Home Blog Page 474

Rabshado ka dhacay Paris kadib markii la dilay saddex qof oo Kurdi ah

0

Nin hubeysan ayaa Jimcihii saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo maqaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, bartamaha magaalada Paris, taasi oo dhalisay dibad-baxyo rabshado wata.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta.

Toogasho dhowr ah ayaa maalin dhexaadkii shalay laga maqlay waddada Rue d’Enghien, taasi oo argagax ka abuurtay dukaamada iyo maqaayadaha ku yaalla waddadan muhiimka ah ee dhacda degmada mashquulka badan ee 10-aad.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay.

Sida uu sheegay Golaha Dimqoraadiga Kurdiyiinta ee Faransiiska (CDK-F), dadka dhintay ayaa kalaa ah haweeney iyo laba nin.

Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa suntan dadka ka ilmeysiisay ku furay dibadbaxayaal careysan oo isugu soo baxay meel u dhow halka toogashada ay ka dhacday.

Dibad-baxayaasha ayaa walxo ku tuuray booliska ayaga oo si caraysan u qaylinaya, waxayna weerarka u arkaan mid ula kac ah oo ciidamada ammaanka Faransiiska aysan wax badan ka sameyn sidii looga hortagi lahaa.

Baabuur dhowr ah oo goobta yaallay iyo gawaarida booliska ayaa daaqadahooda la burburiyey ayada oo dibad-baxayaasha ay tureen dhagxaan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay xireen nin 69 jir ah, oo dacwad-oogaha Paris Laure Beccuau uu sheegay in horey xabsiga looga sii daayey isaga oo sugaya maxkamadeynta weerar sanad kahor ka dhacay xero muhaajiriinta ay ku nool yihiin oo ku taalla Paris.

Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayey nin caddaan Faransiis ah oo isaga oo garbo duub u xiran laga qabtay goobta weerarka.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay in ninka weerarka gaystay oo magaciisa lagu sheegay William M. uu dambi-baarayaasha u qirtay inuu yahay cunsuri.

Hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ku baaqay in bulshadooda ay helaan ilaalin wanaagsan, codsigan oo sidoo kale ay jeediyeen markii 10 sano kahor sidoo weerar lagu dilay saddex haween oo Kurdi ah.

AFP, REUTERS

Madaxweynaha Maamulka Hiirshabelle oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi uu Hugaamianyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah,waxaana garoonka adaan Cade ku soodhaweeyey Xildhibaano,Wasiiro iyo Saraakiil ciidan.

?????????? ???????????? ??? ????????? ??? oo ?? ???????? ?? ?? ???? ????? ???? ????????? ???? ????????? ?? ?????????? ??? ???? ?? ??? ???? ?????.

0

Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysaa baaqii ay soo saartay 11/ 12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.

Bahda Sports-ka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhoweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore .

??’????? ??????? ????? ?? ????? ?????????????? ???? ?? ?? ?? ???????????? ?????????? ??? ??? ???????? ??????? ???????

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, ayaa faray ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Agaasimeyaasha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Madaxweyne Xasan”Saraakiil loo haysto in ay fududeeyeen Qaraxyada Caasimadda ka dhaca ayaa baaris ku socotaa”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in Sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa.

Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Maxay tahay tallaabada uu u qaaday Mareykanka ee Shiinaha sida aadka ah uga ka careysiisay?

Shiinaha ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada militeri uu siinayo Taiwan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in arrintani ay dhaawac weyn u geysatay amniga iyo xasiloonida ka jirta jasiiradda Taiwan.

Dhaleeceynta Shiinaha ee Mareykanka ayaa timid iyadoo jawaab u ah xeerka kharashaadka gaashaandigga ee Mareykanka kaasoo ogolaanayo in toban bilyan oo doolar loogu deeqo Taiwan si looga taakuleeyo amniga iyo hubka.

Wasaaradda arrimaha gaashaandhigga Taiwan ayaa bogaadisay xeerkan isla markaana sheegtay in uu muujinayo in muhiimadda uu Mareykanka siinayo sare u qaadidda amniga jasiiradda Taiwan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta Qaabilay Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga iyo Madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus. Iyagoo kawada hadlay fulinta mashaariic wax ku’ool ah oo laga fuliyo Caasimadda dalka.

Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga la xariira Dhismaha Wadooyinka, xarumaha Danta Guud, hirgalinta Warshadaha Wax soo saarka, Shaqa abuurka Dhallinyarada, xal u helida Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacab keeda kaalinta joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarrinta Caasimadda.

Dowladda Itoobiya iyo TPLF oo oggolaaday in gobolka Tigray ay tagaan kormeereyaal ka socda Midowga Afrika

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo Itoobiya iyo TPLF.

Mas’uuliyiinta federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la siiyo fursad buuxda oo ay gobolka ku kormeeraan, taas oo la xiriirta soo afjaridda colaadda laba sano jirsatay.

Hoggaanka millatariga Itoobiya iyo wakiillada jabhadda Tigray People’s Liberation Front ayaa isku raacay in la dhiso koox kormeerayaal wadajir ah oo kormeera heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November.

Heshiiskan oo lagu kala saxiixday dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo labo sano ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo kooxda TPLF oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa sheegay Khamiistii in dhinacyada dagaallamaya ay isku raaceen in la sameeyo guddi la socda heshiiska. nabadeed.

“Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yiri Kenyatta.

Dowladda Burkino Faso oo dalka ka ceyrisay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Dowladda Milateriga ah ee Burkina Faso ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku amartay isuduwaha howlaha gargaarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Barbara Manzi inay si deg deg ah dalka uga baxdo, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ee loo eryay.

Xiriir lala sameeyay, afhayeen u hadlay dowladda isla markiiba ma uusan sheegin sababta ay ugu calaamadisay Manzi, isuduwaha Qaramada Midoobay ee Burkina Faso, “persona non grata” oo ay ka dalbatay inay baxdo Jimcihi ishalay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaan isna isla markiiba ka jawaabin codsi ah inuu faahfaahin ka bixiyo ceyrada Manzi.

Burkina Faso oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka ayaa waxaa ka socda kacdoon ay wadaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo ISIS, kuwaas oo dilay kumannaan shacab ah, ayna ka abuureen mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee qaaradda sida xawliga ah u sii kordhaya.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa barokacay oo degan xeryo cooshado ka sameysan, oo badi ay maamusho Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku yaal baadiyaha oomanaha ah.

Rabshadaha, oo soo jiitamayay muddo ku dhow toddobo sano, ayaa ka dhacaya waqooyiga iyo bariga, taasoo curyaamisay dhaqaalaha maxalliga ah, oo sababay gaajo ballaaran, isla markaana xaddiday helitaanka hay’adaha gargaarka.

Reuters.

Masuuliyiin iyo saraakiil Ciidan oo kormeer ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellada dhexe

0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan Taliyaha ciidanka xoogga,Sanatar Afcadey, Taliyaha ciidanka dhulka, guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer dhiiri galin ah ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellada dhexe.

Masuuliyiinta ayaa maalmahaanba kormeer ay ugu kuur galayaan xaaladda deegaanadii Cadowga laga xoreeyay ku marayay deegaano gobolkaas ka tirsan.