Home Blog Page 473

Shaqaale ku dhintay howlo miino baaris ah gudaha Ukraine

Saraakiisha ku sugan dalka Ukraine ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdegga ah lagu dilay hawlgallo miino baaris ah oo Sabtidii ka dhacay gobolka Kherson ee koonfurta dalkaasi.

Maamulka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayeen deegaan laga xoreeyay ciidamada Ruushka.

Waxaa ku qarxay miino xilli ay doonayeen inay ka saaraan halkaas.

Duqeymaha Ruushka ayaa Sabtidii waxaa ku dhintay ugu yaraan toban qof oo rayid ah gudaha magaalada Kherson.

Weerarada ayaa ka mid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kherson tan iyo markii ciidamada Ruushka laga saaray bishii hore.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo farriin soo diray xaley, wuxuu sheegay in duqeymaha Ruushka aysan waxyeello u geysan doonin waxa uu ugu yeeray dadka reer Ukraine ee aan gabban.

In ka badan 50 qof oo ku dhaawacantay shil ka dhacay Canada

In ka badan 50 qof ayaa ku dhaawcantay shil ka dhacay gobolka British Columbia ee dalka Canada.

Shilkan tareen ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Merrit halkaasoo uu heerka qabowga uu gaaray -3.9C.

Lama ogo waxa sababay shilkan.

Guddoomiyaha gobolka David Eby ayaa sheegay in uu ka naxay markii uu maqlay dhacdadan shilka.

Ciidamada ammaanka Galmudug oo xabsiga dhigay Odayaal ka soo laabtay degaanada Khawaarijtu haysato

0

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal saaka Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Khawaarijtu haysato ee Galmudug.

Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri” Odayaasha waa la xiray Waxaana loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Khawaarij ay la tacaamusho”

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa yiri” Odayaasha maanta Hadlay waa dambiilayaal talaabo ayaana laga qaadayaa xitaa wariyaashii Wareystay cadaaladda ayaa la hor keenaa”

Goordhow ayaan idiin soo gudbin doonaa Faah faahin dhammeystiran.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha Wadda Interlock ah oo laga hirgaliyay Degmada Warta Nabadda.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha Wadda Interlock ah oo laga hirgaliyay Degmada Warta Nabadda, gaar ahaan jidka Isku xira Isgooska furayaasha iyo Isbitaal Jasiira, Waddadaas oo ay dhismaheeda iska kaashadeen bulshada Warta Nabadda.

Xarigjarka kadib ayaa Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda kunool in ay ku tartamaan ka qeyb qaadashada horumarinta degmadooda, gaar ahaan dhismaha Wadooyinka, Nadaafada iyo Nabadgalyada.

Madaxweynaha Jubbaland oo Wasiirka Difaaca Kenya kala hadlay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoos.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

Rabshadihii ka dhacay Magaalada Paris oo kordhay

Waxaa sii xoogeystay rabashadaha ka socda Magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kuwaas oo ka dhashay Nin hubeysan oo saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo maqaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, bartamaha magaalada Paris.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta.

Toogasho dhowr ah ayaa maalin dhexaadkii shalay laga maqlay waddada Rue d’Enghien, taasi oo argagax ka abuurtay dukaamada iyo maqaayadaha ku yaalla waddadan muhiimka ah ee dhacda degmada mashquulka badan ee 10-aad.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Magaalada Tripoli uga qeybgalay  shirka ururada jaamacada carabta  oo ka furmay dalka Liibiya

0

Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka furmay Magaalada Tripoli ee dalka Libya iyadoo Shirkaas uu Jamhuuriyadda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiir Daa’uud ayaa Shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka si gaar ah guulaha laga gaaray dagaalka dowlddu kula jirto Khawaarijta Al Shabab.

“Dagaalkaas najaxay ee guulaha laga gaaray waxaa ay Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; milateriga, xanibaadda dhaqaalaha argagixisada iyo dhanka aydoloojiyadda”, ayuu yiri Wasiir Aweys.

Wasiirka ayaa shirka u sheegay in warbaahinta Soomaaliya ay kaalin buuxda ka qaadaneyso dagaalka dhanka aydoloojiyadda (Fikirka) ee argagixisada looga soo horjeedo.

Dhanka kale Magaalada Tripoli ee dalka Libya oo shirka marti galisay ayaa sannadkaan loo aqoonsaday inay tahay caasimadda warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Senator Kobac oo Bogaadiyey Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta Ansixiyey laba degmo oo Cusub

Senator Hassan Iidow Kobac oo katirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa Soodhaweyey Meelmarintii  degmanimada degmooyinka Farlibaax iyo Gamboole ee Baarlamaanka Dowlada Hirshabelle maanta ansixiyeen kadib kulan ay ku yesheen Magaalada Jowhar.

Mudane Hassan kobac ayaa sheegay in hore u mudneed degmanimo Degmada farlibaax ee katirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hiirshabelle isaga oo u mahadnaqay Baarlamaanka Hiirshabelle iyo Madaxda Maamulkaas.

Senator Kobac ayaa balan qaaday in dhawaan adeegyadii Aas-aasiga ahaa  la geynayo degmadaas isaga oo xusay in doorkooda ka qataan dadka deegaanka ka soo jeeda ee wax heysta.

Senatar Kobac ayaa sheegay in uu kamid ahaa dadkii u ololeynaayey in farlibaax ay noqoto degmo buuxda waxana uu xusay in isaga iyo wafdi Balaraan oo uu hugaaminayo ay dhawaan gaari donaan degamaadas iyo degaanada ku xeeran si ay ugu kuur galaan xaalada halkaas ka jirta.

Rabshado ka dhacay Paris kadib markii la dilay saddex qof oo Kurdi ah

0

Nin hubeysan ayaa Jimcihii saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo maqaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, bartamaha magaalada Paris, taasi oo dhalisay dibad-baxyo rabshado wata.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta.

Toogasho dhowr ah ayaa maalin dhexaadkii shalay laga maqlay waddada Rue d’Enghien, taasi oo argagax ka abuurtay dukaamada iyo maqaayadaha ku yaalla waddadan muhiimka ah ee dhacda degmada mashquulka badan ee 10-aad.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay.

Sida uu sheegay Golaha Dimqoraadiga Kurdiyiinta ee Faransiiska (CDK-F), dadka dhintay ayaa kalaa ah haweeney iyo laba nin.

Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa suntan dadka ka ilmeysiisay ku furay dibadbaxayaal careysan oo isugu soo baxay meel u dhow halka toogashada ay ka dhacday.

Dibad-baxayaasha ayaa walxo ku tuuray booliska ayaga oo si caraysan u qaylinaya, waxayna weerarka u arkaan mid ula kac ah oo ciidamada ammaanka Faransiiska aysan wax badan ka sameyn sidii looga hortagi lahaa.

Baabuur dhowr ah oo goobta yaallay iyo gawaarida booliska ayaa daaqadahooda la burburiyey ayada oo dibad-baxayaasha ay tureen dhagxaan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay xireen nin 69 jir ah, oo dacwad-oogaha Paris Laure Beccuau uu sheegay in horey xabsiga looga sii daayey isaga oo sugaya maxkamadeynta weerar sanad kahor ka dhacay xero muhaajiriinta ay ku nool yihiin oo ku taalla Paris.

Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayey nin caddaan Faransiis ah oo isaga oo garbo duub u xiran laga qabtay goobta weerarka.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay in ninka weerarka gaystay oo magaciisa lagu sheegay William M. uu dambi-baarayaasha u qirtay inuu yahay cunsuri.

Hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ku baaqay in bulshadooda ay helaan ilaalin wanaagsan, codsigan oo sidoo kale ay jeediyeen markii 10 sano kahor sidoo weerar lagu dilay saddex haween oo Kurdi ah.

AFP, REUTERS

Madaxweynaha Maamulka Hiirshabelle oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi uu Hugaamianyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah,waxaana garoonka adaan Cade ku soodhaweeyey Xildhibaano,Wasiiro iyo Saraakiil ciidan.