaguna la xaqiijiyey inuu carruurtiisa ula cararay magaalooyinka Nabdoon ee aanay khawaarijta ka joogin deeganada Koonfur-galbeed.

4.horjoogayaasha kala ah Maxamed Mire iyo Buli oo kasoo kala jeefa degmada Eyl ee gobolka Bari iyo degmada Boosaaso ayaa iyagana la xaqiijiyey in ay carruurtooda ula kala baxsadeen magaalooyin aanay khawaarinta ku sugnan oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Dagaalka ka dhanka Kooxda Khawaarijta ayaa galay wajigii labaad, waxaana iska garabsanaya Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho-Somalia

Safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan oo xaqiijisay tirada Soomaalida ee kasoo samata baxday colaada Sudan

Safiir kuxigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan Amb Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradooda gaarayso 1,500 oo qof ku bara baxeen dagaalada ka socda Dalka Sudan,safiirka ayaa sheegay in dadkan isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Sudan.

Safiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in safaaraddaha Soomaliya ee dalalka Sudan, Ethiopia iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaliya iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka ka qarxay dalka Sudan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loo soo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay dagaalka ka socda dalka Sudan,dadka Soomaaliyeed  ee ku bara baxay dagaalada Sudan ayaa u kala baxay dalalka South Sudan iyo Ethiopia.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Maaliyadda oo shir uga qeyb galay dalka Morocco

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hay’addaha maaliyadda Carabta, kaas oo maanta ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco, iyadoo looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga hay’addaha dhaqaalaha dalalka  Carabta.

Wasiirka maaliyadda dowladda FS ayaa la waddaagay hay’addaha iyo dowladdaha ka soo qaybgalay shirka arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib u-habeynta maaliyadda.

Dr Cilmi ayaa ku booriyey wasiirada maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo hay’addaha kale ee maaliyadda ee shirka ka soo qayb galay in ay sii waddaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan ku booriyey wasiiradda maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo hay’addaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya”. ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona inta uu shirku socodo wasiirada dhiggiisa ah iyo madaxda hay’adaha maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan.

Dowlado iyo hay’ado maaliyadeed oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Malaayiin Dollar oo deymo ah, waxaana shirkan uu ahmiyad u leeyahay Soomaaliya, si ay ugu soo bandhigto hidisaheeda ku aaddan dhammaystirka barnaamijka deyn cafinta.

Muqdisho-Somalia

Shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo dardar gelinta howlaha gurmadka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shir heerkiisu sarreeyo oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka  Soomaaliyed ee SoDMA oo looga hadlaayay dardargalinta howlaha gurmadka Soomaaliya iyo Sidii Gargaar loo gaarsiin la ahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha dalka  ayaa lugu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkan ka qeyb-galay Ergayaga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallad  Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wakiilo ka socday deeq bixiyayaasha, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka ka shaqeeyo, masuuliyiin ka socotay Dowlada Gobaleedyada dalka iyo hay’adaha gargaarka ee maxaliga ah.

Gudoomiye ku-xigeenka Hay’addda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u furay shirka  ayaa sheegay in ujeedka shirka yahay  yahay sidii loogu codsan lahaa deeq bixiyayaasha in kor u qaadaan deeqaha ay ugu talagaleen bulshada si ay awood ugu yeeshaan in ay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog fog ee dalka.