Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka oo maanta la kulmay Wafdi sare oo ka socday Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden, Swedish international Development Agency oo loo soo gaabiyo SIDA horana dhismaha casriga ah ee xarunta Qaran ee gurmadka deg-deg ah ka saaciday dhismaheeda dowladda Soomaaliya.
Gudoomiye sheekh Aadan oo shir gudoomiyey kalfadhiga labaad kulankiisa 27-aad ee golaha shacabka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 27-aad oo ajandihiisu ahaa:
1-Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.
2-Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindisa Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka.
3-Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta.
4-Qeybinta warbixinta iyo akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliyeed.
Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa si qota-dheer uga dooday Hindisa Sharciyeedka La-dagaallanka Argagixisada, iyadoo xildhibaannadu ay sheegeen in wax badan laga badalay qodobo u baahnaa in faafreeb lagu sameeyo si loo kala saaro cida ah argagaxiso. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xildhibaannadda u soo jeediyay in la ansixiyo Sharciga La-dagaallanka Argagaxisada, waxaa na u codeysay 133, waxaa ka aamustay 7 xildhibaan waxaa diiday 3 xildhibaan, waxaana soo xaadiray 143 Mudane.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa ka mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka La-dagaallanka Argagixisada, waxaana uu wasiirku sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo Baarlamaanka 11-aad meel mariyeen sharci muhiim u ah ka hortaga iyo dabar goynta argagaxisada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku aamananyahay Ansixinta sharcigan la dagaallanka argagaxisada maadama marar badan la horkeenay baarlamaanadii ka horeeyay Baarlamaanka 11aad.
Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayay xildhibaannadu ansixiyeen waxaana u codeysay 143 xildhibaan wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan, sidaasi darteed Guddoomiyaha waxaa uu sheegay inuu ansax yahay.
Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS oo maray akhrintiisa sadexaad ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka waxa ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen 143 xildhibaan wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS uga mahadceliyay sida ay u meel mariyeen hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Qaranka iyo Muwaadinka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ugu dambeyn soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in la qeybiyo isla-markaana la keeno warbixinta iyo Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliya, isagoo xusay in Baarlamaanka 11-aad uu ansixiyay shuruuc badan oo muhiim u ah dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi uga qeybgalay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Gees Afrika
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative). Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.
Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa hadal ka jeediyay isaga oo ka hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka u leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee horay loogu heshiiyay.
Shirkaan muhiimka ah ee Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan ee ay dalalkaan uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah iskaashiga Geeska Afrika.
“Waxa aan maanta magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika (Horn of Africa initiative) shirkaas oo aan uga dooday horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.
Waxa aan ka jeediyay khudbad kooban oo aan diiradda ku saaray sida ay ahmiyad gaar ah innoogu leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore ugu heshiinnay”. Ayuu yir Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Shirkaan muhiimka ah ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalay wakiilo ka socdag Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Ra’iisul wasaare xamse “gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan “
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kaga qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray guud ahaan Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in hooyadu ay tahay laf dhabar iyo aas-aas muhiim u ah jiritaanka qoyska iyo qaranka.
Mudane Xamse ayaa xusay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa ilaalinta Xaquuqda Haweenka iyo doorkooda ku aadden ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyey la difaaco, shaqada markii la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa yar”.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyay Haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo uga mahadceliyey kaalintooda muhiimka ah.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka lagu hagayo nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhowrista xogta,
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhowrista xogta, waxaana ogolaatay 143-xildhibaan oo ka dhigay dhamaan mudanayaashii maanta soo xaadiray kulanka.
Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.
Waxaan u mahadcelinayaa guddoonka iyo xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya oo dadaal dheer kadib maanka ansixiyey hindise sharciyeedka la- dagaalanka argagixisada.
Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada,waxa uuna kusoo beegmay xilligii aan ugu baahida badnayn si aan u gudanno waajibaadka Naga saaran ka hortaga khawaarijta iyo ciribtirka faldambiyeedka la xiriira argagixisada .
Dhankooda waxa aan ka codsanayaa guddoonka iyo xildhibaannada aqalka sare iyo BFS in ay ansixiyaan sharcigan oo shaqadiisu soo socotey muddo dheer si aan uga gudubno caqabadda ay argagixisadu ku heyso dalkeenna.

Kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hada furmay
Kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hada furmay, wuxuuna ajendaha kulanka maanta yahay marsiinta akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada, akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka maareynta deegaanka iyo akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka dhowrista xogta iyo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka hormarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Warbaxinta waxqabadka todobaadlaha ee DFS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.
• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland, kulamo ku saabsan dardar-gelinta dagaalka Khawaarijta iyo dib u heshiisiinta la yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland.
• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC oo ka dhacay magaalada Dooxa u sheegay in meel fiican marayaan hawlgalada milateri ee ka dhanka ah haraaga Khawaarijta.
• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa kulamo wax ku ool ah kula yeeshay Amiirka Qatar, Madaxweynaha Djibouti iyo madax kala duwan oo ka soo qeybgaley Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC.
• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee LDC ee ka dhacay Dooxa u sheegay Soomaaliya ay leedahay kheyraad kala duwan oo ay ku barwaaqoobi karto, balse colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed ay muddo ragaadiyeen, haatanse Dowladda Soomaaliya ay si guul leh wadahadal iyo geeddi socod dowlad dhis loo dhan yahay ugu xalineyso labadaasi caqabadood.
• Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cadbi Barre ayaa sheegay in tallaabo sharci ha laga qaadi doono askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka.
• Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir la yeeshay Guddiga Qaran ee ka shaqeynaya daabicidda Shilinka Soomaaliga.
• Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dowladda Turkiga guddoonsiiyay deeq lacageed oo gaareysa 5m oo dollarka Mareykanka oo DFS iyo shacabka ugu deeqeen dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii dhowaan ka dhacay dalka Turkiga.
• Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka Mareykanka, Britain, Turkiga. Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo ku shiray magaalada Washington D.C, ayaa ku heshiiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda loogu taageero dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.
• Tallaabo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal ugu raadineyso biyo yaraanta ayaa Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Salah Ahmed Jama waxaa uu Muqdisho ka furay shir ay beesha caalamku ka soo qeybgashey oo looga hadlayey hanaanka horumarinta biyaha Soomaaliya.
• Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa ansixiyay qorshaha guud ee barista 2023-ka ee la xiriira sannad maaliyadeedka dhammaadey.
• Soomaaliya oo ku biirtey Ururka Xeer Ilaaliyeyaasha Bariga Afrika.
• Hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale. Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).
• Olalaha Haweenka Soomaaliyeed ee Garanwaaga Gurigaaga ka soo saar oo Muqdisho ka socda.
• Wasaaradda kalluunmeysiga XFS oo digniin u dirtay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kaluumeysta biyaha Soomaaliya.
• Dowladda Soomaaliya oo maanta saxiixday hab maamuuska IGAD ee isku socodka xorta ah.
• Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa Muqdisho kula kulmey wafdi ka socday Taliska Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.
• Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa raashiin gargaar ah gaarsiisay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe -Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xorreeyay Khawaarijta.
Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska oo si rasmi ah u bilowday barnaamij ka bixi doona warbaahinta dowladda oo lagu lafa guri doono waxqabadka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
• Soomaaliya oo maanta xuseysa maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8 Maarso

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay qaar kamid ah shabakado ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 19 nin oo 13 ka mid ah ay ahaayeen shabakado ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Markii laga soo tago 13-ka Khawaarijnimada lagu helay, lixda kale waxay ahaayeen askar horay uga tirsaneyd ciidamada Puntland oo lagu helay dembiyo dilal ah oo ay geysteen.

