Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Yugaandha

Date:

Dalalka Ciidamadu ka joogaan dalkeennna ayaa kulan ay kaga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo sidii looga xoreynayo gayiga Soomaaliyeed ku yeeshay dalka Uganda.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Yugaandha ayaa lagu wado inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuti,Yugaandha, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro khawaarijta oo lagu wado in dhowaan laga sifeeyo dalka, kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa waxay sheegeen in howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay iska kaahsnayaan Ciidamada xoogga dalka iyo dadka shacabka ah laga gaaray horumar ballaaran oo mira dhal ah.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in guulo ballaaran laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo meel wanaagsan marayo si amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dabayaaqada 2014-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu codsaday dhiggiisa dalka Yugaandha , Yoweri Museveni in shirka looga hadlayo arrimaha ATMIS uu marti geliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...