Home Blog Page 476

Itoobiya oo sii daysay lix askari oo Jabuutiyaan ah oo ay afduubteen koox hubaysan

0

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guuleysatay in ay si nabad ah ku sii deyso lix ka tirsan Ciidanka Jabuuti oo ay haysteen maleeshiyaadka FRUD, sida ay baahisay warbaahinta Fana (FBC).

War-saxaafadeed uu Arbacadii shalay soo saaray, Ambassador Fesseha Shawel, oo ah Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay ku guuleysatay in ay si nabad ah ku sii deyso lixdan askari.

Askartan ayaa la afduubay 6-dii October xilli ay rag hubaysan weerar ku qaadeen xero ciidan oo ku taal bariga Jabuuti, halkaas oo ay ku dileen 7 askari afar kalena ay ku dhaawaceen.

Kooxda hubaysan ee FRUD, oo xiriir la leh qoomiyada Canfarta, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxdan hubaysan ayaa sannadkii la aasaasay 1991-kii, waxayna ku bilaabatay kacdoon ka dhan ah dawladda Jabuuti, iyagoo ku andacoonaya inay difaacayaan danaha shacabka Canfarta.

Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka mid ah Congress-ka Maraykanka oo booqasho ku tagtay Puntland.

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka mid ah Congress-ka Maraykanka taasi oo booqasho maalmo ah uga bilowmatay Puntland.

Soo dhoweynta Xildhibaan Ilhaan Cumar waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka, Ururada Bulshada iyo Qeybaha Kala duwan ee Shacabweynaha Garoowe.

Biden oo u ballanqaaday Zelensky inuu garab taagan yahay

Biden waxa uu Zelensky u sheegay in marnaba uu keli noqon doonin oo uu garab taagan yahay isagoo sidoo kalana u xaqiijiyay inuu siin doono Ukraine gargaar milatari oo dheeraad ah kaas oo u uku kacayo laba bilyan oo doolar.

Dhanka kale madaxweynaha Ukriane ayaa uga mahad celiyay mareykanka sida uu garab istaagay tan iyo markii uu bilwoday weerarka uu Ruusjhka ku qaaday dalkiisa.

Volodymyr Zelensky, ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Congress-ka Mareykanka ka sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay mid lagu raadinayo xorriyadda adduunka.

Qudbad xamaasad leh oo uu jeediyay ayaa waxa uu uga mahad celiyay taageerada dhaqaale iyo midda ciidanba ee Mareykanka u fidiyay dalkiisa.

Zelensky oo marki ugu horreysay booqasho ku tagay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrrimiyo tan iyo intii ay bilaabatay colaadda Ukraine ayaa wuxuu siyaasiyiinta u sheegay in dadka reer Ukraine ay u dabaaldegi doonaan ciidda Christmas-ka iyadoo ay socdaan weerarada joogtada ah ee Ruushku ku hayo kaabayaasha tamarta ee dalkiisa.

Iyadoo ay jirto walaac laga qabo in xulafada qaar ay dareemaan culeyska iyo dhibaatada ka dhalatay iskahorimaadka iyo carqaladeynta cuntada iyo tamarta adduunka, ayuu madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” midnimada iyo taageerada Ukraine.

Mr Biden waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “uusan wax niyad ah u haynin joojinta dagaalkan naxariis darrada ah”.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladad fedraalka ee Itoobiya iyo TPLF oo dib u bilaabmay

Wakiilo ka kala socda dhinacyada isku haya Itoobiya- ee Dowladda Federaalka iyo Xoogaga Tigreega ee ayaa ku shiraya caasimadda Kenya ee Nairobi si ay uga wadahadlaan dhaqangelinta heshiiskii bishii hore lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo laba sano socday.

Kulanka ayaa la filayaa in uu u gogol xaaro u noqdo in Midowga Afrika uu si dhaw ula socdo qodobbada heshiiska- oo ay ku jiraan in la qaado xayiraadaha lana dardar galiyo dadaallada gargaarka bina’aadanimada iyo hub ka dhigista ciidamada Tigrayga.

Tobanaan kun oo qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaalka halka malaayiin qaof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka oo looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Marwo Anita Kiki waxay si buuxda u taageertay dadaalada uu hormuud-ka u yahay Guddoomiyaha, muujisayna inay tahay wadada ugu wanaagsan ee xalka uu kujiro si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go’doomiyeen si loo gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo. Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Khawaariijta Al-Shabaab. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ku booriyay in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan.

Ra’iisul Wasaaare Hamza oo maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirda Tamarta,Arrimaha Dibedda iyo Hey’addo kale

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Jaamac Taqal Cabbaas, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac iyo Guddoomiyaha baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Wasiirada ayaa soo bandhigay qorshe-hawleedka muddeysan ee sanadka cusub 2023 iyo qaababka kala duwan ee loo fulinayo, kuwaasi oo su’aalo muhiim ah ay ka weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jama

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe in laga mira dhaliyo ballanqaadka waxqabad iyo qorshooyinka ay soo bandhigeen maanta, isaga oo dhinaca kale ku boorriyay in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo la taaban karo looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda #DanQaran.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo hambalyo u diray maamulka iyo shacabka Reer Hirshabeelle

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa hambalyo u diray maamulka iyo shacabka Reer Hirshabeelle ee maanta iyaga oo iskaashanaya degmadii ugu dambeysay ka xoreeyay Khawaarijta.

“Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda,Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood,

Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg-deg ay uga xoreysan doonaan, Waxaana ku boorinayaa dowlad gobaleedyada kale in ay ku daysadaan maamulka Hirshabele iyo shacabkooda oo ay si deg deg ah iskaga kor qaadaana reeryada cadowga iyo gumeysigiisa” ayuu yiri Guuleed.

Ciidanka XDS oo la wareegay degmada Ruun nirgood ee Gobolka Shabeelada Dhexe

0

Ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga dadweynaha ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegay Khawaarijta Al shabaab Gacan ku heynta degmada Ruun nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada istaatiigiga Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus.

Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ku tallaabsadeen ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay isu diyaarinayaan xorreynta degmooyinka Ceeldheer,Ceelbuur iyo Xaradheere.

Degmada Ruunirgod ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta.

Gudddoomiye Madaale oo kulan la qaatay safiirka Dawladda Mareeykanka u joogo Soomaaliya Larry Andre

0

Gudddomiyaha G/Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dawladda Mareeykanka u joogo Soomaaliya Larry Andre.

Guddomiyaha G/Banaadir ayaa uga mahadnaqay Dawladda Mareeykanka taageerada ay siiso Soomaaliya dhinacyada Amniga, gargaarka iyo Horumarinta isagoo si gooni ah u bogaadiyay hawlihiii horumarineed oo ay hey’adda USAID  ay Sanadihii danbe ka sameeysay Magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa la wadaagay Guddomiyaha Gobolka sida ay Dawladda Mareykanka ugu go’antahay sii wadista taageeerada Soomaaliya isagoo dhanka kale la wadaagay Guddomiyaha Gobolka talooyin la xiriira arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha iyo sida loo xoojin karo iskaashiga.

0

Madaxweynaha Dowladd Gobleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.

Kulankaan oo looga hadlay howlgalada baahsan ee kooxda khawaarijta alshabaab looga xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle, waxaa Wasiirka Amniga looga dhageystay warbixinta amniga, sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta iyo isku xirka dadaalada xasilinta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha usoo gudbisay Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Dowladda Hirshabeelle oo ay Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ku ansixiyeen, Dhanka kale Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyay Macadka Tababarada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumadda la wadagaay duruufaha adag ee ka jira deegaanada laga xureeyay cadowga ee uu socdaalka kusoo maray isagoo xusay inay khawaarijta ay cuuryaamiyeen nolosha iyo horumarka bulshooyinka ku nool deegaanada laga xureeyay.