Home Blog Page 473

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay dalka Sacuudiga.
Wafdiga uu hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maalmahan socdaal shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa galabta booqasho ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga halkaasi oo kusoo dhaweeyay safiirka safaaradda Saalim Macow Xaaji iyo ergada kale ee safaaradda.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa kormeeray dhammaan qeybaha safaaradda, xafiisyada loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool iyo sido kale shaqooyinka safaaradda uga wakiilka tahay dowladda Soomaaliya, waxaana warbixin kooban siiyay safiirka safaaaradda Salmaan Xaaji Macow.
Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa bogaadiyay masuuliyiinta safaaradda, waxaana uu kula dardaarmay adkeynta shaqooyinka loo haayo Qaranka.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo imtixaan u furay dad ka socda Nootaayooyinka. {SAWIRRO}

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macalin Maxmuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda sedaaxaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan oo soo buuxiyay shuruudaha imtixaanka.

Wasiirka oo caddeeyay in baahi ay bulshadu qabto loo qabanaayo imtixaanka, kana hadlay muhiimadda ay Nootaayooyinka u leeyihiin bulshada, Caddaaladda, horumarka, sharciga iyo kala dambeynta ayaa sharci yaqaannada imtixaanka u fariistay u rajeeyay guul.

Sharci yaqaannada u fariistay Imtixaanka oo ay qaadayaan guddi ka madax bannaan wasaaradda ayaa u tartamaya 20 nootaayo oo ay ku guuleysanayaan 20 qofood ee ugu buundooyinka badnaada imtixaanka maanta ay galeen.

Maamulka Degmada Baladweyne oo ka hadlay fatahaadda webiga shabeelle

Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cumar Cismaan Calasoow ayaa sheegay in xalay uu webiga Shabeelle ku fatahay qeybo ka mid ah afarta xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay.

Guddoomiye Calasoow oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in magaalada loo sameeyay dhowr biyo xireen balse uu webigu dhaafay xaddigii laga filayay fatahaadda, isla markaana jabsaday goobo badan laga moosay biyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan biyuhu geysan qasaara weyn balse ay jiraan xaafado iyo suuqyo ay galeen biyuhu, iyagoo ka sare maray Buundada Liiq-liiqato wax gaadiid ahna uusan isticmaalayn, maadaama laga cabsi qabi in ay waxyeello soo gaarto.

Wuxuu sheegay guddoomuhu in ay magaalada ka barakaceen boqolaal qoys haatanna ay wadaan ka maamul ahaan dedaallo la xiriira sidii loola tacaali lahaa fatahaadda webiga iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ay fatahaadda Webiga iyo saamayntiisa ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyagoo isla gartay dadka ku go’doonsan gudaha iyo duleedka magaalada in loo gurmado.

Soomaaliya iyo Masar oo iska kaashanaya sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimillada

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS Marwo, Khadiijo Maxamed Makhsoumi oo howlo shaqo u joogta dalka Masar ayaa  kulan la qaadatay dhiggeeda Masar marwo, Yasmine Fouad.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimillada oo adduunka qatar ba’an ku haya, saameyn-na ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Intii uu kulanku socday waxay sidoo kale ka wada hadleen labada wasiir sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wasaaradood ayna isaga kaashan lahaayeen dhanka khibradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Cadeeyay Mowqifkiisa Dagaalka Laas-caanood

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in arrimaha ka taagan Laascaanood  iyo Boorame aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira  lagu xalliyo wada-hadal iyo wadajir bulsho, isla markaana ay Somaliland ka saaran tahay mas’uuliyad gaar ah xal u helidda dhibaatada taagan.

Mudane, Xamse oo ka dalayay munaasabad lagu dhiirri gelinayay ammaanka oo xalay lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in dowladda Federaalka mowqifkeedu ku aaddan shaqaaqada ka taagan Gobolka Sool uu yahay mid cad oo ay horay u shaacisay ku cel-celisna aan u baahnayn, isagoo tilmaamay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay dowladdu Lowya cadde illaa Raas kaambooni, dalkana ay ka jirto hal dowlad.

Wuxuu ku baaqay Ra’iisul Wasaaruhu deggenaansho, nabad gelyo iyo in wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal, wuxuuna intaa raaciyay in ay nabad gelyadu xil gaar ah ka saaran tahay maamulka Soomaaliland iyo Odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in nabad gelyadii lagu soo caana maalay anan laga caajisin, isagoo ugu baaqay in aan colaadda lasii hurin, isagoo sheegay in aysan raalli ka ahayn in wiil Soomaaliyeed uu macna darro ku dhinto oo aan laysku fogaan.

“Nabad gelyada ha lagu wada noolaado, dadkuna walaalo ha noqdaan, siyaasaddana waa laga heshiinayaa, ha dowlad baannu nahay, aan taasi rumeysnaano, yaan la fogaanin, wwaa la doogiye yaan la dacaroon” ayuu yiri RW Xamse.

Wuxuu sheegay in dad is dhalay aysan u habboonayn in ay isu habra wacdaan ama colaadda sii huriyaan, wuxuuna ugu baaqay in ay xishoodaan oo aan shacabka macna darro laysaga laynin, isagoo ku baaqay in wax berry laga qoomamayn doono aan maanta lagu dhaqaaqin.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo abaalmarinno guddoonsiiyay muwaaddiniin Khawaarijta si Geesinimo leh ula dagaalamay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudan Saalax Axmed Jamaac iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay muwaadiniinta abaal marinta lagu guddoonsiiyey madasha ee ka hortagay falal amni darro, gacanna ka geystay in la soo qabto dhagar-qabeyaal u maleegayey shacabka hagardaamooyin, waxa uuna xusay in amniga Caasimadda ee la hagaajiyey ay sabab u tahay wadashaqeynta shacabka iyo dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay in caawa ay haystaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed fursad taariikhi ah oo ay dalkooda ku xoreeyaan, maadaama Xukuumadda ay qaadday tallaabooyin isu soo dhaweynaya Hay’adaha Amniga iyo shacabka, lana xoojiyey kalsoonida, wadashaqeynta iyo dareenka qarannimo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wareejiyey Ciidamada Qalabka Sida 50-neef oo geel ah oo ay jeebkooda ka iibiyeen Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

 

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xussen ayaa gaaray Magalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

0

Wafdi Balaaran uuu horkacayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xussen ayaa gaaray Magalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda

0

Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.

Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan inay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an dowladda inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib tirayo Khawaarijta iyo ficiladooda. 

Ciyaartoyda Xulka Qaranka 17jirada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka 17jirada oo ka soo qeyb galay Tartanka Koobka 17 jirada Qaramada Afrika {AFCONU17} oo lagu qabtay dalka Algeria, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sirdoonka Qaranka oo Fashiliyay weerar loo diyaariyay Beerta Nabadda.

6-dii Bishan May Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.
Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.
NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.
Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan inay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an dowladda inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib tirayo Khawaarijta iyo ficiladooda.