Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigay xubin katirsan khawaarijta

Date:

Dhagarqabe katirsan khawaarijta Al-Shabaab Oo doonayey in uu si dhuumaalaysi ah ugu Safro magaalada Gaalkacyo oo uu doonayay in falal amni darro uu kasoo fuliyo ayey Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonku ku qabteen Magaalada baydhabo.

Xubintan katirsan khawaar oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo gudaha argagixisada looga yaqaanay Fahad ayaa sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista khawaarijta, isaga oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wuxuu uu sidoo kale sheegay in markii laga qabanayay Garoonka diyaaradaha Baydhabo madaxdanka sarreysa ay ku amreen in uu tago Magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro ka geysto.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaana hataan ay ku wareejin doonaan laamaha amniga Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...